Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Taariikhdu Waa Marag .. Markaan Raad Guray Xaqiiqada Iyo Qaabki Ka Qaldamay Maxamed Farmaajo Ee Keentay Inu Ku Fashalmo Soo Laabashadiisa Kursiga Madaxtooyada

Wednesday - May 18, 2022




Caweysin Wanaagsan Idil Ahaantinba Soo Booqayaasha Bogaan Galdogob Times Ee Aan idiin Waramo .. Maxamed Cabdilaahi farmaajo oo haystey fursad Afar Sanadood iyo dheeraad oo uu ku abuuran-karayay fursado badan siyaasadeed hadii uu si fiican uga faaidaysto Jaaniski uu haystey, hasa ahaate hawlgalkisa siyaasadeed bilow iyo illa aakhir waxay ku saleysneyd qorshayaal la xariira side kursiga ugu soo laabto iyo waqtigi oo lagu dhameeyey ila meereyso, taaso keentay inu salaanki si kama danbaysa uga dhaco " Final Good Bay" Hadaba waxaa is waydiin leh farmaajo maxaa ridey, xageese sartu ka quruntay? 

Maxamed Farmajo si kastaba ha ahaate dulmi iyo saxba key noqotaba run ahaanti wuu ka adkaaday Konfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo waliba Mogdisha, hasa-ahaate muran kama taagna in qorshihi mustaqbalka ee u ka lahaa Hirshabeele iyo Galmudug waxay noqotay hal Bacaad lagu lisay kadib marki Qoor-qor iyo Cali Guud-laawe ay Fariinka u jiideen, taaso keentay in mucaaradki ugu darnaa farmaajo ay Ooda ka soo qaadeen oo baarlamaanki soo wada galeen, laakiin maxamed Farmajo wuxuu wax gartay marki Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen oo illa Afartiisi Taayer noqdeen bilaa Neef cidla ku banjartay, waayo qorshahi iyo shaxda u saaxiibkiis Fahad dajiyey waxay noqotay siyaasad colaad soorta, balse yeelatay sumad ibliis 

Qofka caqliga badan wuxuu ku dadaala inu xikmad abuuro iyo illa xad inu wax curiyo .. Maxamed Farmaajo, oo xaga darajada garashada lagu tilmaamo "IQ Scors"lagu qiyaaso 6-7 Kg, ma adeegsan ahlu-caqli iyo ahli-waaya arag, wuxuuna talo ka raadiyey shakhsiyaad sida ciil qabe Geedi iyo Salaad Cali Jeele, iyo habro saar leh iyo kuwa mooryaantu dhaanto aan xaga bulshada Hawiye laga tirsan iyo waliba gaar ahaan dad xaga garaadka iyo waayo-araga ka liita .. Farmajo ma adeegsan culimadi runta aheyd iyo aqoon-yahanka noocyadiisa kala duwan, oo marki hadba la doonaayo in Dal loo gurmado kuwaas ayaa loo baahda, kuwaaso wax xalinta ehelka u ah amase garan-lahaa meesha ay ka jirto xagal-daacu ee u baahan in la asturo .. waxaa hoday dacyadihi beenta ee laga fidiyey ee u xisbigiisa Nabad iyo Nolol sameeyey ayuu haddana isagi dib u rumeystay .. Dawladiiba maalinba maalinta ka dambeysa waxay ku soo aruurtay indhoolihi Usha u hayey indhoole kale, taaso mecnaheeda noqotay Farmajow waxaa tahay noo sheegtay ee maca-salaama

Mideeda kale, Qaybta weyn in maxamed Farmaajo Salanka ka tuurtay, waxay ahayed madax adkaantiisa oo aan waxba la marsiin-karin , qofna aamini kari-waayey iyo xiriirkiisa bulshada oo suu ku arko dhif iyo naadir ahayed, balse Dad badan ayaa aaminsanaa inu Fahad Xaaji Yaasin u afduuban yahay oo go'aanka kama dambeysta isagu lahaa .. Fahad yaasiin oo isu qaatay inu Libaax yahay oo waliba ka sii libaaxsan-yahay ayaa ka ardnaa nidaamka dawladnimada, balse kaliya wuxuu aamnisanaa laguma dhaame dhaqaaq .. sidiisana waa wiil ku soo koray Guri Xagjir, intu yaqaana Daahir Aweys baa u shisheeya, dabadeedna ay adeegsadeen hay'ado sirdoon oo loogu tala galay iney dawladnimada Somaliya jaaha-wareriyaan

Teeda kale Farmajo wuxuu ku dhacay dabin siyaasadeed oo la yidhaahdo muddo kordhin, dabin-kaasina farmaajo wuu sahayday waana meesha dhibta uga timi oo lagu lagday .. mudo kordhintuna waa dabin siyaasadeed oo lagu jabo oo mucaaradka hadiyad u noqotay kuna heleen taageero badan farta lagu fiiqay oo la yiri  Tol-weynow Arkaay Farmajo waa kali-taliye iyo intaas wax kabadan ma hurdi-karno