Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Nin Baa Laga Hayaa Soorta La ii Soo Wado Ee Aan Cuni-doono Saan-saan-keeda Ayaan Ka Garta Sidey U Eeg Tahay .. Odoros Ku Saabsan Xage La Isla Maraya Doorashada Iyo Codadka La Kala Heli-doono

Friday - May 13, 2022



Warar si is daba jooga oo inta badan ku saleysan nin jecleysi iyo naceyba leh, ayaa maanta goobaha kulanka Mogdisho looga doodaya tartanka musharaxiinta, kuwaaso carabka ku dhufanaaya amase tilmaamaya saadalin la xariirta mushrax kasta inta tiro xildhibaan u heli-karo, laakiin xili-kasta tiradu isbadali-karto .. Ragaas odoros-kooda in kasto ay dadal badan ku bixiyeen xog helida ku saabsan tartanka musharaxiinta, laakiin illa xad ma aha mid si toosa loo qaadan-karo, waayo isbadalka niyada xildhibaanka ma aha mid joogta ah oo la saadalin-karo oo daqiiqad daqiiqad ayey waqtiga cod bixinta isu badaleysa
Ragaas siyaasiyiinta ee arintaa ka faaloonaayey, oo galaangal iyo xuuraan badan sameyey si ay wax ku ogaadaan, waxay badka soo bandhigeen in sidaan hoos ku xusan ay musharxiinta wax ku kala heli-doonaan:

1- Waxay yiraahdeen Wareega Koowaad Musharax Farmaajo wuxuu helaya tiro Cod 40-42, waxayna kooxdiis ku fakrayaan palan "B" oo ah in codkooda loogu shubo ama ay iyagu musharax kale ugu shubaan, waxaana loo badinay inu wareega labaad ku jabi-doono, macnaha lagu gooban-doono 

2- Halka Wareega Kowaad  Musharax Cabdiraxman Cabdi-Shakuur u hali-doono tiro Cod 20- 25 oo isagu ay adagtahay inu codadka ku gaarikaro wreega labaad, balse waxaa la saadaalinaya inu codaka u haysto ku shubi-doono dhinaca Xsan Shiikh oo ay isku aragti guud yihiin 

3- Waxaa kalo wareega kowaad isagana tiro Cod 20-22  helaaya Musharax Xasan Kheyre, kaaso sooyaalkiisa siyaasadeed xiligi Farmajo caqabad weyn ku ah, laman garan-karo cidu u shubaayo, koleyba waa gorgortamaya

4- Musharax Shiikh Sharif wareega kowaad waxaa u heli-doona 40-45 Cod, lakiin abaabulkiisa ayaa hooseya .. laakiin wuxuu qabaa inu palan B u noqonkaro Nabad iyo Nolol, amase ay iyagu ugu shubaan

5- Musharax Saciid Deni wareega kowaad waxaa u helaya 30-35 Cod, wuxuu haysta codad aasaas fican leh oo ka kala soo jeeda Puntland Iyo Jubaland, waxaa la saadaalinya wareega kowaad inu ka soo gudbo

6- Musharax Xasan Shiikh Wareega kowaad wuxuu isna helaya 60-70 Cod, Xassan Sheekh Maxamuud: abaabul aad u balaaran iyo olole baaxad weyn ayuu galay isbuucyadi la soo dhaafay. Koox xul ah oo u badan xildhibaano carcartooda ay caddahay (Hirshabeelle, Galmudug, Waqooyi) + xulufaysi siyaasadeed oo sal adag leh (Deni, AAW, Cosoble iwm) ayaa ka dhigeyso Xassan musharaxa ugu rajada wanaagsan xagga codadka iyo hadal-heynta. Cod u dhaxeeyo 60 - 70 wareega 2-aadna ugu gudbi doono si sahlan.

7- Musrax Daahir Maxamed Geelle waxuu heli-doona ila 10-15 Cod .. Rajadiisa waa yartahay

8- Musharax Cabduqaadir Cosoble wuxuu heli-doona qiyaas 3-4 Cod .. Rajadiisa waa yartahay

9- Mushrax Jibril ibrahim ayaa isna heli-oona 2-3 cod .. Rajadiisa waa yartahay

Sida la sheegay amase odoroska wareega kowaad tiradaas kor ku xsan ayaa mid kasta heli-doona, oo any time isbadali-karto, waxaase inta harsan ee musarxiinta mid waliba kama badnaan-doonaan min 1-2 ila 3 Cod oo qaar baan aysan codba heelyn

Arintu si kastaba ha ahaate inkasto qaar xildhibaanada ay guur-guuri-karaan illa saacadaha dambe ee habeenka Sabtida waxkastana is badali-karaan, waxaa la odorosaya in wareega labaad ay isku soo hari-doonaan 4-Musharax oo ay ku jiraan Xasan Shiikh, Farmajo, shiikh Sharif iyo Deni
Waxaa la odorasaya waa sida ay sheegayaane in kama dambeysta ay isku soo hari-doonaan Xasan Shiikh Iyo Shiikh Shariif .. waxaa la sheegay lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ay colaadi ka dhaxeyso awgeed oo Aadan xiriir la leeyahay Shiikh Shariif, sidaa daraadeed lafta-gareen u codka tirada u haysto is reerebka dambe u la aadi-doono xaga Xasan Shiikh.
Waxaa kalo ilo muhim laga xigtay in maxamed Farmaajo tirada cod u ka haley wareega labaad ay xildhibaanadaas marka dambe u kla jabi-doonaa Xasan Shiikh Iyo Shiikh Sharif

Dhinaca kale musharax Cabdiraxmaan Cabdi-shakur iyo xildhibaanadiisa oo u badan beesha Habar-gidir waxay ku heshiyeen in haddi ayagu soo bixi-waayaan ay cod-kooda ugu shubaan Xasan Shiikh, sido kale xildhibaanada Daarood ayaa afka ku haya in codkooa ugu dambeyn kula kufi-doonaan Xasan Shiikh oo waxaa jira heshiis gaara oo a isla galeen Axmed Madoobe iyo Deni iyo xasan shiikh .. Deni waxaa lagu tiriya Dam-jadiid .. Shiikh Shariif waxaa lagu tuhunsan-yahay is afgarad hoose inu ka dhaxeeya isaga iyo Farmaajo .. Kheyre dhinacya badan ayaa ka goys-haysata