Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 21 October 2017

Culimadi Iyo Fuqahadi Reer Tanade Ee Dacwada Fidinta Islaamka Ka Waday Bari Iyo Bartamaha

Friday - November 14, 2008

Degaanka Xirir-Galdogob waxay ka mid tahay Magaalooyinka Soomaalidu degto kuwa maanta ugu xasiloon oo si qabow caanahooda ku qalaxsada lehna dux iyo iimaan , mana aha bulsho hawraarsan xun oo u hanqaltaagta ama ku qarawda dhuuni raac iyo xaqdarada ku baahday arlada somaaliya, magaalada ma laha dooxato falaad-xun iyo taw-tawle edab daran, waa mujtamac maalinta kooda taag xunyahay kaga tagin hawsha tolna u noqonaya ,degaanka magaalada waxaa la sheegaa iney isir u leedahay xaga taariikhda aqoonta waxbarashada diinta oo la fac tahay Shangaani, Baraawe,Harar iyo Xamarweyne.

Degmada Galdogob waxaa degmo-nimada loo magacaabay Sanadkii 1973,waxayna u qaybsantahay dhawr Xaafadood, Nashqada ama (Town Plan-ka)  Magaaladu waa mid runtii aad u sareeya, waxaana taas Amaanteeda leh cidii gacanta ka geysatay waxayna caan ku yihiin geedaha ma jaraan xididadana uma siibaan .

Galdogob waa Magaalo aad u koreysa oo dhinac kasta horumar ka gaartay gaar ahaan xaga ganacsiga, dhismayaal casri ah iyo amnigeeda oo ah mid xakameysan aan laga walbahaarin iyadoo waqtiyadii colaadeed si gaar ah uga badabaaday wareerkii “ tiihi” ee guud ahaan shacbka Soomaali ku dhacay ee illaa maanta qoorta u suran, taasna waxay ku timid wada-tashiga,shawrka iyo dulqaadka shacabka iyo culimadi degaanka iyo wixi arimo iyo talo ah oo aan loo waayin garcas iyo oday sita waran bagaxa oo leh xikmad iyo murti, waa rag ku faqay ineysan indhaha la sii raaciin sheydaamada shaalalka lulaaya iyo kuwa amxaarka gurani guriga u joogo iyo balaayada hawada suluxsuluxeeneysa, cuqubooyinka diriraya iyo kuwa Qu’raanka qaafka kaliya ka bartay oo libinta mooday shacab la isku dhex qarxiyo. 

Magaaladu waxay leedahay Dugsiyo, iyo maxfalo lagu barto aqoonta diinta islaamka,wallow hadda la sheegaayo iney qalqaalo ugu jiraan dhismo machadyo lagu barto culuumta diinta iyo waxyaabo kale,  waxay kalo leedahay magaalada Saldhig Boolis, iyo mashruuc Cusbitaal oo aan weli la furin, waxaa kale oo ay leedahay meel mustaqbalka loogu tala galay Airporto..
 
Degmada galdogob waxay ahayd Xarun weyn oo fadhiisin u ahayd  ciidamadii aadka u tirada badnaa ee dawladi Maxamed Siyaad, waana magaalo u leh Ahmiyad weyn dhanka Milatariga, Waxaana looga gurman karaa magaalooyinka gobolada dhex oo dhan.
Waxaad magaalada ku arkaysaa raadad ay ka tageen dagaalladii u dhexeeyay Taliskii Kacaanka Oktoobar iyo Xoogagii SSDF ee xaruntooda ahayd Adis Ababa. Sida miinooyin jidadka ku aasan, Gaadiid milatari oo gubtay ha u badnaadaan Kaareyaal aanad garanayn waxa ku dhacay oo laba u kala dilaacsan.

Taariikhda Dhanka Faafinta iyo Dacwada Diinta Islaamka iyo Culimaddi Garwadeenka Ka Ahaa :
 
Ugu horeynti marka laga hadlayo xaruumaha dacwda islaamka Ee Somaaliya, waxaa jiray Sadex xaruumood oo kala hogaamin jiray dacwada fidinta diinta islaamka oo ay ka mid ahaayeen :
1-Mogdisho oo iyadu horkaceysey xruumaha ku yaalay konfurta Soomaaliya qaarkeed
2-Xaruunta labaad waxay ku tiilay degaanka xirir-galdogob-mudug, oo iyadana horkaceysey dacwadii ka socotay gobolada Mudug, Nugaal, Bari iyo inta badan gobolada dhexe.
3-Xarunta Sadexaad waxay ku tiil magaalada Harar iyo Zeylac oo hogaamineysey dacwadii ka socotay Galbeedka Somaaliya oo dhan ahaydna meelihii ugu horeeyey ee diinta islaamka ku faafto oo waxaa iyadu islaamku soo gaaray xiligii rasuulka NNK.waxaana soo gaarsiyey Reer Bin Caqiil.

Degaankaas Xirir –Galdogob-Mudug illa bariga fog islaamku xoogiisa waxuu soo gaaray xiliyadii hijrooyinkii dambe oo uga yimid dhinaca magaalada Zeylac  oo markaas Xarun u ahayd islaamka

Sida Taariikhdu qoreyso Zeylac oo magaalo magac dheer ku leh islaamka waxay ahayd caasimada saldnadaha islaamka oo dhan---- Qarnigi 14aad ayaa halkaa waxaa ka Aasaasmay todoba imaaradood oo islaam ah oo kala ah  “ifat,Dawaaro,Arabiini,Hadiya,Sharkha,Baali, iyo Daaro” Todobadaas waxaa ugu weynaa uguna caansanaa “ ifat” Saldanada Ifat waxaa kalo loo yiqiinay “Jabarte” oo waxaa maamulkeeda hayey Reer Jabarti iyadoo waqtiiyo dambe ku wareegtay familka “al-Tanadiyiin” oo isla reer jabarti ah ( fiiri bogga 383aad ee buuga la yirahdo “al-Jamuuriya al-Soomaaliya” oo u qoray qoraaga masriga ah ee la yirahdo Cabdulmuncim Cabdulxalim)

Hadaba sida muuqata Saldanadii Imaarada “Ifat” ay hogaaminayeen qoysas ka soo jeeda reer jabartii ayaa dacwadihii iyo fidintii diinta islaamka ku faafiyey mandiqadaas Bari illa Bartamaha, waxaana hogaanka fidintaas dacwada hogaaminaayey culimo iyo fuqaha saldanadii ifat ee garwadeenka ka ahaa ilmo Jabarti- tanade.

Culimadaas iyo maamulka saldanadaas degaanadaas ku soo biirtay awgeed waxay noqotay degaanka xirir- galdogob-mudug illa Bari xaruumaha ugu waaweyn uguna sareysa xaga fidinta dacwada iyo thaqaafada iyo fiqiga islaamka ee ay tixgaliyaan islaamka Harar iyo Zeylac.
Culimadaasna waxay awood iyo dadaal firfircooni ku gaareen iney goboladaas Bari iyo Bartamaha Soomaaliya boqolkiiba 70% gaarsiyaan ku dhaqanka diinta islaamka una carbiyeen arday badan oo xrumo diimeed ka furay degaanadooda jahligu saameeyey.

Arintu si kastaba ha ahaate Soomaalida waxay yeelatay cadow cusub markii ay islaameen, sidaa daraadeed dawladihii aan islaamka ahayen oo ay ugu horeyso itoobiya  ayaa waxay mar qura farta ku wada fiiqeen saldaanooyinka islaamka oo sii xoogeysanaya siina ballaaraneysa, sidaa awgeed ayey go’aan ku gaareen iney wax ka qabtaan arintaas.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo dagaalamay illa iyo bilawgi islaamka gaar ahaan qarniyadii 13aad, 14aad,15aad ujeedada itoobiya ayaa ahayd iney ciribrirto saldanooyinka islaamka oo ay ku jirto saldanadii “ifat” ee markii dambe xoog ku lahayd Bari iyo Bartamaha Soomaaliya, laakiin Axmed Ibraahim al-qaasi “ Axmed Gurey” oo markaas ahaa suldaankii saldanada “Cadal” isagoo ay hiil ugu soo gurmadeen Soomaalidi ku taxaneyd saldanada “Ifat” oo ka timid Bari iyo Bartamaha Soomaaliya ayu gaashaanka u dhigay ciidamadi itoobiya oo ka adkaaday, wallow markii dambe qalad u galay Axmed Gurey Awgeed ay xabashiidi dib u qabsadeen dalkii muuslimiinta oo ka dhigeen wax la dilay iyo wax la baqo eryey  oo carigi noqday dal galbaday,waxayna weerarkoodu soo gaarey illa degmada Balcad iyagoo ugaarsanaya wadaadadi dalka ka kacay iyo wixi muslin noqdeyba.

Sida taariikhdu qoreyso mandiqadaas Bari iyo Bartamaha waxa ka dhacay bur bur iyo tacadi badan iyo waxshnimo ay geysteen ciidamadii xabashada oo cariga ka dhigeen mawjado dhiiga, wax naf la baxsadyna ma jirin casiiskii ilaahay qofku ceynsho mooye waxaa dhacay guuldaro iyo hoog taaso shuucuubti carigaas deganeyd ay cabsi awgeed diinti la dayacmatay , kaibna ay dib ugu noqdeen cusuurti jahliga, khuraafaadka iyo cadooyinkii ay caabudi jireen, waxaa intaa dheer oo mandiqadaas ka dhacday abaaro isdaba jog ah, daacuun, dad-qalato iyo gaajo awgeed lafta iyo diirka kala siibatay, dadkiina caato wada noqdeen oo culeyga aad moodo, waxaana xeer noqotay in xoog la isku muuquuniyo oo qofba qofku ka xoog badanyahay dhaco.

Muddo qarni kadib oo aduun gees u dhacay nafis yarna la helay, Culima kale oo firrsaneysa isrnimadi ay ka soo jeedeen ee ahayed culimadi saldanadi “Ifat” ee reer Tanade ayaa dib uga kacday degaankii xirir-galdogo-mudug oo u horkacayey Shiikh Maxamed Shiikh Muumin iyo kuwa kale oo ay ehel yihiin, waxayna socdaalo ku kala bixiyeen deegaanada ay ku noolyihiin dadyooga ku dhaqan inta u dhaxeysa goboladaas Bari illa bartamaha Soomaaliya, waxayna u kuur galeen qaabka iyo habka loogu dhaqmo diinta islaamka, waxayna halkaas kala kulmeen- 1-diinti iyo hanuuninti oo dayacan iyo dad haysta dariiq jaxiima ibliis 2- dil sokeeye iyo dadka oo xaquuqdooda la duudsiiyo 3- dadkii oo aan is dhex mar lahayn cabsi awgeed 4-agoon wax saacida haysan 5- dumar iyo rag aan kala dambeyn iyo masaakiin la dayacay 6- waayeelkii iyo ehel la jiirayo iyo wiil labaatan jira oo waalidkiis jigraaraya 7- dambi aruursi iyo kheyr aan la deyin 8- diyo iyo qisaas aan sharci loo eegeyn 9- furiin iyo nikaax u dhacaya si aan sharciga waafqsaneyn 10- meyd aan janazo lagu tukaneyn iyo boqolaal shey oo aan sharciga waafqsaneyn, waa la caasiyoobay.

Shiikh Maxamed iyo culimadii la socotay oo soo arkay aduunkaan sirgixan sida xuna u foorara waxay go’aansadeen iney ummadaas jahliga aafeeyey u gudbiyaan dariiqi alla jideeyey iyo xeerkii u qaata yiri Abu-qaasim SCW, waxayna dadyawgi ugu baaqeen iney soo dirsadaan arday wax loo baro oo kaalin ka qaadata waxbarashada diinta dadkooda iyagoo dhinaca kalna kaltan ugu kala baxa dacwad tabliiq degaanada ay dadku degaan

Shiikh Maxamed Muumin iyo saxaabadi culimadiisa la joogtay waxay bilaabeen iney furan madaaris waxbarasho lagu barto farguriga luqada carabiga oo ahmiyad weyn u leh barashada idiinta islaamka iyo sharaxaada fiqi islaamiga , waxaana  muddo gaaban xaruumahaas madaarista soo buux dhaafiyey raxano arday ka kala timid galbeed, waqooyi iyo koonfur, waxaana halkaas sanadkii ka aflaxi jiray 5000 arday oo qaadan jirtay magaca darajada Aw macallin ama qaarkood Shiikh, waxayna dib ugu laaban jireen goboladooda iyagoo si xoog leh u carbisan .

Shiikh Maxamed Muumin oo qalin jabinta macallimiinta, shiikhyada iyo Awyada la dardaarmi jiray waxuu sii siin jiray nasteexooyin la xariira fidinta iyo dacwada diinta islaamka waxuuna ku boorin jiray ineysan ka daalin dacwadaas oo ay u dhabar adeegaan dhibkasta oo uga yimaada bulshadooda dhexdeeda, waxuu xasuusiyey in Fircoon salan dheer dhigtay seygana taladii sidaa darteedna ay cadaalada dugsadaan waxuuse si gaar ah uga digi jiray ma daama ay risaalad fulinayaan iney guryahooda galin gabar haddi ay diin beesho, laguna gaadin tolkeeda  geesiyaal ah iyo qurux iyo magac qoys gashay balse geyaanku ahaado garasho diimeed.

Amuurta la yaabka lehna waxay ahayd ardadaas badankood inteyan noqon jeceyl ay u qabeen shiikhooda awgiis waxay Shiikha weydiisan jireen gabdho ay guursadaan oo garasho diimeed leh, ogolaasho kadibna waxay ardadaas xarunti ka kaxeysteen boqolaal gabdhood oo shiikhu u meheriyey.

Waxaase mahad leh in fiirkii gabdhahaas ka beermeen ay noqdeen kuwa  qadarin iyo ixtiraam badan ku leh beelahoodi, kuna noqdeen diinta mash-huur iyo marjac xaliya wixi la garanwaayo , beelaha badankoodana waxaa ka kacay jilbyo lagu magacdaray bah Tanade oo lagu ciseeyo cilmi-diineed, xikmad iyo hogaaminimo.

Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Imaamka masjidka kanada-Ottawa Shiikh Maxamed Rashaad waxay ka soo jeedaan fir ay dhashay Xaawo Shiikh Mxamed Muumin, waana halka gabar u dhalay Shiikha, lama soo koobi karo culimada ka beerantay gabdhahaas xarunta laga guursaday.

Shiikh Maxamed Bin Shiikh Muumin Bin Shiikh Aadan Bin Shiikh Cisman Bin Fiqi Cali, waxuu ku dhashay Mandiqadaas Xirir-Galdogob-Mudug, laakiin lama hayo sanadka dhabta ah u dhashay, wallow u ku dhintay cimri 80aad, waxuuse ku duuganyahay meel u dhaw Degmada Cadaado oo beelaha Mareexaan iyo Saleebaan ayaa qabrigiisa qadariya oo xayndaab dhismo ku wareejiyey.

Sheekh Maxamed waxuu dhalay 12 wiil iyo gabar iyo wiil u dhalay walaalkiis Xasan Muumin oo u korsaday “adopted”  kadib markii Xasan iyo caruutiisi la laayey, hooyadi wiilka Maxamed dhasheyna wiilkey ku umul-raacday, hasa ahaate Xirsi Muumin aya keenay isna hashi wiilkaas suluxa dhayda looga lisi jiray, waxuuna qaatay ducadi Shiikh Maxamed ee ahayd “Caano ha waayin”sida la sheegana illa hadda ducadaas awgeed ma waayaan caano ay fuuqsadaan . waxaa kalo la sheega walaalaha inta kale ee ilma Shiikh Muumin waxay waqtigaas taclliin kordhis ugu maqnaayeen Mogdisho iyo Baraawe oo ay ka socotay waxbarsho diimeed.  

Shiikh Maxamed Shiikh Muumin mudadi u xaruntiisa fadhiyey waxaa dad badani safaro uga imaan jireen meelo fog fog si ay u weydiyaan fasiraada aayadaha qaarkood iyo culuumta la xariirta fiqiga, gaar ahaan axkaamta dadku isku mariwaayaan, waxaana Shiikha dadka badan awgeed loo gali jiray safaf dhaa dheer oo qolaba mar u galeyso.

Sida la sheegay Shiikhu marku  xanuunsaday waxaa la joogay dhashiisa iyo walaalihiis ka sakow dad culimo u badan iyo salaadiintii Bari iyo Bartamaha soomaaliya ka timid, dabadeedna marku dhintay waxaa janaasadi wax uga tukaday Ugaas Diini, faarax Shirwac, Ugaasyadii xawaadle, Saleebaan, Ceyr, Sacad iyo wakiilo salaadiin oo ka kala yimid Bari oo laha Boqoro, garaadyo, ugaasyo, beldaajayaal, dabadeed duca ay u akhriyeen kadib waxay dadkii ku hadaaqeen “ Shiikhi Cilmiga lagu ogaa iyo camal fal diineed maantu naga dhex baxay”

Shiikh Maxameda intu noolaa waxuu dhihi jiray tacabka Aakhiro badsada iyada loo tukubayaaye isagoo gacantiisa ku miinguuriyey kitaab la yirahdo “ Maqaam Xariiri”  Waxuuna ku dardaarmay kitaabkaas in hadba loo dhiibo qofka ugu taqwad badan ama xilka  beesha haya, waxaana hadda hayntiisa ku dambeysa gacanta Ugaas Axmed oo u kala wareegay allaha ha u naxariiste Aabihiis Ugaas Maxamed Shiikh Cali Shiikh Geesood.

Ugu dambeyn : Rabiga Oo Ah Kan Og Xaalka Quraanyo Madow Oo habeen Madow Dhagax Madow Dushiisa ku Socota Ayaan alle ka bareynaa inu Shiikh Maxamed iyo intii culimada ahayd ee la qaadatay halgankii dacwada fidinta diinta islaamka ka aqbalo Ducadoodi, Allana ka baryeynaa in camalkooda ikhlaas uga dhigo, quraankana lala xariiriyo markay dhinteen, markii ciida lagu rogay iyo markii laga soo bixinayo qabriga, ilaahay ha ka yeelo kuwa la yirahdo u akhriya quraanka sidaad aduunyada u akhrin jirteen”  alahayow isma hubno, yaqiin lama haye no yasir dhamaanteen amuurta” Aamiin- Aamiin

Culimadi iyo Fuqahadii Kaalinta Weyn ka Geysatay Dacwadii iyo Fidintii Diinta Islaamka:

B- Culimadii Reer Tanade Ee La Kawsatay Saldanadii " Ifat" Ee Jabartiyiinti-Tanadiiyiinta

1- Shiikh Masadaan Tanade
2- Shiikh Zajiis Hobanle
3- Shiikh Diiftire Hobanle
4- Shiikh Asaan Nabi Lelkase
5- Shiikh Muse Wacle
6- Shiikh Koore Udan Fale
7- Shiikh Zakad Waqroone
8- Shiikh Cabdi Aadan Maxamed
9- ShiikhCabdi Raxmaan
10-Shiikh Cabdulaahi Ismaaciil
11-Shiikh Fiqi Cali Cismaan

T-Culimadi Reer Tanade Ee Dib U kacday Burburkii Saldanadii "Ifat" Kadib

1-Shiikh Maxamed Shiikh Muumin
2-Fiqi ismaaciil Faatax Cumar
3-Fiqi yuusuf Xuseen Xaaji Cali
4-Shiikh Macalin Axmed Ciise          "quraan ka adag”
5-Shiikh macalin cabdiraxman Ciise “ quran ka adag”
6-Shiikh Xassan Nuux Maxamed
7-Shiikh Geesood Xaaji Ciise
8-Shiikh Xaaji Cali
9-Fiqi Faarax Axmed Xasan
10-Shiikh Maxamed Cali  Geesood
11-Shiikh Ismaaciil Aw xaashi
12-Shiikh Xirsi Muumin Shiikh Aadan
13-Shiikh Cali Muumin Shiikh Aadan
14-Shiikh Maxamed Shiikh Xasan Shiikh Aadan
15-Shiikh Jaamac Aw Xaashi
16-Fiqi Xaashi Fiqi Yuusuf Shiikh Xuseen
17-Shiikh Maxamed Aadan Shiikh Cismaan Fiqi Cali
18-Shiikh Muuse Shiikh Axmed
19-Shiikh al-qaadi Warsame cabdi Giir
20-Shiikh Xaaji Maxamuud Cali Abukar
21-Shiikh Aw Cilmi Shiikh Axmed "Dhool"
22-Shiikh Axmed Maxamed Aamusane

Fiiro Gaar ah: fadlan akhristayaasha Waxaan ka codsaneynaa iney No soo gudbiyaan wixii mash-huur shiikhyada aan ka tagnay ee la xariira taariikhdaan.

mhashi1@hotmail.com

                                                         Galdogob Times News Desk


hits Hits : 19774