Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dhacdo Ka Dhacday Degaanka Janaale - Marka Oo Ay Tahay In Lagu Cibrad Qaato"Meyd Nin Nool Dilay"

Tuesday - December 1, 2009

Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale Shaballeda Hoose Ee Marka, Nin wargaleen ah oo dhawr jeer Xamar tagay ayaa Noo xaqiijiyay in dad odayaal ah oo been lagu tuhmayn ay xaqiijiyeen dhacdadaan oo ay waajib tahay in lagu cibro qaato iyadoo la rajaynayo in dadka dulmiga wadaa ku waano qaataan, kana baqaan aargoosiga Ilaahay .... Ogaadana inaan aargoosigiisu kaa fogayn oo inta aan Aakhiraba la gaarin inuu adduunkan ugu soo degdegayo iyadoo waliba ay ciqaabtii Aakhiro sugayso Ilaahay ha innaga nabadgaliyo e ....  Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yiri: " Ka baqa baryada dulmanaha, uma dhexeeyaan Ilaahay iyo iyada (baryada dulmanaha) daahe".

Sheekadiina waa taan. Dagaaladii duufaanta colaadeed markii ay Soomaaliya ku habsadeen wanaagiina indho beelay ayuu Cabullaahi ka qaxay Muqdisho, wuxuuna u qaxay degaanka ay beeshiisu daganayd oo uu doorbiday inuu ku badbaadi karo maadaama waxa laysku dilayay ay qabyaalad ku salaysnaayeen. Muddo ayuu degaankii beeshiisa ku noolaa, isagoo intaa wararka iyo waayaha degaankii uu ka soo qaxay aanu seeganayn, wuxuu had iyo goor safarada waydiin jiray inay Muqdishu iyo nawaaxigii Janaalle soo mareen isagoo ka waraysanaya kolba cidda uu ka garto, hantidiisii ma guuraanka ahayd ee uu lafihiisa kala soo cararay, hantidaasi oo uu aad warkeeda u sii raadin jiray beer ama bustaan uu Janaalle ku lahaa oo uu aad u jeclaa.

Wuxuu sidaasi ahaadaba maalin dambe ayuu maqlay in nin kale beertiisii qaatay oo uu siduu doono ugu tagri falay, lexejeclo ka ahaatayaa ama naf dhammaatay noqotaaba meeshii uu joogay ayuu ka soo socdaalay , isagoo ay niyaddiisa ku jirto in cabsidii dhawr bilood ka hor soo eriday ay haatan yaraatay maadaama qolyihii ay ka soo carareen ay iyaga iskugu jirto colaad xun oo ka daran tii uu ka cararayna dhex taalo. Wuxuu soo socdaba maalintii dambe ayuu isa soo dhex taagay beertii uu sanooyin badan tacbanayay, hantidiisii iyo xooggiisiibana ay galeen oo uu nin kale qori la dhex taagan yahay...Laysa salaan, waar maxaad ahaydna lagu yiri ... Ninkii beerta lahaa baan ahayna ku jawaab..... Hadal waxaa loogu soo gabagabeeyay haddaadan ninyohow beertan dhaafin qorigan aan Sito 30ka xabadood ee ku jirta way kugu dhammaan. Ninkii beerta lahaa intay cabsi gashay ayuu magaaladii dib ugu noqday si uu Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada dhibtiisa ugu bandhigo maadaama uu ahaa nin magaalada laga yaqaanay, muddo badanna beertan beeran jiray, laguna yaqaanay nin xalaal quudato ah ehlu cibaadana ah .... Gartii waxay rogrogantaba Odayadii iyo Waxgaradkii magaaladu waxay soo jeediyeen in ninka hadda beerta haysta loo tago, isla markaana lagu qanciyo inuu ninka beerta iska lahaa uu qayb ka mid ah u oggolaado, si uu isna u beerto.

Arrintii loola tag ninkii xoogga ku haystay beerta markii muddo la murmayayna oggolaa inuu ninkii beerta lahaa bar siiyo, dabadeed loo kala sooc, soohdinna loogu yeel, beertii beri halka beer ahaydna laba beerood laga kala dhigy .... Muddo ayaa meeshii la wada joogay, nin walbana qaybtiisii beeray, markii ay gaartay goortii beerta laga sugayay inay wax ka soo go'aan, qaybtii ninka beerta iska lahaa ayaa si fiican ugu baxday, qaybtii ninku xoogga ku haystayse bixitaan daaye xattaa caaws kama soo bixin.Caqligiisu wuxuu tusay ninkii beerta xoogga ku haystay in ninkan beerta asal ahaan u lahaa ee uu qaybta ka siiyay uu sixray, fal iyo wax beerta biiyayna uu u sameeyay qaybtiisa, xaggan iyo xaggan isagoon eegin ayuu intuu qorigiisii cabbaystay, ninkii oo beertii dhinac kaga jira la dul joogsaday isagoo ku qaylyaya waar fal baad ii qabatay sow maaha adna noolaan mayside dhimo,dhimo,dhimo,dhimo, baasna ku furay Sidii isagoo Deero dilay oo kale ay la tahay ayuu meeshii isagoo laafyoonaya ka dhaqaaqay, gurigiisii ayuuna iska tagay.

Xabbada dhacday oo ay dadkii meelaha ka dhawaa maqleen ayaa nin walba is yiri bal ka war doon hadda, mise waa ninkii dhawaan yimid ee beertana lahaa oo mayd ah, laysku qaylo dhaami, meeshiina laysugu-yimid, waxaa la damcay in maydka la qaado, mise dhulkaba lagama rujin karo, si kasta la yiri, loo taag waa lagana quusay in la qaado, raggii meesha iskugu yimid talo ayaa ku caddaatay, war maxaynu yeelnaa iyo maxaynu yeelnaa lays yiri, markii muddo lala dhakafaarsanaa sidii la yeeli lahaa, ayaa nin oday ahaa oo meesha joogay yiri:-" Waar yaaye ordoo ninkii ninka dilay, kaalayoo maydka nala aas ku dhaha" ,inta layswada eegay ayaa hadalka caqligalnimadiisa lagu soo wada hambabaray.

Ninkii ninka dilay oo gurigiisii jooga, wax dhiilo ahina aanay ku jirin ayaa loo yimid, waxa lagu yiri ninyohow ninkii aad dishay dhulkii waa laga fujin kari waayaye kaalayoo nala qaad, intuu si quursi ah u eegay ayuu ku yiri:-"Waar yaayee maxaa idinka si ah ma mayd baan dhulka ka qaadi kari waynay baa arrin rag loola yimaaddo ah"...Kaalayow nala arag baa lagu yiri...Waar bal inna mariya waad soo waalateen baan u malaynayaaye intuu yirii ayuu horgalay, maydkii uu saacado ka hor dilay intuu isa soo dultaagay si fuduna u qaaday ayuu yiri:-"Bal waxaad noogu sheekaynaysaan arka saw anigan kaligay qaaday" iyo haddaba ilaa aanu ka aasayno ha naga tagine nala joog, iyo waayahay laysku af garay.

Maydkii baa la mayray oo la kanfay, xaggii xabaashana loo qaaday,markii Salaaddii Janaasada lagu tukuday ayaa la damcay in iilka la dhigo, cid aan isagii ahayn oo qaadi katra ayaa la waayay, xabaasha gal oo maydka iilka dhig inta lagu yiri, ayuu xabaashii ku dhaadhacay, ii soo dhiiba intuu yiri ayuu maydkii damcay inuu iilkii dhigo, dhigitaankii uu maagay,gacmahana kala soo noqo uu is yiriba, mise maydkii iyo dhulkii baa gacmihiisii ku dhagay, yaab ninkii,mar kale soo dhufay gacmihii mise dhulkayba ku sii dhagayaan, geesinimadii markii hore ku jirtay intuu iska waayay ayuu af labii yeeray oo yiri waar maydku wuu igu dhagan yahaye iga furfuraay ...Waar yaa muslinaay ...War iga furfura

Dadkii xabaasha dultaagnaa rafashada ninka markay arkeen, qayladii af labadii uu yeerayna ay ka saseen ayaa nin waliba hortaa bannaan u cararay, ninkii maydku ku dhaganaa markii uu arkay in dadkii yaaceen ayuu aad u sii qaylyay.....Waar xaggaad igaga cararaysaan....Waar miyaydaan muslin ahayn.. Yaa muslin ahay.... waar idiin mee. Isagoo waar idiin meeda haya ayaa dad ugu war dambaysay.

Warkiibaa sida dab caws qabsaday oo kale magaaladii u xulay, goor gabbal gaaba bay ahayde lagu dhici waa in xabaashii dib loogu nodo,qof walba cabsi baa gashay, waxay talo ku soo biyo shubatay inaan marka dhulku mugdi noqdo loo tagi karine, bal marka waaga baryo laga war doono... Waagii markii uu baryay maalinimadii dambe barqo dheerna ay noqotay ayaa dadkii magaaldu ku ballamay bal inay ka war doonaan maydkii iyo ninkii xabaasha ka dhex qaylinayay waxa arrintoodu ku dambaysay, wax dhaqaaq joogsi lagu sii jiraba goor dambe ayaa xabaashii la is dul taagay, afka gacanta la wada saar ... hayay waar ninkii kalena dhimay...Alla! oo waabu ka hooseeyaaye.....Talow sidee wax u dhaceen... Ilaahay cilmigiisu badanaa.....Gardaruu ku dilayoo isna la god gal. Qof walba wixii maskaxdiisa ku jiray markii uu ku celceliyay, lana arkay in ninkii shalay qaylinayay ee ninka maydka ah ee uu isagu gacantiisa ku dilay shalayna iilka dhigayay uu dusha ka saaran yahay