Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Sidee Boqoradi Balqiisa Aabeeheed Ku Guursaday Jiniyadi Iyada Dhashay .. Sideese Nabi Saleemaan Ku Bartay Boqoradi Balqiisa

Monday - March 21, 2022




Balqiis waxay ahayd boqorod nooleeyd waqtigii Nebi Suleymaan CS kana talinaysay qaybo ka mid ah dhulka haatan loo yaqaan Yaman oo ay ku noolaayeen qabiilooyin la oran jiray Ximyar .. Boqortooyadii Balqiisa ka talinaysay waqtigaa waxaa la sheegaa inay gaartay horomar lagu tilaabsado kii ugu haboonaa waqtigaas oo dadkeedu waxa ay gaareen ladnaan iyo barwaaqo tii ugu saraysay waqtigaas.

Boqoradaan Balqiisa, Aabaheed wuxuu isir ahaan ka soo jeeday boqoradi reer Ximyar oo ka talin jiray dalka Yaman, hasa-ahaate hooyadeed waxay ka soo jeeday boqrtooyo Jinka ee ka dhisneyd carigaas Yaman .. Maalin maalmaha ka mida Boqorkaas oo la oran jiray Sharxabiil isago ugaarsi baadiyaha ugu baxay ayuu la kulmay Dhurwaa Cayrsanaaya Deero-Dabataag midab Cad leh .. Boqorki oo arkay ugaartaa quruxda badan oo dhurwaagu baacsanaayo wuxuu isku dayey inu ka reebto Waraabaha si isagu u ugaarsado Deeradaan quruxsan, waana ka reebay laakiin uma suragalin inu Deeradaas ugaarsi ku qabsado, balse isla markiiba waxaa ku soo baxay nin yiri anigu waxaan ahay Boqorki Jinka oo dhulkaan la taagan-yahay ka taliya, wuxuuna ninki boqorka ku yiri ma daama aad gabadheyda amiirada badbaadisay waxaan kugu abaal marinaaya inaan iyada lafteeda ku guuriyo .

Boqorki Yaman ee Sharxabiil marki gabadhi u arkay quruxdeeda jaceyl ayaa asiibay oo markiiba si deg deg ah ayuu ku aqbalay, ugu dambeystiina Naagti Jiniyada ahayed waxay u dhashay gabadhaan lagu magacaabay Balqiisa .. Gabadhaan amiirada Balqiisa aad iyo aad ayaa looga jeclaaday arladi Yamaan oo waxay caan ku noqotay caqli badni iyo xikmad ay markasta aabeheed kula shaqeyn jirtay.

Boqorki Sharaxbil oo marki dambe hawl-gab ka noqday xaga Da'da iyo caqliga waxaa maamulki iyo hawshi boqortooyada si wadi jirtay amiirada Balqiisa, waxayna noqotay gabar laga jeclyahay geyga Yaman oo dhan oo xitaa gobolo horay uga caasigaroobay boqortooyada ayey awood iyo xoog ku soo xero galisay

Ugu dambeyn Boqorki Sharaxbil dhimashadiisi markay soo dhawaatay wuxuu ka dardaarmay in gabadhiisa amiirada Balqiisa u xilki Boqortooyda ku wareejiey, waxaana magacaabistaas si diiran u soo dhaweeyey golihi Suurada iyo dhamaan dadki reer Yaman

Nebi Suleymaan CS oo waqtigaas ay Balqiisa ka ariminaysay dhulka Yaman isagu ka talinayay dhul ballaaran oo Beytul Maqdas iyo Shaam iyo inta ku xeeran ah ma uusan ogayn jiritaanka boqoradan ka arimisa meel maamulkiisa ka baxsan tan iyo intii uu arinkaas ka ogaaday shimbir la oran jiray Hud-Hud oo ka mid ahaa shimbiraha u shaqeeya.

Sida laga wada war hayo Nebi Suleymaan CS waxa uu ahaa boqor ilaahay siiyay awood iyo mulki ballaaran oo aan hore iyo gadaalba loo siin Axad kale oo isaga ka horeeyay ama ka dambeeyay .. Waxaa loo sakhiray oo u shaqaynayay inta badan wax kasta oo uu ilaahay arlada ku abuuray, Waxaa u shaqaynayay makhluuqaad badan oo ay jiniga iyo shimbiraha ku jiraan waxaa kale oo gaadiid looga dhigay dabaysha oo uu uraaci jiray halkii uu doono.

Boqortooyada Nebi Suleyman CS waxay ahayd mid ka casrisan kana xoog badan tii Balqiisa oo saleemaan Jiniyada xoog badan ayaa udhisi jiray mixraabyada, guryaha, taalooyinka, jidadka, iyo warshadaha sameeya maacuunta iyo agabka guryaha oo digsiyada wax lagu karsado ku jiraan.
Waxay kaloo bad iyo barriba oga soo saari jireen wixii macdano iyo jawaahir ku jira sida luulka iyo yaaquudka .. Nebi suleymaan wuxuu yaqaanay oo ilaahay baray luqadaha xayawaanka kala gadisan ee u shaqeeya oo ay shimbirahana ku jireen.

Maalin u kormeer ugu kuur galay arimaha shimbiraha ayuu ka dhex waayay Hud-Hud markaasuu yiri “oo sidee wax ujiraan Hud-Hud iima muuqdee,wallee wuu Eedi amar la’aanta uu iska tagay hadaanu wax micno leh oo uu ku maqnaa ii keenin”.

Shimbirki Hud-hud waa soo laabtay isaga oo warbixin basaasnimo ka sida boqortooyadii balqiisa oo uusan nebi suleymaan CS kaba war heyn .. markiiba Nabi Saleemaan wuxuu amary in la keeno, waana la keenay oo markiiba waxaa loo gudbiyey madaxtooyadi Nebi Sulemaan oo ahaa mid dul yiilay biyo dushooda oo ka sameysan muraayado aad loo qurxiyey ..  Kolkay galaysay ayay xaydatay maryaha oo ay baneysay labadeeda kub iyada oo moodaysa in ay jiraan biyo ah ku dhex jirto.

Markiiba Nebi Sulaymaan ayaa ku yiri waa Sarxi lagu xardhay muraayado ee biyuhu hoosta ayay marayaan .. Balqiisa oo la ashqaraartay sancadan mucjisada ah ee in ay aragto daayoo aan waligeed hore ugu fikirin ayaa qirtay in waxanu yihiin farsamo haysata awood sare oo ayidaysa ee aysan ahayn wax uu gaar uyeelan karo aadane iyada la mid ah .. Balqiisa oo halki ku islaantay waxay markiiba is guursadeen Nabigi Salemaan ee ay martida u ahayed