Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Madaxweyne Cumar Geele Oo Gal Dacwadeed Looga Furay Maxkamad Ku Taal Cariga Faransiiska

Friday - March 19, 2010

C/raxmaan Boorre oo ah Ganacsade u dhashay dalka Jabuuti ahaana nin ay kibista wada qaybsan jireen madaxweyne Cumar Geele ayaa la soo tabinaya in dacwad ka dhan Madaxewynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu u gudbiyay Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska,

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu soo eedeeyay inuu si khalad ah u Isticmaalay lacag uu lahaa ganacsade C/raxmaan Boorre, waxaana uu sidoo kale ganacsadahaan uu ku eedeeyay Ismaaciil Cumar Geelle inuu Awooda Dalka uu u adeegsado si ka baxsan sharciga dalkaasi.

Ganacsade C/raxmaan Boorre ayaa si cad  u sheegay in Hantii uu lahaa si bareer ah u dhacay madaxweynaha dalka Jabuut, wuxuuna sheegay sidoo kale in Madxweyne Ismaaciil uu ka dambeeyay dil loo gaystay iyo kuwa bolisku jirdil ku sameeyaba oo ay qaraabo yihiin 

Sida warku qeexayo C/raxmaan Boorre oo xariif ku ah arimaha ganacsiga ayaa saaxibadiis ugu cataabay in ismaaciil cumar iska daa xoolo uu xoogee balse uu xitaa nigsyadi kala baxay, waxaana Mr. Boorre carabka ku dhuftay inu iminka ku biiraayo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ka soo hor jeeda xukunka ismaaciil Cumar Geele ee doonaya iney majaxaabiyaan madaxtinimada Ismaaciil Cumar.