Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh. Shuceyb

Thursday - March 18, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Fiiro gaara : Digtoor Shiikh Shuceyb Fasax Gaaban Ayu Galay Sidaa darteed maalmihiisi casharka jimcaha waxaa Inshaa alaah sii buuxindoona qoraalo casharo diimeed aan ka xiganay ila kala duwan oo ay soo aruurisay Galdogob News Deskk  

Ujeeddo Casharka Maanta: Sheeko La yaab Leh Oo Ku Saabsan Nin Muslim Ah Iyo Gaal Soo Islaamay

                                ----------------------------------------------------------------------
 
Nin Muslim ah ayaa wuxuu daris la ahaa nin gaal ah, dood badan kadib ayuu ninkii gaalka ahaa soo islaamay. Habeen ayaa ninkii Muslimka ahaa u yimid ninkii kale ee soo Muslimay, kadib markii uu albaabka soo qaraacay ayuu Muslimkii cusbaa waydiiyay ‘waa kuma?’.

Muslimkii hore ayaa ku jawaabay: “Waa aniga ee iga fur.” Kadib ayuu ninkii cusbaa waydiiyay sababta keentay inuu wakhtigaan imaado. “Na keen aan aadno Masjidka, Nabiga (NNKH) wuxuu sheegay in ajir badan laga helo salaada habeenkii xiliga danbe la tukado.” Ninkii cusbaa ayaa raacay Muslimkii hore.

Kadib markii ay tageen Masaajidka ayay bilaabeen salaad, markii salaada subax soo dhowdahay ayuu Muslimkii hore u sheegay ninkii cusbaa inuu sugo salaada subax halkii uu ka aadi lahaa gurigiisa. Wuu ka aqbalay.

Wuxuu hadana ka codsaday inuu soomo maalintaas asaga oo u sheegay inuu soonka maalintaas ajir badan lahaa. Salaad subax kadib ayuu Muslimkii hore hadana ka codsaday ninkii cusbaa inuu Qur’aan aqris iyo barasho galo, asaga oo u dhiibay kitaab Qur’aan ah. Ninkii cusbaa ayaa hadana aqbalay. Barqadii markii la gaaray ayuu Muslimkii hore hadana ku booriyay ninkii cusbaa inuu cashiro guud oo Islaamka ku saabsan barto, iskana joogo Masaajidka, wuu aqbalay.

Duhurkii ayaa sidaa ku yimid. Salaadii kadib ayuu hadana ka codsaday ninkii cusbaa inuu iska joogo Masaajidka waxna ka barto Axaadiista Nebiga (NNKH), ninkii ayaa hadana aqbalay. Casar ayaa sidaa kusoo galay. Salaadii casir kadib ayuu hadana ku booriyay inuu iska joogo maadaamo buu yiri salaadii Maqrib soo dhowdahay, afurna uu baahan yahay. Ninkii cusbaa aya hadana aqbalay.

Afur iyo salaad Maqrib kadib ayuu hadana Muslimkii hore ku booriyay walaalkiisii cusbaa inuu wax yar iska sabro maadaamo salaadii cisho soo dhawaatay. Mar kale ayuu ninkii cusbaa ka aqbalay. Salaadii cisho kadib ayay u dheel madeen guryahooda, kadib ayuu hadana saq dhexe Muslimkii hore soo qaraacay albaabka ninkii cusbaa, markii uu isu sheegay ayuu ninkii cusbaa ku jawaabay: “Xaaji, aniga waan ka baxay diintaan, maxaa yeelay nafis-ba waad ii diiday, xaas iyo caruur ayaan leeyahay. Nolol ayaa la iga rabaa, nasashana waan u baahanahay. Marka nugu kala wad.”