Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Meles Zenawi Iyo Afwerki Diifty Kala Gaartay Iyo Taladi Qoriga Oo Ku Badalay Talaabooyin Nabadeed

Sunday - March 21, 2010

Ka dib dagaal dhiig badani ku daatay oo ka dhacay xuduuda labadda dal ee Deriska ah waa Eritariya iyo Itoobiya ayaa laga dareemayaa isku soo dhawaan u dhaxaysa madaxda labadaasi wadan .

Xiriirka labadan wadan ayaa xumaa tan iyo sanaddii 1998 -2000 taasi oo dagaal galaaftay 70,000 oo ruux ay ku nafwaayeen dagaalo aan kala go, lahayn oo labadaasi Wadan u dhexeeyay . sanadadaasi

Inkastoo guddi madaxbanaan 2002 ku guulaystay daminta dagaaladii labadaasi wadan kuwaasi oo labadda wadan aanay ku qancin dhexdhexaadinta dhul-doonka ah ee qaramadda midoobay, hasa ahaate dhulkii laysku yahay ayaa loo gacan galiyay ciimadda golaha amaanka ee qaramadda midoobay iyadoo aan wali xal laga gaarin .

Toddobaadkii tagay ayaa raysul wasaaraha Wadanka Ethiopia meles zenawi ayaa dafiray inuu Eritariya u diiday kasoo qayb galka shirkii midowga afrika ee ka dhacay magaaladda Adis abab ee xarunta wadanka Ethiopia Isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo cidka kasta oo ka socota wadanka Eritariya xitaa isaias afwerki oo ah madaxweynaha wadanka Eritariya

Sidoo kalenna waxa uu Meles sheegay inay dowladiisu soo dhawaynayso xal u helidda khilaafka soo jiitamay iyo nabad kusoo dabaalista ee u dhexeeya labadda Wadan

Dhinaca kalenna waxa uu Meles sheegay inay isu diyaarinayaan wada hadal ay la galaan dowladda Eritariya ... Labaddan Wadan ayaa isku diidayn siyaasadda wadanka Somaliya oo hoy u noqotay Wadamo dana gaar ah ka leh dhulka dihan ee somalidda, Iyadoo la ogyahay in ilaa sanaddii 2007 ku nafwayay gudaha magaalada mugdisho lagu qiyaaso 21,000 ruux oo somaliya marka laga reebo ciimadda ku dirdama siyaasadda jahwareerka ah ee somaliya .