Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dawacdi Geeri-go'an Isa Soo Taagtay .. Dawaco-Dayo Xaalkeedi Waxay Noqotay Gaajo Iyo Gaajo Oo Daloolki Gaajada Galisay Gaajana Ka Saartay

Monday - May 2, 2022



Xilli ay jiilaal tahay, oo dadkii, xoolihii, iyo Ugaartii ba ka hayaameen abaar iyo dhaxan, ayaa  Dawaco-Dayo aad u gaajootay. Dhowr maalmood oo isku xiga ayaanay af kaa wax saarin Iyada oo naf la caari ah oo mirqin ka dhuubnaatay, ayay geed haraca is hoos taagtay. Neecow qabow oo ur udgoon sidda ayaa sanka ka martay. Urtii ayay sanka la raacday.

Sidii ay u socotay ayay is dul taagtay Geed-Dogob jiifa oo dalool weyn leh. Daloolkii ayey eegtay. Waxa indhaheedii ku dhacay wax aanay filayn! Waxay aragtay Hilib nooc walba leh: mid Karsan, mid Shiilan, iyo mid Duban.

Ilay gaajadii ayaa ka dhigtay mirqin meel walba geli karayee, daloolkii Geed-Dogobka ayay daf tiri. Hilibkii ayay ku habsatay oo ka hirqatay. Inkasta oo ay dhereg la tiicday, haddana hilib badan ayaa weli hareeraheed yaalay. Inta uu buuxi iyo baraarihi dhinac u tuuray, ayay gamaday. Cabaar markii ay hurday, ayay toostay. Hilibkii ayay hadana ku jeestay. Way ka dheregtay. Hadanan way seexatay.

Muddo ayay marna wax cunaysay; marna seexanaysay. Maalin walbana miisan ayaa ku kordhaayay. Inta ay naaxday ayay sida baaluun la afuufay noqotay. Ilay cuno ka baahi beeshaye, waxay jecelaysatay inay Geed-dogobka gudihiisii ka baxdo. Daloolkii ayay madaxa gelisay. Iska daa intii kale oo, madixii ayaa u dhaafi waayay.

Dib ayay isaga fariistay. Hilibkii hareeraha ka yaalay ayay intii ugu dambaysay cuntay. Ka dibna way seexatay. Ilay cunadii dhamaysee, mrkay toostaba waxa ay isku daydaa in ay ka baxado Geed-dogobka. Markay ka bixi kari weydona, dib ayay isaga seexataa. Miisaanki ayaa maalinba ini ka dhacdaa. Gaajadii iyo macaluushiina way ku soo noqtay; ilaa sidii hore ay ku soo noqtay oo ay mar kale mirqin ka dhuubnaatay. Iyada oo tamar daraysay oo tacbaan ah ayay daloolkii madax gelisay oo ilaa Garbkii kala baxday .. inta ay wixii tamar ku haray isu geysay, ayay qaarkii dambena la soo kacday oo ay gurguurad kaga soo baxday daloolkii .. Dawco-Dayo, xaaladeedi waxay noqotay, gaajiyo iyo gaajo. Daloolkii gaaja gelisay; gaajaana ka saartay!!!