Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waaberi Arooryaa Uxud La Isku Haleelay .. CIA-da Mareykanka Dhoobo Isa Soo Marineysa Oo U Kulul Iney Madaxtooyada U Soo Xusho Mid Dameer Ah Seeda Liq-liqa Lagu Adeegto Hadal Macaankisa Loo Mashxarado

Sunday - March 27, 2022




Sida la ogyahay inta badan xildhibaanada ku yimi farsama xumida oo maamul-ba sidu door biday u soo xushay wey soo xaroodeen, wixii la boobeyna waxaa lagu yiri sharaab Dadkiina dhinac ka raaca yaanad lumine, balse tirada hartay waa fara ku tiris laga yaabo iney soo dhamaadaan todobaadyada soo socda, wixii-se maqnaada looma fadhin-doono oo waa laga soconaya .. koleyba xildhibaan kasta sidu rabo ha ku yimaade marna ma qaadanaayo ra'yiga dadweynaha iyo dhalisha ka taagan dalka gaar-ahaan cabashada umada xaga sicir-bararka ku habsaday iyo waliba nabadgalyo xumida ooda soo jabsatay, waxaase la qaba in xildhibaanada maanta socda ay dhuuni ku joogaan oo ay maskaxda ka tiriniyaan Dollar iyo Dinaar ay codkooda ku bixyaan .. Xildhibaanadu waa sidey u arkaane shicibku ha iska haw-hawleyaan oo waxay doonayaan dhag loo dhigi-maayo. 

Shabakadaan Galdogob Times oo sahan ku sameysay aragtida guud ee bulshada goobaha aftahamada ka buuq-buuqaya ee ku dhisan adigaa khaldan iyo adigaa waxba ogeyn, waxay afkooda qiyaas ahaan u badinayaan inu tartanka ugu dambeeya u dhex mari-doono Farmaajo iyo Saciid Deni, laakiin badanaa doodooda Nin jecleysi bey wax ku qaldayaan oo ma sheegi karaan qofka ay la rabaan kursiga wax-tarkiisa guud,  ..  ILa hadda waxaa afka lagu haya is barbardhig laba musharax oo kala ah Maxamed Farmaajo iyo Saciid Dani, oo labadaba mid kasta sawir macaan laga bixinaayo iyadoo mid kasta raadkiisa qaladaadka  qoyan la dadaayo.

Nin-baa laga sheegay La iima waxyoodo waxna ima seegana, waxaa la yaaba beelaha Hawiye nooc kasta oo ay yihiin si qiiro badan ayey Maxamed Farmajo uga soo horjeedaan, waxayna ku eedeyaan inu beeshooda ku bahaloobay oo ka dhigay sidi Raq dugaag helay, waxay sheegaan inu balaayo ku faruur xiran-yahay cidu wax ka maqlana aysan jirin aan ka ahayen Fahad Yaasiin, sidaa daraadeedna waxay meelaha ka sheegaan in soo laabashadiisa villa Somaliya ay ka horimaan-doonaan .. Waxaase soo hadal qaad mudan iyo dharaaro xasuutood, Horay beeshaas waxay goobaha ka amaani jireen Saciid Deni oo ay ku tilmaami-jireen Geesi laba xaniyooda ah, hasa-ahaate marku ku dhawaaqay inu isu sharaxayo Villa Somaliya si xun ayey ugu caroodeen furka tuureen oo aamantoodi ciil yuurara ayuu isu badalay , oo waxay yiraahdeen waa rife baab alle baab u garanaayo ma jirto oo waa Nin Maafiya ah dadkiisi boosaaso ku soo laayey sidee ummadda mogdisho degan ku xukumaya oo ma dooneyno inu xuquuqdayada bohoolo kula dhaadhaco .. Waxay yiraahdaan Farmajo iyo Deni waa wada Geed xun ee goobta iney dhaafaan baa roon

Arintu si kastaba ha u dhacde saadaashooda waxay tilmaameysa in labada shakhsi oo kala ah Farmajo iyo Deni ay ciyaarta finaalka kama dambeysta isugu soo hari-doonaan, waxaase la odorosaya in xildhibaanada hawiye musharaxa ay marka dambe raajixiyaan u guusha heli-doono, waxaana afka loo badinaya in xildhibanadaas ay coodkooda finaalka kula kufi-doonaan Saciid Dani oo isagu asal ahaa la fikrad ah Dam-jadiid isla markaana xiriir ganacsi la leh, waxaa kalo la odorosaya in xildhibaanada Konfur Galbeed badan-kooda lagu tirinaayo xaga Farmaajo, walow la sheego in beesha Direed u kala jabi-doonaan labada Musharax, laakiin ma jirto cid si cad u cadeyn-karta kooxda somaliland halka ay la aadi-doonaan codkooda walow la yiri inta badan waxay ku baaqayaan "Lacagey Hadal" 

War isaguna deg-deg ah oo isla maanta ilo muhim ah iga soo gaaray ayaa ii xaqiijiyey in CIA-da Mareykanka qaybta geeska Afrika iyo gaar ahaan Dawlada Qadar ay fahad Xaaji Yaasiin ku amreen in xiligaan xulashada hogaamiye somali ay haboon-tahay in u ku soo boodo Dameer la soo xulay lagu shaqeysan-karo barbarka ay ka ladan-tahay somaliya Batrool ku sii Afuufa hadal macaankiisa loo mashaxaradaayo, oo aan ahayen Farmaajo, kuwaaso ku taliyey in shakhsiga u ahaado mid ka mida beelaha Hawiye Gaar ahaan waxaa farta loogu fiiqay shakhsi Mudulood ah oo guud ahaan ka gadmi-kara shucuubta Somaliya, shakhsiga la isla gartay lama carbaabin laakiin waxaa loo maleynaya inu yahay qof la qarinaayo oo dalka dibadiisa ku sugan .. Waxaa la akidaya in ha'yadahaas sirdoonka iyo Fahad ay si wada jira ugu hawlan-yihiin shakhsigaas la rabo inu soo galo villa Somaliya .. waxaa warku intaa ku daraya in maxamed Farmaajo qorshahaas lagu wargaliyey lana yiri intaad nooshahay waxaad cunaha mariso naga waayi-meysid ee ogolow .. Maxamed dhiniciisa arintaas sida la sheegay waa u ka ogolaaday .

Fiiro Gaara : Mareykan intey is yiraahdeen Fekera ayey sheekadaas la yimaadeen ..  Mareykan Karis Xume Walee Adna wax ku lihid