Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waagi Beryaaba Waayo Leh .. Baaristi Kiiska Afgambigi Lagu Eedeyey Farmajo Oo Bilaabmay Iyo Ujeedada Weyn Ee Laga Leeyahay

Tuesday - January 4, 2022




Warar hoose oo aan ka xigtay ilo iyagu si gaara ugu xiran gudiga loo xil saaray baarista kiiski afgambiga 27 December ayaa ii sir waramay, kuwaaso ii sheegay in baaristi ay si rasmi ah u guda galeen, oo ay si xooli ah u socoto iyadoo illa hadda shirkooda sadexaad yeesheen, waxayna sheegayaan iney durbaba faraha ku dhigeen Siro muhim ah oo saraakiil iyo madax intaba lagu eedeyn-karo 

Waxay kalo xuseen in illa hadda ay baaris suaal iyo jawaab ay la galeen illa 11 sarkaal oo la yiri waxay goob joog ka ahaayen shirki lagu abaabulaayy qorshihi Afgambiga, shirkaas waa side ay sheegeene waxaa isagana goob joog ka ahaa Wasiirka Arimaha dibada Cabdi Saciid Iyo Fahad Yaasiin oo labadaan dambe beri iyagana haddi ay ka yeelaan wax la weydiin-doono laakin sida xogtu sheegeyso waxay guddigu dhawr jeer wareysi lagu noq-noqday la yeesheen ilaalada Madaxtooyada oo iyaga laga helay warar dheeraad ah oo la xariira qaabki ciidanka loo hawl-galiyey
 
Guddigan oo laga sugayo in muddo todobaad ah ku soo gabagabeeyaan baaritaanka kiiskaas ayaa la filayaa inay soo bandhigaan warbixin ku saabsan qaabkii uu isku dayga u dhacay iyo cidii ka dambeysay ee amarka bixisay .. koleyba sida la xaqiijiyey ujeedada weyn ee lag leeyahay baarista waa in eedeynta kadib is badal looga takhaluso Taliyaasha ciidamada oo markaas la keeno kuwa ka amar qaata Roble .. Sido kale Rooble wuxuu doonaya in golaha wada tashiga ka ansaxiyo in amniga guud ay hoos yimaadaan Raiisal Wasaaraha, waxaase la sheegaya in qodobkaas ansaxintiisa u ka warwareegaayo Mooryaan Madabe Axmed Qoor-Qoor, halka ay lafta-gareen iyo Kan Hiiraan ay ka aamuseen, aamusnaantaaso loo qaadan-karo aqbalaad.