Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

P/Land Qurun Baa La Walaaqaya .. Qaranimadi P/Land Waxaa Ku Dikanaaya Takfi Iyo Kutaan .. Weli Waa Nool-yhiin Galeyradi Soo Helay Gobanimadi P/Land .. Deni Kala Qaad Dibnaha Oo Ruuxi Dab Shida Adna...

Thursday - January 13, 2022





War Baa U Gaajo Badane Ee Akhristow Ku Soo Dhawow Xog Iyo Xaqiiqo Daahsoon .. Puntland waxaa waayahaan ka sharqamaya wax aan la garaneyn, balse wararka halkaa ka iimaanaya ma aha wax la dhayalsa-karo, waayo sida muuqata waxaa lagu hawlan-yahay masiibo iyo in Puntland kaarka loo rogo oo raqdeeda maalin cadceeda la washiro amase si kale Warmo Beerka lagaga taago si ay bukaan socod u noqoto .. wararku waxay tilmaamayaan in Puntland qorsho hoobaaq ah loo qodaayo, qorshahaaso lala xariirinaayo iney ka dambeyaan Sirdoonka Qadar iyo Agenti-gooda Fahad Yaasiin oo isu kaashanaya sidi gabi ahaanba maamulka Puntland looga ceyrin-lahaa Madaxweyne Deni oo la yiraahdo: wixii madax kaa dhigay waa la isku haysta 

Sir-doonka Qadariinta waxay inti muddo ahba si gaara isha ugu hayeen Deni oo ay ka aaminsan-yihiin inu la haysto Imaaradka Carabta, isla markaana la dooneysa inu somaliya madaxweyne ka noqdo, taaso caqabad ku ah doorashada Maxamed Farmaajo 

Warka oo shabkaadaan ay ka heshay ilo xasaasi ah oo ay ku kalsoon-tahay ayaa ii sheegay in qorshaha Qadar Iyo Fahad ay ka shaqeeyeen ay ugu horeyn tahay iney gacanta ku dhigaan Rag Awr-kiraale ah oo u ka mid yahay Boqor Burhaan kadibna isaga loo si maro Isimada Puntland oo halkaas ay ka bilaabaan tafaraaruq bulsho oo saameysa awooda iyo madaxtinimada Deni, isla markaana sumcada laga dilo 

Warku wuxuu intaa ku daraya in lacagta loo sii hormariyey Boqor Burhaan ee loogu shubay Akounti ku yaal magaalada Dubai ay tahay lacag fara badan , waxaa kalo la tabinaya in ciidamada PSF ee u hogaaminayaan ILmo Diyaano ay qortaan 500- 600 askari oo mushaar-kooda ka iimaanaya dhinaca Qadar, qofkiina mushaar ahaan bishiiba la siin-doono 600 doolar, isla markaa qorshaha la dajiyey waxaa ka mida in garoonka magaalada isku-shuban ku yaal laga soo dajiyo Hub noocyo kala duwan ah oo gacanta loo galiyo ciidamadaas PSF .. Waxaa carabka lagu dhuftay in askarta maleeshiyaadka illa hadda si hoose loo qortay ay ka kala yimaadeen qabaaiilka Cismaan Maxamuud ee Bah Dir, Cali Salemaan, Siwakhroon, Cali Jabriil Iyo tiro aan sidaas u badneyn oo Reer Biciid-yahan ah .. Dhalinyaro Leelkase Bari degan waa loo soo bandhigay waase diideen

Wararkaan xasaasiga ah ayaa intaa sii raacinaaya in bulshada codkeeda Reer Puntland ay arintaa shirqolka ah laga dhiidhiyey oo guux weyn u ka jiro guud ahaan shacabka Puntland gudo iyo dibad-ba oo iyagu waxay u arkayaan in Puntland lagu soo duulay oo loo adeegsanaayo shakhsiyaad is cajabiyey u ka mid yahay Boqorka weerka cad xirtay Ee Burhaan oo kaashanaaya isimo gaara oo sheekada la wada 

Kadib Fikir iyo faaqdidaad badan, warka waxaa lagu khatimaya marnaba iyo sinaba caliga iyo garaadka qofka somaliga ahi ma aqbali-karo guumeysiga iyo is adoonsiga jaad walba u yahay Ee khal-khalka Boqor Burhaan uu u abaabulay Puntland haddaan deg deg looga hortagin waxay Puntland mari-doontaa dariiqi ay u sahmiyeen Sirdoonka Qadar Iyo Adeega-yaashooda .. Cigaal Shidaad baa waxaa laga haya murtida ahyed: Haddi aan karintaas laga guurin amase wax laga qaban waxaa halkaa ka soo dhici-doona Goroyo heereysan, Diin kabaaleysan iyo Dawco kooreysan 

Ilaahay bulsho ma badalo illa ay iyagu naftooda badalaan .. Madaxweyne Deni waxaa looga fadhiya inu dibnaha kala qaado intaan Ceel-Walwaaleed ku go'in wadaamaha .. Ruuxi Dab Shida Oo Fariisan Waaya Asna Waa In Olol Lagu Sii Daayo.