Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Nin Rageey Dardaaran U Tahay Doqoni Wa Mooge .. Mareykanka Oo Markale Muujiyey Taageerada U Hayo Raiisal Wsaare Roble

Wednesday - December 29, 2021




Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa ka warbixisay waxyaabihii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib wadahallo ay siyaabo gooni-gooni ah ula yeelatay.

Waxay Tiri: Waxaan maanta kala hadlay madaxweyne Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. waxaan ku booriyey ayey tiri inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo.

Qoraalka Mary Catherine Phee ayaa intaas ku sii daray oo tiri: Waxaan shalay la hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah.”