Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 19 March 2024

Waa Qiso Lagu Cibrad Qaato Oo Ku Qotanta Inaan Laga Maarmin Waayo-Aragnimada Iyo Dhago U Raaricinta Dadka Waayeelka Ah

Wednesday - December 7, 2016


Bari hore Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in inan-kiisuu dhaxlo oo si marka uu dhaxlo sumcadiisa aan loo oran Aabbihii ayaa dhaamay keliya, balse la yiraahdo waddadii aabbihii buu qaaday, si taasi u dhacdo boqorkii wuxuu u diray inan-kiisi nin indheer-garard ah si uu wax u baro.

Indheer-garadkii inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhinaca aqoonta.
Dabadeed indheer-garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inan-kii boqorku dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan uu aad u garaaco oo waliba si ba’an u jirdilo

Inan-kii oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay iyo orodoo ka hor dhaqaaq wajigayga oo loogu daray ayaa ku laabtay qasrigii Aabahii inan-kiina waxba uuma sheegin Aabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo.

Dabadeed, muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay inan-kiisi, kadib inankii boqorka noqday wuxuu u yeeray ciidammadiisi gaarka ah-polisiya milataare wuxuuna ku yiri: waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka layiraa hebel, hebel, oo haddaad la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen odaygii. 

Odaygii markii la horkeenay boqorkii yaraa ee Aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yiri: Oday-yahow ma igaranaysaa kumaan ahay? Odaygii wuxuu ku jawaabay, "Haa sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn".  inankii boqorka noqday ee Aabahii dhaxlay aad ayuu uga carooday arrintaasi, balse mar kale isagoo madaxa ruxaya, wuxuu ku yiri odaygii; " Yaah waliba waad i xasuusan tahay soo ma aha oo waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigu kaa dambaysay aad sabab la’aan si ba’an anoo waxba galabsan ii gugaraacday" Odaygii wuxuu boqorka yaraa ugu jawaabay: Waa runtaa si ba’an ayaan kugu xadgudbay.
Odaygii isaga oo hadalkiisi sii-wata waxa uu ku yiri, madaama ay ahayd ujeeddada aabahaa, oo nin wanaagsan ahaa ii kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo tarbiyadaada waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax ka baro.
Inankii boqorka noqday ayaa Odaygii hadalkiisi hakiyey oo ku yiri: in dadka layska garaaco oo waliba karbaash lala-dhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula dhaqmo?

Odaygii indheer- garadkaa ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yiri: Waad ku hagaagsan tahay sida aad tiri ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo waaya-aragnimadeeda aad uga bahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid .. Maalintii iigukaa danbaysay casharka aan kugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna ku jeclaadeen,adigana waa ka xukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara, waxaan sabab la’aan karbaashka kuula dhacay, waxaan doonayey inaan ku dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaanad cidna dulmin. Boqorkii yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye. Wuxuuna mar walba u hanqaltaagi jirey inuu ka helo waayo aragnimo dheeraada.
Odeygii boqorkii yaraa wuxuu ku gargaaray inuu noqdo waayo arag iyo nin boqora oo caadil ah.
Sheekadani waxaynu ka qaadanaynaa in aan laga maarmin waayo-aragnimada iyo dhago u raaricinta dadka waayeelka ah. 

hits Hits : 11614