Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Arintaan Laba Kacleynta Ah .. Boqor Burhaan Sidi Doorki Hore Duulimaadka U Galay Hawshiisa Ma Awrka Dabar-baa ?

Tuesday - January 11, 2022




Isimmada dhaqanka Puntland ee gobalka Bari ayaa ku dhawaaqay go’aano cusub oo la xariira xal u helida colaadii ka dhacday magaalada Boosaaso, iyo xalinta khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Isimmada oo sida la sheegayo aan u dhameyn go'aankaan ayaa soo jeediyay in Agaasimaha Hay’adda PSF loo sii daayo Maxamuud Cismaan Diyaano, iyo halka 17% dhaqaalaha Dekedda lagu celiyo Dekedda Boosaaso, si loogu hormariyo magaalada Boosaaso .. Siyaasiyiin ii kala furan ee reer puntland ee warka aan ka xigtay ayaa tlaabadaas ku sheegay wax sidi cinjir la kala jiid-jdanaayo oo il xad boqorka usan ahayen dhex-dhexaad, balse  qaladaad-kiisana u badan yahay .. waxaa kalo la leeyaay magacisi iyo kii reeerka Cismaan Maxamuud ayuu burush ceebeed la daba taagan-yahay, oo markasta siyaasadiisa dhinac kaliya yey ka rarantahay

Sidoo kale, Boqor Burhaan iyo Isimmadaas inta ay is yiaahdeen fekera ayaa soo jeediyay in Dowladda Puntland ay ka laabato heshiiskii DP World ay kula wareegtay Dekedda Boosaaso, maadama muddo 5 sano ah aysan waxba ka qaban .. qodobkaan ayaa lagu tilmaamay mid soo jeedin macqul ah, laakiin waa hawl u taala Baarlamanka Puntland

Go’aankan ka soo baxay Isimmada gobalka Bari ayaa imaanaya xilli magaalada Boosaaso ay ku sugan yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, iyo Isimmo fara-badan, oo ay hoggaaminayaan Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Dhinaca kale Madaxweyne Dani oo hadda ku sugan Mogdisho, isla makaana u xir-xiran socdaal u ku tagao xagaa iyo Imaaradka Carabta ayaa illaa hada wax jawaaba ka bixin go'aamada isimada ee u hogaaminaayo Boqor Burhaan, laakiin sida la ogyahay aragtida Deni ayaa ku dhisan Qaniiyo Qaniiyo ayaa kaa fujisa.