Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Madaxweyne Geelle Oo Sheegay In Aanay Ciidamo U Direynin Soomaaliya

Monday - March 22, 2010

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geele oo la hadlaayey Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in aanay Xukuumadiisa u qorshaysnayn in Ciidan nabad ilaalineed u soo dirayn dalka Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in ay jirtay guux Siyaasadeed oo tilmaamayay in bilahan  soo socda ay magaalada Muqdisho gaari-doonaan ciidamo ka tirsan  dalka Jabuuti si ay uga qayb qaatan howlaha nabad ilaalineed ay wadaan Ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixinin sababaha ka dambeysay in uu kasoo horjeesto soo dirista Ciidan nabad ilaalineed xilli Madaxda Ururka Midowga Afrika ay shaaciyeen in Dowladda Jabuuti u diyaar garowday in ay Ciidan u soo dirto Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray mudane Geele ayaa wax uu khilaafayaa hadal uu dhawaan sii dayey wasirka arimaha dibada Jabuuti md Maxamuud Cali Yusuf taas oo uu ku cadaynayey in ay u diri doonaan cidamo nabad ilaalineed dalka Somaliyada taas oo ay u qorshaysnayd in ay u diraan 450 askri oo gacan siiya ciidamada AMISOM