Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhacda Walba Xasuusteed .. Meeshu Waa Nijeriya-Lagos .. Siyaad Bare Inta Lacag Loo Keenay Diiday Oo Go'iisa Ka Hurguftay Ka Sii Socday

Thursday - July 28, 2016



Abaaraha sanadkii qiyaastu markay ahaayd sanadka 1993- 1994, ayaa nin dawladi hore ee maxamed siyaad ka ahaan jiray danjire, kana mid ahaa safiiradi somaliya dalka kuwet mar u joogi jiray, ayaa mar booqasho gaaban ku gaaray dalkaa .. maalmo kadib u joogay dalkaas waxaa u suragashay inu la kulan la qaato wasiirki arimaha dibada waqtigaas oo la oran jiray Shiikh Sabah al-Ahmed al- Jaber al-Sabah. oo waqti xaadir ah Amiirka dalkaas. inta badan soomaaliya waqtigi siyaad Barre ku imaan-jiray hab mushaax dalxiis.

Kulankoodi, oo si guud ay uga wada hadleen arimaha ka taagan somaliya, ayaa wasiirkii weydiin safiirka ku yiri; maxaa Qabaaiilka Somali looga waayey kulan dhaqan kaliya oo ka maran siyaasad iyo qoob ka ciyaar.
jawaabaha oo safiirka si koob kooban iyo deganaasho u bixinaayey ayaa warbixintiisi ku sheegay in xaalada somaliya ay mareyso dariiq qodxa badan iyo kala yaac maalin walba joogta, waxaa faraha ka si baxaysa xaaladi dalka, laakiin mudane wasiir weli waxay joogtaa heer la daba-qaban-karo, waxaana ila gudboon ayuu yiri; inta xaaladu u si gurguuran hoobaaq iyo god dheer ay arintu u baahantahay gacalo carbeed badbaadiya oo yiraahdo war sidaan ka daaya.

Akhristow warka yaana kugu daaline, danjirihi wuxuu markii dambe si aftahamo leh carabka ugu dhuftay in Maxamed Siyaad goobta u ku noolyahay ee Nijeeriya xaalad xumo dhaqaale ku hardineyso, isagoo si xusay in halkaas karaamadi u mudnaa usan helin, balse dacdaro badani ku hayso illa u ka noqday caato miiqan oo caday ka dhuuban.

Wasiirka ayaa yiri: Somali waxay ahayd dal qurux badan oo aan ku nasto, waxaanse maqlay iney kolba ku sii dhawaaneyso lama degaankii carabta oo kale .. Somali waxay noqotay dad iska muqleynaya, oo aan is ogeyn meel ay marayaan, waxba aan maqleyn, iyagu isu rooneyn, kala garan-karin cadawga iyo nasteexa, u kala qayb-san qabyaalad. wuxuu yiri: Maxamed Siyaad Bare,wuxuu ahaa Aar halyey wadani ah, la isma oran intu xukunka hayey bal mar qura aan nikaan u fiirsano . Wasirkii oo mark kale hadalkii qaatay ayaa yiri: Safiir ma ii keeni-karta mid ama laba ka mid ah Awlaadi Maxamed Siyaad ? Safiirkii ayaa jawaabtiisi ahayd samcan wa-daacan yaa wasiir.

Danjirihi oo arintaa ka hawl-galay, wuxuu ugu dambeyn maktabkiisi ugu keenay Cabdiraxmaan Jaamac Bare Iyo wiilkiisa Maslax Maxamed Siyaad. .. kulankoodi oo ay isku qaabileen waji furnaan iyo is darajeyn, waxaana kadib la guda galay falaaqeynti, wuxuu wasiirka ka wareystay xaalada Maxamed Siyaad, waxayna uga warameen wixii ay arintiisa ka hayeen. dabadeed wasiirkii oo kulanki gabaabsi ku socday, waxuu labadi ilma Barre faray: iney u tagan Maxamed Siyaad oo u keenaan Nambar xisaab akoon banki ( account) u isagu shakhsiyan ku saxiixan-yahay si u bil walba ugu diro masruuf.

Labadi dhambaal-side Cabdiraxmaan iyo Maslax oo faraxsan, oo u weheliyo danjirihi, iyagoo maylka u tirinaaya xagaa iyo Nijeeriya waxay Siyaad Barre ugu tageen halkii u ku noola ee Lagoos, waxayna u kala dhig-dhigeen fariinti shiikhi Kuweyt .. Siyaad Barre intu jaha-jahsho gaaban qoslay ayuu Yiri: Carab waxay geysteen baan xasuusta. muddo badan ayaan maxfalada Carabta ka sheegaayey, waxa ka soo socda somaliya iyo halkey fidnada ka soo burqaneyso, laakiin dhagna jalaq la iima siin, balse si bareer aan biyo is marin ayey lugta nagu sii walaaqeen , waxaanse idin sheegaya ayuu yiri: waxaan Somaliya ka dhacaya waa sabab Carbeed, oo halkaa la martay, waana waxay doonayeen, hasa ahaate xisaabta kuma ay darsan in waxaysan fileyn kaga soo baxayaan .. wuxuu yiri: Nimanku haddey wax u qabanayaan Somaali ha ka joojiyaan muranka iyo khilaafka ay ku dhex tuureen. isagoo hadalka si wata, wuxuu yiri: ninba wixii loo qoray ilaah kolba wa la kulansiine, waxaa idin leeyahay Maya Maya, oo waa sacab timo ka soo baxeen inaan arintaa idin ka yeelo. anigu ma doonaayo Carabtaas geed-geedeyneysa maalkooda, oo si raaciyey: mana ii oran-doonaan Maxamed siyaad baan lacag laaji ku gar-gaarnaa. ee fadlan iska taga, oo Alle ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa.
Dhambal sida-yaashi filan-waa baa ka hor yimi, waxayna cagta saareen wadadi ay ku yimaadeen

Ugu Dabeyn masuul kasta oo wax qabta taariikhda ayaa xusta, masuul kasta oo qaloocnaa taariikhda sheegta .. Maxamed Siyaad Barre Allaha ha u naxariiste waxuu Dalka Nijeeriya- Lagoos malagi geerida ugu dhawaaqay January 02 .1995, kadib markii in muddo ah u la tacaalaayey cudurkii sonkorta uu horay intu somaliya joogay ku labnaa , sida la sheegeyna cunta xumidi iyo soorti idaan la'aanta ahayd iyo takhaatir la'aan ee halkaa ku haysay ay saameyn ku yeelatay in cudurkii sonkorta ku saro kacdo.

Fiiro Gaara: Warkaan waxaan iga sir-waramay, Nin Oday ah oo isagu si toosa ka soo xigtay Danjirhii Hawshaas faraha la galay
 Editor

hits Hits : 5878