Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Kursiga R/ Wasaaraha Lagu Hardamaayo Run Iyo Been Is Wanaajinta Lala Tuban-yahay.. M/Weyne Xasan Shiikh Oo Dareen Cabsi Laga Qabo Inu Xil U Dhiibo Dhurwaayadi Day-Day Ee Hore Mid Ka Sii Daran

Monday - May 30, 2022





Warar maal-mahaan soo baxaya ayaa tibaaxaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u dhinacyo badan ka wado wada-tashiyo ku aadan cidii uu u magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare dalka ee kala samata bixiya hawlaha horyaal, islamarkaana ka dheer fajac-abuur, kala dile iyo isku dire, ama is badal-doon ku sheeg kursi doon ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaatay madaxda dowlad-goboleedyada, walow aan la sheegin in meel wax la isla dhigay, laakiin waa la xusay iney magacyo musharaxiin soo gudbiyeen, hasa ahaate illa hadda lama sheegin waxay isku raaceen, sido kale wuxuu shir la qaatay kwa cimaamado soo xirtay, jilba culusta iyo dadyooga miisaanka ku leh masraxa siyaasada .. inta badan odayaasha iyo wax-garadka oo arintaa kala shirtay Xasan Shiikh waxay soo bandhigeen talo la xariirta in markaan Raiisal Wasaaraha la siiyo beesha Ogaadeen, laakiin soo jeedintaas Xasan Shiikh wax jawaaba kama bixin  

Dhinaca kale qolo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante Iyo Warsangali ayaa u timi Xasan Shiikh waxayna ka codsadeen Jagadaas Raiisal Wasaaraha, hasa ahaate si qeexan ayuu ugu sheegay diidmo.

ILo waxgarad ah ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiradda saarayo cida ay isla shaqeyn karaan balse uu ka tala geli-doono madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland .. Saciid Deni ayaa usoo bandhigay madaxweyne Xasan Sheekh Laba siyaasi oo uu wato inuu ka dhigo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya wallow aan la ogeyn inuu qaadan-doono .. labada shkhsi mid waa Cali Xaaji Warsame iyo nin la yiraahdo Nuuradiin Diiriye oo horay ula shaqeynaayey UN-ka

Dhinaca bulshada guud ayaa cabsi badan ka qabta inu soo magacaabo mid Day-day beenaale dhurwaa ah horay dhararaqdiisa la yiqiin iyo gaar ahaan mid aan caqli ku duugneyn oo digtoor uun la leeyahay, laakiin Dad xog ogaal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu mar-walba door bidayo shaqsi ay isfahmi karaan oo la shaqeyn kara halkii loo keeni lahaa qof uusan aqoonin oo ay adkaan-karto inuu la shaqeeyo.