Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Runey Lagu Neceb Lagu Rookee Layska Kaa Reeb .. Madaxweyne Xasan Shiikh So Kan Kaarka U Rogay Dacaayadi Baraha Cayayaanka Ee Sida Afminshaar-nimada U Daacay

Thursday - June 2, 2022



Sabanki hore Wixii Soo Jiray, Saaka Waxa Jooga Waxaa Soo Hadal Qaad Mudan Socdaalki ninka kursiga dalka u sareeya mudane Xasan Shiikh u ku kala bixiyey Baydhaba iyo Dhuusamareeb iyo isa soo bixi Ushi Cirka loo tuuraa qof madaxiis ku dhaceysa, iyado khudbadisi dhambaalka u halkaas ka riday aan dhageystay, oo haddi tan daneed aan u leexdo Runti waan yaabay waxaana ii soo baxday inu yahay nin dadka hadal deeqsiin-kara, isla markaana ciyaarta Kubada siyaasada si xariif-nimo ah dheesheeda u bilaabay 

Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu si cod kar ah hadal jeedintiisi cindiga dadki dhageysanaayey ku sawiray hawlaha taagan ee aan qarsooneyn sida midnimo la'aanta, kala fogaanta iyo Abaaraha jira iyo Amni darada ee dadki halakeeyey oo la doonaayo in wax laga qabto .. wuxuu qof walba Maankiisa ku qaray In aan la adeegsan awood dhinaca kale ku dirqida wax aanay ku qanacsanayn iyo inaan la adeegsan Been, Been Abuur iyo majara-habaabin iyo khatalid, isla markaana yiri waa in dhex-deena ka abuurno is-qadarin iyo kalsooni la isku qabo .. waxuu soo hadal qaaday in aan loo jabin wax aan soconeyn ama la Rumeysneyn iyada oo sabab uun xaqiiqada looga gaabsanaayo, wuxuu kalo hadalkiisi raacshay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya in hogaamiyaasha Konfured Galbeed si gaara loo beegsanaayo, balse waxaan ka rabna oo kaliya madaxweyne Lafta-Gareen inu dadka mudada dheer kala irdhoobay heshiisiiyo gacanta isu saaro taaso danta guud ay ku jirto .. wuxuu yiri anaga xagayaga iyo Fedaraalka ma jireyso shirqoolo lagu soo abaabulaayo Baydhabo oo anaga hawlahaas ma aha hawl noo taal, waqtina isagama lumineyno

Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa hadalkiisi ka mid ahaa in aan xaqiiqada lagaga maarmin dan gaar ah oo lagu jeheysan yahay .. maanto kale ayuu yiri: markay xaaladuhu sidan u cakirmaan, waxa loo ciirsadaa dowladnimada oo dhabarka u ridata duruufa iyo waayaha qalafsan ee shacabka soo food saara  
Laakiin nasiib-daro, innagu Qarankii aynu maanta oo kale ku baxsan lahayn hore ayaynu kala aarsi ugu curyaaminay, oo wey adagtahay awood ahaan inaanu maanta dabooli-karno, baahida ballaaran ay shacabkeenu la tiicayaan, waase inshaa allaha waa dadaaleynaa, oo waxaan ka faaiideysan-doonaa wabiyaasha guuraya ee aan leenahay maxaa yeelay ayuu yiri, sixir bararka, nabad-galyo xumida inna haystaa waxa qura ee lagula tacaali-kara waa inaan dhexdeena ka heshiina oo midnimo muujinaa is cafinaa, taas ayaana argagixisada Shabaab uga adkaan-karnaa ..  wuxuu yiri aan kuligeen sii qalbi furan run run ah isu caawino oo ilaaheyn u toobad-keeno .. Ugu dambeyn Xasan Shiikh wuxuu qaawiyey Sheydaamiinta daaqda kaduuda oo Dadki ka indhasaabay wanaaga u leeyahay midnimada.

Gabagabo Xasan Shiikh wuxuu marar badan goobha fadhiga Gogosha kaga af celiyey in aan loo baahneyn muran aan rajo lahayen iyo yooyootan sidi Fodle iyo dhoocil-nimo waqtiga lagu lumiyo, waxaan dooneynaa ayuu yiri Dawlad Buuxda Burud sareysa leh oo Bari iyo Galbeed ka gadmeysa, wuxuu hadalkiisi ku soo gabgabeeye: Nin wuxuu ku hadlo ay beentahay, wuxuu amro dhagar-tahay, waxa u bixiyo Laaluush tahay kala tagee isaga iyo Dawladnimo, oo aniga Xasan ah falalka caynkaasa layga sugimaayo