Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Maxaad Ka Ogtahay Sheekadaan Xikmada Ku Jirta .. Boqorki Lahaa Dhagaha Dameerka

Wednesday - June 8, 2022



Bari hore, ayaa waxaa jiray Boqor kaas oo lahaa Dhago balaqsan oo qaab ahaan u eg Dhagaha Dameerka ..  Boqorku waxuu aad uga xishoonayay Dhagihiisa balaqsan, sidaa darteed markasta wuu dabooli jiray gaar ahaan marku joogo meel shir ah amase lagu wada kulmo, iyado dadka raaciyadiisa ee magaalada iyo tuulooyinka aan loo ogolaan jirin inay ogaadaan sirtiisa, laakiin Qofka kali ah ee waligii arkaayey Dhagaha Boqorka waxuu ahaa Timo Jarihiisa.

Badanaa Boqorku waxuu uga digaa Timo jarihiisa "waa inaad balan qaadid inaadan waligaa u sheegin qofna in aan leeyahay Dhago u eg kuwa Dameeraha amase haddi lagaa maqlo waxaan ku soo diri- doonaa ilaaladayda waxayna kuu qaadi-doonaan xabsigayga halkaas oo aad ku jiri doontid inta noolashaada ka hartay" .. Timo jarahi waxuu la kulmay xaalad aad u adag inuu ilaaliyo sirtan sababtoo ah waxuu rabay inuu uga sheekeeyo dhamaan dadka Tuuladisa Dhagaha Boqorka, laakiin badanaa waxuu xasuustaa digniinti Boqorka, waxuuna aad uga qarinayay sirta xataa naftiisa sannado badan.

Laakiin Subax ayuuTtimo Jarihii toosay waxuuna go'aansaday in uusan ka qarin sirta naftiisa mar danbe .. Wuu labistay waxuuna ka baxay gurigiisa waxuuna u socdaalay tuuladiisi baadiyaha meel uu xaqiijiyay in uu kaligii yahay. Ka dibna waxuu helay meel Caws balaaran ka baxay waxuuna bilaabay inuu God ku qodo gacmihiisa

Ugu danbayntii Timo jarihii waxuu Qoday God aad u dheer, markii uu ku qancayna shaqdiisa wuxuu Afka saaray Godka waxuuna ku qaylyay codkiisa ugu dheer oo yiri: " Boqorku waxuu leeyahay Dhagaha Dameerka oo kale .. Boqorku waxuu leeyahay Dhagaha Dameerka oo kale!’

Markii uu ku dhawaaqay sirta Boqorka, Timo jaruhu waxuu xaga nafsaaniga dareemay wanaag badan. Ka dibna waxuu ku daboolay Godkii Ciid iyo Caws waxuuna ku soo noqday gurigiisa, asagoo naftiisa ku qancinaya inuuna jabinin aaminaadii boqorka.

Sanado badan ka dib, waxaa jiray iskuul laga dhisay meel ku dhagan Godka, waxaana goob ciyaar laga sameeyay agagaarka Godka meel ay caruurtu ku ciyaaraan marka ayna fasal lahayn.

Maalin, marka ay Caruurta oo dhan ku ciyaaraysay goobta ciyaarta, wiil yar ayaa daboolka ka qaaday Godka oo lagu qariyay Ciid iyo Caws. Si dag-dag ah ayuu willkii uga qufay Ciidda waxaana si dag-dag ah uga soo wada baxay Godka Cod dheer oo raacay Hawada si ay dhamaan u maqlaan caruurta oo oranaaya: "Boqorku waxuu leeyahay Dhagaha Dameerka oo kale .. Boqorku waxuu leeyahay Dhagaha Dameerka oo kale!’

Caruurtu aad ayay ula yaabeen inay maqlaan Codka Timo jaraha ee hawadu waddo, wayna ku qosleyn waxa ku saabsan sirta ee Dhagaha Boqorka. Markii ay tageen guriga maalinkaas, caruurtii waxay u sheegeen sirta waalid-kood. Ka dibna waalidiintu waxay u sheegeen sirta qoyska intiisa kale. Ka dib qoys kasta waxuu u sheegay sirta dhamaan saaxiibadood "Boqorku waxuu leeyahay Dhagaha Dameerka oo kale" way isla qosleyn midba midka kale.

Si Dhakhso ah Tuuladi oo dhan waxay ogaatay waxa ku saabsan Dhagaha Boqorka dhamaana way wada qosleyn sababtoo ah hadda waxay ogaadeen sababta oo badanaa Boqorku u duubto madixiisa mar kasta oo uu u soo baxo dadweynaha.

Waa hagaag, in badan ma aysan qaadan inta uuna ogaanin Boqorku in qof-kasta uu ogaaday sirtiisa .. Bqorki aad ayuu u yax-yaxay aad ayuuna u xanaaqay waayo Boqorku waxuu ogsoonaa in uu Hal nin oo kali ah uu ogaa Dhagihiisa kuwa Dameerka u eg sidaa darteedna waxuu u diray ilaaladiisa guriga Tima jaraha .. Ilaaladu waxay soo qabteen Tima jarihii waxayna ku rideen xabsigii uu u sheegay Boqorka ee inta noolashiisa ka dhiman uu ku qaadanayo.

Tima jaruhu waxuu ka baryay Boqorka inuu iska sii daayo, laakiin boqorku waxuu ku yiri Tima jarihii, "Waxaad balan qaaday in aadan sheegin sirteyda laakiin waad ka qarin wayday naftaada. Waan ku aaminay waadna i khiyaantay. Arrintan darteed waxay kugu qaadan-doontaa inta noolashaada ka hartay xabsiga, waxaadna baran-doontaa inay tahay muhiim in la ilaaliyo balamaha dadka kale aan la sheegin siraha.

Sidaa darteedna Tima jaruhu waxuu ku jiray xabsiga inta noolashiisa ka hartay inta badana waqtigiisi waxuu ka shalaayay sheegidda Sirta Boqorka markii uu kula ballamay inuuna sheegin.