Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Aduun-yoy Xaalka Ba' .. Rooble Dhoosha Ka Qoslaaya Dalki Xoreystay Oo Weli Sii Karbaashaya Farmaajo .. Rooble Aya Magacabay Guddi Baaritaan Ku Soo Sameeya Afgambigi Farmajo Ka Fashalmay

Thursday - December 30, 2021




Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabaya guddi baaritaan dhab ah ku sameysa ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii bishaan lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in shirkii golaha wasiirada ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble la isku raacay magacaabista guddigaas, kaasi oo ka koobnaanaya 5 xubnood.

Guddiga ayaa baaris dhmaeystiran ku sameynaya sidii ay wax u dhaceen, xilli uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha uu wacad ku maray in uu sharciga la tiigsanayo cidkasta oo ka dambeysay arrintaas.

27-kii bishan ayey aheyd markii ciidamo la dul dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta Golaha Wasiiradda, isku-deygaas oo markii dambe fashilmay, ayada oo sida la fahamsan yahay uu amarkaas kasoo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kadib afgambigii fashilmay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu dhammaan ciidamada kala duwan ee dowladda ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa ka hor-timaada.

Rooble ayaa xilligan haysta kalsoonida socodsiinta arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan furmaya shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka, si loogu saxo qaladaadka ka jira doorashada Golaha Shacabka, oo si weyn uga horyimaadeen Midowga Musharaxiinta.