Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Cajebey Cajiibey Iyo Dardarsiga Barwaaqada .. Lacagti iimaaraadka Ee Lagu Qabtay Garoonka Oo Inteedi Badneyd Loo Futa-futeystay Sidi Luqmada Oodkaca Oo Cunaha La Dhaafsiiyey

Saturday - January 8, 2022



Koleyba Runta In Yar Baa Sheegta, Balse Runta Barakadeed Ballo ayaa hor-joogta .. Warar xam-xamta ah suuqyada lagu hadal hayo hawada la isu marinaayo oo la yiri waxaa laga soo xigtay Masuul hawl-wadeen ka ah Bangiga dhexe ayaa laga soo wariyey inu yiri cadadka lacagta Malaayiinta la sheegaayo meesha ma taal oo sidi haddba qolo u siib siibeysay ayaan la aqoon tirada dhabta ee la hayo.

Masuulkaan oo warka laga xigtay ayaa saaxibadi uga sheekeeyey in lcagta maalinti la qabteyba lagu wargaliyey Taliyihi NISA Fahad, kadibna u amray in lacagta illa amar dambe lagu ilaaliyo Makhsin gaara oo garoonka ku dhex yaal, waxaana illa habeenki halkaas lacgta ku ilaalinaayey Xidigle NISA loo yaqaan Qaawane oo markiisi hore ahaa mooryaan maalin walba Xamar rasaas ku maareyn jiray oo markaan sidi NISA loo qoray gaajo la dareysnaa iyo laba askari oo iska hunuushta ah, kadibna waxaa la sheegay in ilaaladaas ay quluubtooda asiibtay jaceyl lacgtaas la xariirta oo hunguri juq-juq ka gashay , dabadeena si ay ku jabsadeen iyadoo aan la garaneyn ayey illa sadex khasanado yar-yar halki kala baxeen, halki ay dalooshadeena ay Baco iyo kartoomo ku gufeeyeen .. wa sida ay u qaateene: Waa deeq illaah ku siiyo oo daruuraha ku geeysa

Ugu dambeysti Taliyihi NISA ayaa waagu marku baryey ku amray in kartoomada khasnada la geeyo Xarunta Taliska NISA , oo halkaas la yiri waa lagu baaraya .. Lacagti waxaa lagu xareeyey qol u dhaw xafiiska Taliyaha Fahad oo isla markaa ilaalo illa Laba askari loo xil saaray .. Labadi askari oo iyagana ilaalineysay sido kale waxaa ayagana ka galay hunguri, dabadeed waxay heleen meel horay loo jabsaday oo wax lagala baxay, iyaguna sidi qoladi hore meeshi ayey kala baxeen laba khasanado oo yar yar oo aan la garaneyn lacagta ku jirtay .. Lacagtaan oo malaayiin ahayed waxay u kala xirneyd Boqol-Boqol, Konton-konton, Labaatan-Labaatan iyo Toban-Toban iyo Shan-Shan intaba

Arintu si kastaba ha noqote ugu dambeysti lacagti waxaa Fahad amray in lacagta loo raro bangiga dhaxe oo halkaas lagu hayo laguna keydiyo bakhaarka khasnada dhexe ee ku yaal dhulka hoose ee bangiga, waxaana irida laga galo Bakhaarka hoose ee khasnada gacanta ku haya laba Nin oo mid walba Muftaax gaar haya, micnah mid kaligiisa meesha ma furan karo oo waa in labadaba a wada jogaan .. Labadi haysay furaha Bakhaarka Khsnada iyagana waxaa galay hunguri oo ugu dambeyn waxay tashi ku wada gaareen iney meesha wax ka futa-futeystaan , waxaana la rumeysan-yahay in iyagana dhinacooda qaateen laba khasnadood oo yaryar.

Warka oo aan soo koobaayo, lama garanaayo in gudoomiyaha Bangiga laftiisa meesha wax ka biliqeystay waayo marku tuhun yimid wuxuu amray in Furaha midkood amaan ahaan u isagu hayo, laakiin waxaa la sheegay in u tagay Riisal Wasaare Kheyre oo waqtigaas joogay oo u ku yiri, waxaa la ii keenay lacag horay la soo bilileqeystay .. Kheyre ayaa dabadeed guddi u soo diray lacgtaas soo baara, waxayna heleen qaybo ka mida khasnadi oo wax lagala baxay .. Guddiga oo iyaguna dhinacooda is dhugtay waxay isla qaateen in iyagana dhinacooda wax uun Canka ka buuxsadaan, waxaana la tuhmaya in Kheyre lacgtaas wax looga keenay

Gudoomiyihi Bangiga oo ogaaday iney guddigi Kheyre soo diray ay meesha wax kala baxeen , wuxuu dacwad ugu tagay Kheyre oo u sheegay in nimanki u soo diray ay halki ay wax ka baari-lahaayeen ay iyagi boob galeen .. Kheyre oo sida la sheegay ahaan jiray sabool haddase kibray ayaa si aan waabasho lahayen kaarki u rogay oo yiri: Waryaa yaa damiin wax u dhiban jiray maxaad ku hadleysa oo sheegeysa, oo guddomiye adigu ma hanti-dhawra tahay, yaase ku yiri wax xisaabay, digtoonow oo dib u jeensow .. Gudoomiyihi Bangiga oo arkay in erey xun usan mudneyn loogu jawabay ayaa isna khyre aamus ku dhibay, halkiina ay ku kala dhaqaaqeen.
Cala ay xal qosol wuxuu ka jooga Dhagax la karkarinaayo guudka Timir xashan iyo malab loogu dhoobay si aan loo dareemin lacgtaas la bililiqeystay .. wa hubaal arintaa haddey xaqiiqo noqto in la isu dacareyn-doono