Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa "Qaybti 13-Aad" Ee Taxanihi Akhbaarti Faca Weyneyd Zamanki Hore .. Boqorki Reer Ruum Oo Maxbuus Saxaabi Ah Ku Tijaabiyey Gaajo Iyo Barwaaqo Iyo Ugu Dambeyn Lagu Guuldareystay Inu Diintiisa Badalo

Sunday - April 24, 2022



Markii Dawladda Islaamku ee Cumar Binu Khadaab hogaaminayey ( RC ) ay Shaam qabsatay oo arrinteedu xasishay, ayaa waxaa madax ka noqday Saxaabiga Mucaawiye Ibnu Abii Sufyaan, dabeedna Cumar ayaa wuxuu warqad u soo qoray Mucaawiye, isagoo ku amraya inuu ku duulo Reer Ruum, wuxuu yiri Ciidanka hoggaankiisa u dhiib Saxaabiga Cabdulaahi Binu Xudaafa Asahami, Mucaawiye sidii buu yeelay.

Cabdulaahi wuxuu dagaal geliyey Ciidankii Muslimiinta, Gaaladiina Casharo lama ilaawaan ah ayuu u dhigay .. Cabdulaahi iyo koox yar oo Ciidankii Musliminta ah ayaa waxa maalin jid-gooyo u galay, Ciidankii Reer Ruum .. Cabdulaahina waa la qafaashay, bal ma-lee, muxuu Boqorka Reer Ruum ee la oran jiray (Hirqal ) ku samayn-doonaa Nin hoggaamiye ah oo weliba Saxaabadii Nebi Muxamed SCW ka tirsan .. Saxaabadii uu sheekooyin-kooda la yaabi jirey ayaa Maanta mid ka mid ah Ragaas loo soo gacan geliyey .. Hirqal Aad buu u jeclaa bal mar uun inuu Cid ka tirsan Ragaa arko, si uu u tijaabiyo.

Boqorka Reer Ruum Hirqal mid ka mid ah Ragiisa ayuu Cabdulaahi u dhiibey, wuxuu ku yiri: Ninkan kaxee oo Gaajaysii (Muddo Cunto ha siin), sidii buu yeelay, markii Cabdulaahi (RC) uu Gaajo inuu la dhinto qarka u saaran yahay, ayaa loo keenay Hillib Doofaar oo si fiican loo shiilay .. Cabdulaahi (RC) ma cunin, Maalin kasta waa lagu soo celiyaa mase cuno ..Wuu ka jeestaa oo wuxuu yiraahdaa Cuntadani anagu hadii aan muslim nahay noo xallaal ma aha.

Sidaa ayuu maalmo ku qaatay, ilaa uu Geeri ku dhowaaday dabeedna boqorkii Hirqal ayaa warkii loo sheegay, wuxuu yiri Cuntada uu doonayo siiya, ha waraabinina wax sharaab ah oo aan khamri ahayn, sidii baa la yeelay .. Cabdulaahi (RC) waa la oomiyey, waxaan Khamri ahayna looma soo dhigo, Cabdulaahi wuu ka jeestaa oo wuxuu yiraahdaa waa sharaab aan noo xallaal ahayn. ilaa uu inu oon u dhinto ku dhowaaday .. Boqorkii Hirqal baa warkii loo sheegay, wuxuu yiri Sharaabka uu doonayo siiya.

Boqorka Reer Ruum Hirqal wuxuu yiri, Ninkan waxaan ku tijaabiyey Abaar (Oon iyo Gaajo) bal haddana aan Barwaaqo ku tijaabiyo, waxaad siisaan Cunto ta ugu fiican Sharaab ka ugu fiican, iyo dhar qurux badan, sidii baa la yeelay .. Cabdulaahi Cuntada wax aan badnayn buu ka cunaa, sharaabkana sidaa si la mid ah, dharkuna markuu ku wasakhoobo ayuu iska bedelaa oo mid ka xirtaa

Boqorkii wuxuu yiri Ninka ii keena, waa loo keenay, wuxuu yiri; waxaan kugu tijaabiyey Nolol Ciriiri ah iyo mid Barwaaqo ah, waad adkaysatay hadda waan ku sii deynayaa haddii aad Madaxa iga dhunkato oo Naftaada badbaadi.. Cabdulaahi (RC) wuxuu yiri, ha ka yaabin oo Madaxana kaa dhunkan maayo, Naftaydan dan kama lihi!

Markuu ugu taag waayey, ayuu yiri: hal mar Madaxa iga dhunko dhamaan wixii aan Maxaabiis Muslimiin ah kaa qabsadayna waan kuu sii deynayaa .. Cabdulaahi wuxuu yiri waan yeelayaa.

Cabdulaahi, Hirqal Madaxuu ka dhunkaday, Hirqalna wuxuu u sii daayey Maxaabiistii Muslimiinta ahayd oo Tiradoodu 80 ahayd.

Cabdulaahi (RC) wuxuu Cumar Bin Khadaab ku noqday isagoo Ragii Muslimiinta ahaa wada, Qisadiina wuu uga sheekeeyey Cumar, wuu la yaabay wuxuuna ku yiri: Cabdulaahiyow, maxaad naftaada u hallaagtay? Ileyn haddii aad Naftaada ku badbaadineysay way kuu bannaan yihiine.

Cabdulaahi wuxuu ugu jawabey, waxaan diidey in Gaalada Reer Ruum igu farxaan, Cumar intuu soo kacay ayuu Madaxa ka dhunkaday.

Kaasi waa Saxaabigii Qiimaha badnaa ee Cabdulaahi Bin Xudaafa wuxuu ahaa Muhaajiriintii, goor hore islaamay, wuxuu ka mid ahaa Ragii dhulka Xabashida u hijroodey, waxaa Nebigu SCW u dhiibey warqadii uu Kisra ( Boqorkii Faaris) u diray, waqtigii uu Boqorada Adduunka waraaqaha u kala dirayey, wuxuu ka qayb galay Furashadii Masar, halkaa ayuuna ku geeriyoodey Sanadkii 33 H, waqtigaa oo Cismaan Bin Cafaan Muslimiinta xukumayey.