Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Inkasto Xaasaska Qaarkood Ay Ragooda Hagaajiyaan Hareeraha Ka Raacaan Hu' Magaalo Saaraan Hoori Waa Iska Hoori .. Ninki Labada Xaas Lahaa Oo Cashar Loo Dhigay

Wednesday - May 11, 2022




Nin baa in badan guur u meer ahaa. Isaga oo aan weli guursan ayuu nin weyn oo  garmadoobe ah noqday.  Timihiisiina ciradi ku dhigtay Ka-dibna dadaalkii uu u guur meerayay ayuu kordhiyay. Maalin ayuu laba Dumar ah, mid yar iyo mid weyn la kulmay Labadiiba wuu jeclaaday ugu dambeyna waa guursaday.

Gabadhii yarayd waxay jeclaatay inuu ninkeedu u muuqdo nin dhalinyaro ah qurux-badan oo firfircoon. Sidaa darteed dharkii dhalinyarada ayay u diyaarisaa, cadaro iyo Karemo ayay u diyarisaa, tihimahana Tinkii ciro ah ee ay aragtoba way ka gooysaa.

Gabadhii weynaydna waxay jecelaatay inuu nin-keeda da’doodu isku dhowaato. Iyana dhinaceeda dharka waayeelka ayay u diyaarisaa Timaha madowna waa ka gooysaa.

Ninki markii hore ogaalka iyo xanaanada labdiisa Dumar ah aad buu u jeclaystay. Hasa ahaatee mudo ka dib ayaa waxaanu filayn ku soo baxeen. Sida ay labadii dumar ahaa midna Tinka ciro u gooynaysay midna Tinka madow ayay timihii madaxiisa ka dhameeyeen oo bidaar siman gashay!!!