Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 22 January 2022

Seefaha Gardiidka Ah Oo Galka Lagala Soo Baxay .. Rooble Oo Majaxaabinta Farmaajo Ka Dhamaan La' .. Farmaajo Oo Yiri : Rooble Waa Nala Ku Soo Falay Ee Yaasiinka Iyo Burdaha Aan Isku Meerino

Friday - January 7, 2022




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde .. Rooble ayaa hadalkan lama filaanka ah maanta ka sheegay Muqdisho, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo deeqdaas u kala wareegay Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta khasnada dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw .. Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’anthay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd ..waa sida la sheege lacgtas imaaradku waxay ku sheegen in loogu tala galay mushaarka milatariga somaliya gaar ahaan qaybti imaaraadka gacanta ku hayeen, halka Farmaajo iyo kooxdiisa ay yiraahdeen waa lacag loogu talagalay arbushad siyaasadeed

Dhnaca kale Madaxweyne Farmajo ayaa soo saray go'aan aan lagu bixin-arin lacgtaas, wuxuuna amar ku siiyey bangiga dhexe inusan ogalaan go'aanka Rooble .. Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amniga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo Khasnada dowladda .. sidaa daraadeed ayuu yiri haddi bangigu qaato amarka Rooble waa Amar diido