Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Maalinta Gaarka Islaamka .. Ciid Farxad Leh .. Iftiinka Ciida .. Hambalyo Ciid Wanaagsan ILahay Ha Idin Barakeeyo Oo Gurigiina Ha Ka Buuxsamo Kal-gacal Nabad Iyo Diramaad Oo Ha Idin Ku Duubo Caafimad

Sunday - May 1, 2022




Ayaamaha is guraya maanta waa gabagbadi bisha Ramadaanka oo Beri ciid al-fidriyaa ayaa loo ciidaya .. Maanta jawi sawaxn ayaa laga dareemaya Suqyada magaalooyinka oo ay dadweynaha musllimiinta uga dhign-tahay malinta weyn oo ay sugayeen oo ay rabaan iney ku ciidaan "Alxamdulilaahi Rabil Caalamiin"

Allaah wuxuu aayad quraana ku yiri "Waxaa liibaanay qofka sakeeya naftiisa" yacniga daahira ee Sakada ka bixiya naftiisa iyo cida uu masuulka ka yahay .. Maalinta Ciida waxaa sune ah in lasii afturo subaxa hore iyadoo la soo cunayo dhawr miro oo Timir ah si ay uga gedisnaato ayaamihii Ramadaan ee aan waxaba la dhadhamin jirin, Sidoo kale,waxaa sune ah inaan lagu dagdagin salaada ciida oo aan hore loo tukan, si ay dadku jaanis ugu helaan inay iska bixiyaan sakada al-fidri, taasi oo nafta muuminkii soomanaa u ah mayris ay ka mayrayso dhacdhacii iyo gafkii ka dhacay, isla maalintan waxaa weeye xigmada ah in maalintaa ciida sidoo kale iyaguna ay masaakiintu faraxdo oo ay ka kaaftoonto wixii sadaqo ah ee ay ku yeerinayeen,

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida, waxaana idin rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah idin ka aqbalo cibaadada .. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK .. Caruur iyo Haween Xarago lagu casumo

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu ka dhigo dhul nabad ah, Soomaali Allah niyadooda  isu-wanaajiyo. Dalka Soomaaliya iyo Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Dhinaca kale Waxaa bahda Galdogob Times si gaara ugu mahad-celinaynaa dhammaan akhristayaasha noo soo diray e-meelada hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Fidriga, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida oo aan idin ku duceyneyno in alle idin ku barakeeyo xasilooni maskaxda iyo xasiloonida qalbiga