Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Sheeko .. Sidee Ugu Dhawaana Ilaahay

Tuesday - November 22, 2016



Arday cilmi iyo cibaado doon ah, ayaa xer ku biiray. Sheekha xerta oo macalin weyn ah ayuu in badan warkiisa maqlayay. Isaga oo uurka ka doonaya in uu sheekha hadalkiisa maqalo, ayaa casharkii bilaabmay.

Sheekhi casharkii wuxu ku bilaabay, " Casharkan waxaynu kaga hadlaynaa qiimaha shaqada iyo wax soosarku leeyahay" Sheeekii oo hadlakii sii watay ayaa wuxu yiri, "Waa inaan dadaalnaa. Waa inaan dalaga beeraha u dadaalnaa. Waa inaan cuno iyo cawsba kaydsanaa. Waa inaan biyah cirka iyo kuwa dhulkaba ka shaqaysnaa oo biyo keydsanaa. Waa inaan xanaanada xoolaha cilmiyaynaa. Waa inaan deegaanka iyo duurjoogta ilaalinaa"

Casharkii markuu dhamaaday, ayaa xerowgii cusbaa xerow kale la hadlay.

Wuxu yiri, "Walaal, Shiikhena weyn oo wax badan aqoontiisa iyo aftahanimadiisa maqalay, waxan aad u filayay in uu duruus ilaahay loogu dhowaado inoo jeediyo. Isna wuxu ka hadlay Caws la beeriyo iyo Xoolo la dhaqo. Maxaa dhacay sheekh?"

Xreowgi klae ayaa u jawaabi: " Shiikhu ilaahya sidii loogu dhowaanayay waa inoo sheegay. waxa haray sidii aynu ugu dhowaan lahayn in aynu yeelo!!!
 By Cabdisalaam Yaasiin


hits Hits : 5586