Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Wacdarada U Dhigi-doono Beenaale Masiix Dijaal Iyo Sida Marka Dambe Loo Dili-doono

Tuesday - June 28, 2016



Nabiga SCW wuxuu yiri: Nabi walba oo uu ilaahay soo diray wuxuu umaddiisa uga digayay, Nin hal il leh oo beenaale ah . laba il dhexdooda waxaa uga qoran: "  ك . ف . ر" (oo macna-hoodu yahay Gaal ama Kaafir). Xadiis saxiix ah.

Asxaabti Nabiga scw ayaa yiri: Nabi Allow; Nin-kaan sheekadiisa waad nagu badisay, waana cabsannay, waxaan-ba u maleynay in uu nagu soo dhaw yahay oo uu wax yar ka dib ka soo bixi-doono dhanka geed timireed-kaan.
Nabiga scw wuxuu yiri:  ma wax aan Dajaal ahayn baaba idin kaga baqayaa, intaan noolahay haddii uu yimaado aniga ayaa idin ka dhicinaya oo la doodayo, laakin haddii uu soo baxo aniga oo aan joogin qof walba iyo naf-tiisa weeyo, ilaahay ayaana khaliif iiga ah qof walba oo muslim ah.

Waxaa la yiri: Nabi Allow noo tilmaam sida uu u egyahay? Waa nin dhalinyaro ah oo xooggan, tin adag, ishiisa midig wey kuusan tahay oo soo baxsantahay, waxaad moodda mir canab ah oo kartay, oo il buu la’yahay, wuxuu sheeganayaa in uu ilaah yahay, oo ereyga Gaal-kufur ayaa uga qoron wajiga..

Xaggee buu ka soo baxayaa rasuul allow? Wuxuu ka soo bixi-doonaa waddo u dhaxayso shaam iyo Ciraaq, dhulka ayuuna fasahaadin-doonaa. Imasa sano, maalmo, ama bil ayuu joogi doonaa? Afartan (40) beri: hal maalin waxay la mid tahay sanad, maalinna bil, maalinna todobaad, maalmihiisa kalana waxay la mid noqon doonaan maalmihiina caadiga ah.

Nabigi allow, maalintiisaas la midka ah sanadka ma nagu filnaan-doontaa shan salaadood? Maya ee u qiyaasa, maalin-kaas sanad oo kale ayuu idiin yahay salaadihii sanad-ka oo dhan u qiyaasa. Yaa raaci doono ninkaas Rasuul allow? Waxaa raaci doona todobaatan kun (70000) oo ka mid ah yahuudda reer asfahaan. Dhulka sidee buu ku wada gaari doonaa? Sida roob ay dabayl waddo ayuu u socon doonaa! Wuxuuna mari-doonaa dhulka oo dhan. Maka iyo madiino moye inta kale dajaal cagta ayuu saari doonaa, malaa’ig ayaa isku hareereen-doonto Maka iyo Madiino. Haddii uu Madiino soo gaaro wuxuu dagi-doonaa Sabkha oo u dhaw Madiino. Magaalada Madiino waxay gilgilan-doontaa saddex goor waxaana ka soo bixi-doono dhammaan Gaalada iyo Munaafiqiinta.

Maxaan samaynaa haddii uu soo baxo inta aan nool nahay? Buuraha ka fuula, hana hor istaagina, abuuristi aadan cs ilaa qiyaamaha arrinka culus Dajaal ma imaan-doonto ee qofkii la kulma ha ku akhriyo billowga suurat kahfi.
Dad buu u imaan-doonaa, markaas ayay rumeyn doonaan, una hoggaansami-doonaan. Cirka ayuu amri markaas ayay soo di’i kadibna dhulka ayuu amri markaas ayuu doogu soo dhalan, xoolaha ayaa u cayili- doono oo u wayneyn-doona. Wuxuu soo mari dhul abaar ah oo dadki ay waa hore iskga tageen, wuxuu ku amri in uu dhulka soo saaro kayd-kiisa, markaas ayuu barwaaqo isku rogi doonaa, markaas ayay dadki raac sanaa sii fitnoobi-doonaan. Dad kale ayuu soo mari-doonaa markaas ayuu ugu yeeri in ay rumeeyaan oo ay soo raacaan, wey diidi-doonaan, ilaahay ayaa ku sugi-doono diintooda, markaas ayuu iskaga tagi-doonaa, lakin wey cayroobi doonaan, xoolaha iyo hantida ayaa ka dhammaan doona, dhulkana wuu abaaroobi-doonaa roob kana wuu ka gu’i doonaa. Wuxuu wataa biyo iyo dab lakin waxa ay dadka u malay-nayaan biyaha waa dab, dab kuna waa biyo qabow oo macaan ee qofki la kulma ha galo waxa uu u malaynayo dabka waa biyo macaan e. Nabiga allow, miyaanan la doodi karin oo aan u sheegi karin in uu been low yahay!?
Qofna yuusan u malayn in uu awoodo arrintaas, haddii aad aaddo wuu ku fitnayn, kadibna waad rumaysan oo aad raaci, sidaas ayaadna ku gaaloobi oo aad ku lumi. Xilligaas qof-kee ugu shahaado sarreeyo? Waxaa ugu shahaado sarreeyo, wiil u soo bixi-doono, ciidan kiisa ayaa joojin doono, waxay ku oron doonaan xaggeed u socotaa? Wuxuu ugu jawaabi waxaan u socdaa ninkaas sheeganayo in uu ilaahay yahay…waxay la yaaabi doonaan jawaab tiisa iyo dhiiranaan tiisa, waxay waydiin nayaan: miyaadan rumaysnayn rabbigeen?! Markaas ayuu oranayaa kani rabbi ma ahan, rabbigiin waa kan abuuray cirarka iyo dhulalka, laakin kani waa Gaal ilaahay ku caasiyay. Markaas ayay ku xanaaqayaan, way isku wacanayaan si ay u dilaan, Dajaal ayaa u sheegayo in aysan dilin oo ay u keenaan. Wiilka maarka uu indhaha ka qaado Dajaal ayuu qaylinayaa asaga oo oranayo: war dadoow; yuusan idin duufsan shaydaankaan, waa Dajaalki uu nabiga scw nooga digay. Dajaal, aad buu u xanaaqayaa, ciidan kiisa ayuu ku amrayaa in ay qabtaan, way qaraacayaan oo jirdilayaan lakin wiilka iimaan-kiisa waxba iskama badalayo.
Kadib, dajaal wuxuu ku amrayaa raggiisa in minshaar madaxa laga saaro ilaa lugaha, oo ay laba u kala qaybiyaan. Laba qayb ayay ka dhigayaan wiilka, kala fogeeya ayuu leeyahay dajaal, labadi qayb ayay kala jiidayaan, halkaas iyo halkaas ayay kala gaynayaan…. Markaas ayuu dajaal soconayaa labadi qayb dhexdooda asaga oo ilaah-nimo isku muujinayo, dadki ayaa sujuud la wada dhacayo. Dajaal, asaga oo la hadlayo labadi qayb ee wiilka ayuu oronayaa istaag, markaas ayay labadi qayb isku soo dhawaanayaan oo isku dhagayaan, wiilkina sidiisi ayuu ku soo noqonayaa, markaas ayuu dajaal wiilki ku leeyahay: hadda ma ii qirsantahay ilaahnimo? Wiilkana wuxuu ugu jawaabayaa: haddaan si fiican u sii xaqiiqsaday in aad masiix dajaalki beenaalaha ahaa tahay maxaa yeelay nabigaa noo sheegay in aad sidaan i yeeli doonto.
Wiilka ayaa codkiisa oo kor ah ku oronaya: "dadow ogaada, qof danbo oo uu wax yeeli karo ma jiro ninkaan, sixir-kiisi wuu buray. Dajaal ayaa wiilka qabanayo mar kale si uu u qawraco lakin wuu awoodi waynayaa. Markaas ayuu ka qabanayaa lugaha iyo gacmaha oo uu tuurayaa, dadka waxay u malaynayaan in uu dab ku tuuray lakin jannada ayuu ku tuurayaa. Shahaadada rabbi agtiisa ugu wayn waa middaas.

Rasuulki allaw si dee buu Alle nooga badbaadin doonaa fitnada dajaal? Marka ay xaaladdu halkaas marayso, wuxuu Alle soo dirayaa walaalkey Ciise, oo ka taqalusi-doono Dajaal. Oo Ciise xagguu joogaa? Samada ayuu rabbigiis u qaaday kadib marki ay yuhuuddu damacday in ay shirqoolaan oo ay dilaan. Sidee buu u imaan doonaa ciise nabigi allow? Wuxuu ku soo degi-doonaa mannaaradda cad agteeda, waqooyiga magaalada dimashaq, isaga oo xiran laba maro oo qurxan, laba malag ayaa soo dajin doonto, haddii uu madaxiisa hoos u raariciyo waxaa ka soo tifqayo biyihi waysada, caraftiisa waxaa u dhiman doona Gaal walba oo ay gaarto. Miyaysan waqtigaa jirin koox muslimiin ah?! Haa way joogtaa koox muslimiin ah, kooxda mahdiga oo dhulka ka buuxin-doona wanaag iyo caddaalad kaddib marki laga buuxiyay dhibaato iyo dulmi.  Mahdiga ayuu muslimiinta ilaahay ugu gargaari-doonaa, mahdigu waa qoyskeyga faraca xasan bin cali, waa ninka furan-doona rooma, caasimadda roomaanka (talyaaniga). Oo sidee buu dajaal dhulka u qabsanayaa ayada oo muslimiintu xoog leeyihiin? Miyaanan idin dhihin; waa fitno wayn iyo imtixaan uu alle dadkiisa ku kala saarayo, dad badan oo muslimnimo sheeganayana ay riddoobi-doonaan. Yaa rasuulullah; hal-kee buu joogaa mahdiga xilligaas? Qudus ayuu ka difaacayaa Dajaal, wuxuu isku dayayaa Dajaal in uu caasimad ka dhigto qudus laakin muslimiinta oo uu hor kacayo mahdiga ayaa la dagaalayo inta ay awoodaan. Nabi ciise muxuu samayn-doonaa marka uu ka soo dego dimishq? Qudus ayuu soo aadayaa, wuuna galayaa, muslimiintana aad ayay ugu farxi-doonaan soo degiddiisa. Nabi ciise cs waxaa loo dhiibayaa hooggaanka muslimiinta wuxuuna ku duulayaa Dajaal.

Dajaal, marka uu maqlo in uu soo degay Nabi ciise, wuxuu u cararayaa magaalada Lad oo ku taalo falastiin una dhaw Qudus, nabi ciisana wuu ka daba dhaqaaqi-doonaa ilaa uu ka dabo tago oo uu dilo. Maalinkaas muslimiinta aad ayay u farxi-doonaan, murugadi iyo cabsidi ayaa ka dhamaanayso, nabi ciisana wuxuu uga sheekeen-doonaa sida ay jannada u kala dagi-doonaan, gacantiisa wanaagsan ayuu na wajiyada uga masaxi-doonaa.

Muslim ayaa wariyey.

hits Hits : 10476