Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ninba Taagti Ha Talaabsado Oo Biyuhu Shubto Buu Caba .. Sarkaalki Khudbadaha U Qori Jiray Maxamed Siyaad Barre Oo Qoraal Ku Qiimeeyey Khudbadi Musharax Maxamed Farmajo

Thursday - May 12, 2022






Marxab Soo Booqa-yasha Galdogo Times .. Khudbadii uu ka jeediyey musharax Maxamed Farmaajo hoolki Afisoone ee la xariiray dib u doorashadiisa iyo inu xukunka ku soo laabto, hadaba waxaa Musharaxa khudbadiisa sida la ogyahay guud ahaan bulshad Somali iyo gaar ahaan taagera-yaashiisa-ba si daran baa loo xiiseynaayey

Ugu Horeyn anigo tix-raacaya qaabka waayo-aragnimada madaxda ay bulshadu ku soo jiidato amase hadal ay ku laran-tahay caadifad soo jiidasho leh ku hantaan, sidaa daradeed haddi aan eegay Maxamed Farmaajo khudbadiisa kama muuqan qiiro, dhiirasho iyo qodobo dadka soo jiita midna, balse doodisa waxay ahayed dood ku dhisan cadeyn la'aan iyo sababeyn , hadalkiisa qaabka uu u sharxay waxay ahayed garan-waa soo jiidasho lahayen .. Maxamed Farmajo ujeedka khudbadiisa inta badan waxay ku saleysneyd in xildhibaanadu u hiiliyaan oo Wanka macasha u qabtaan u gawracaan isaguna dhiiga muusado, waxaa kalo hadalkiisa ku jiray inu isaga kaliya dalkaan gaarsiin-karo doorasho Qof iyo Cod ah .. wuxuu kale si aan faah-faahsaneyn uga hadlay wadaniyada iyo inu diiday faragalinta shisheeye iyo inu musuq-maasuqa yareeyey.

Arintu si kastaba ha ahaate, haddi aan dhinac kasta ka eegay khudbadi maxamed Farmaajo u hoolkaas ka jeediyey ee u ku doonaayey in mar labaad lagu doorto ma saameyn gudo iyo dibad, balse waxaa muuqta in khudbadiisa aysan kala shaqeyn, kala tashan dad aqoon u leh siyaasada istraatijiyada ee ku saleysan dabeecada iyo dhaqanka qofka somaliga ah u leeyahay iyo duruufaha taagan ee shacabka lagu kasbado amase lagu beer-laxaawsado xildhibaanada wax doranaaya .. Qofka somaliga ah gaar ahaan inta badan bulsha-weynta waxay wax ku fahami-karaan mustawa gaara ee hadalo Saynis iyo Cilmi sare ma qaadan-karaan mana fahmayaan

Cala Ay Xaal Anigoo aan rabin inaan ku dheeraado khudbadiisa waxay ahayed inu maanto kale ka hadlo arimahaan qodobeysan ee hoosta aan ku xusaay oo u yiraahdo:

1- Shacabow iyo Xildhibaanow ma jiraan wax idin ka daahsoon, oo kor iyo hoos iyo xaaladi taagneyd wax kasta oo aan qaban-lahaa waqtiga ayaa ii dabray, oo waxaa laygula dagaalamay been la miciinsaday oo been baa la isku rogay, taaso keentay in mid walba weer so duubtay oo halkaas bulshadi weerar joogta ah la galiyey, wax badan oo aan qaban-lahayena hakad galeen .. Maxaynu maalin waliba caqabadaha uga gudbi-weynay marka la damco in la soo saaro kheyraadka dihan ee dalkeena ceegaaga

2- Aniga Maxamed Farmaajo guud ahaan shacabka wax dhib oo na dhex yalay ma jirin ee meesha Rag aan kala aragti ahayen ayaa shacabki magac Reer ku duufsaday in badana wey iga raaceen, kuwaaso maxaad xadaan mooyey aan wax kale u jeedin, isla-markaana Beel magaceeda ku ceeshaan, wax aan meesha oolina la daldalay anigana xaniyaha ii qabtaan .. Maxaynu maalin walba codkeena qabyaalad iyo beeleysiga ugu hiilinaa ee aan qaranimadi ugu hiilin weynay .. Aniga Maxamed Farmajo ma adeegsan awood aan lagu qanacsaneyn, oo marna kuma shaqeyn Eex, iyo kana ii xiga , Aarsi iyo colaad, balse markasta waxaan ku shaqeynaayey is qadarin iyo kalsooni la isku qabo .. Gari waxay dhimatay markii afka laga dhawray urkana laga waayey ‘Illaahayaw eexna ha nagaga tegin, aqoonna ha nagu cadaabin.

3- Intaan maamulka hayey ma jirin mana ku mashquulin isku dir oo ka dhex faa'iido, maankana kuma hayen wax boob iyo qaado .. Walaalayaal kuwa aniga ii dhalilaya waxay hore kuugu qaban waayeen miyaad hadeer ka helaysaan? Bal ma is weidiiseen ilaa iminka irbad ay dun kuu geliyeen, beel kastay-ba kuwa kaa soo jeedda in dan-yarta boobaan mooyaane .. haddi ay bulsho ahaan inaga dhab tahay rabitaanka qaranimo maanto oo kale ayaa loo baxsada, oo maxaynu maalin walba ugu taaganahay qabyaalada iyo kala qaybinta bulshada

Warki oo kooban, Maxamed Farmaajo sidu illa xad cod-bixiyaasha cod uga helo waxay ahayed inu khudbadiisa ku soo daro Gaajada , abaaraha iyo macaluusha jirta, waxay ahayed waxa bulshadu ka cabaneyso amase ay ku taaheyso inu hadba dhinac kaga dhufto bal iney si uun ugu gasho kubadu goolka, waase sida muuqata waa u la waayey .. Gabagabo, ii doorta hadal ma aha adigoon bulshada qancin waxba sheegin .. maanto kale hadal qiiro leh kaama xaarameysneyn ee waxay ahayed wax-kasta 5-tii sano soo maray inu kashifo .. Maxamed Farmajo talo u ku dhaqaaqo oo kursiga markale ku hanto ma u hayo, laakiin nasiibka iyo calafku waase gaar.
------------------------------------------------------------------------
Qore Maqaalkan: Maxamed Calixaashi In Cadawe, oo horay dharaaro xasuutood ka mid ahaa Saraakiishi qoraaladi Khudbadihi daraafka u diyaarin jirtay Madaxweyne Maxmed Siyaad Barre .. kudbadahaas oo marki la akhriyo qiiro dadka galin jirtay waxay keeni jirtay in bulshada iska daba qaado Heesti Ahayed:  Hugunku Waa Hayaankii bulshada Cusub .. Wadadi Cadeyd Cagta Saarneyee Ku Caraabiyoo