Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Kala Shaandheyn Wasiiro Iska Maqaar-Saar Ah Oo Ay Ku Bixi-doonaan Wasiir iibi Iyo Sh.C/qaadir

Monday - March 22, 2010

Sida ay qeexeyso heshiis ku saabsan awood qeybsi dhawaan dhex maray Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah Wal-jamaacah oo ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa in dhowaan heshiiskaas si rasmi loo dhaqan geliyo, taasoo u gogol xaareysa ku soo biirida Ahlu Sunah dhinaca Dowladda KMG oo la siiyo wasiiro muhiim ah 

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Ina Cabdi-rashiid ayaa u xaqiijiyay rag ku dhawdhaw in dhowaan Wasiiro miisaan culus ku leh dhinaca Dowladda ay weyn doonaan xilkooda, marka si rasmi loo bilaabo dhaqan gelinta tooska ah ee Heshiiskii Addis Ababa.

Xukuumada Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato isku shaandheyn rasmi oo lagu sameeyo, iyadoo Tiro Wasiiro ah ay ka heli doonaan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah oo ka mid ah awoodaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sida aanu ku heleyno Xogta Wasiirada booskooda weyn doona ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Shariif iyo ninka kale ee aan ka dheereyn Madaxweynaha Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga.

Xogtan ayaa sheegeysa in Ahlu Sunah markii hore ay dalbatay in ay hesho Ra'iisul Wasaare, hase ahaatee cadaadis Beesha Caalamka uga yimid ugu dambeyn ogolaatay, ha yeeshee waxay haatan quudareynayaan xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xilka Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka.

Ka sokow shaqsiyaadka la calaamadeynayo in ay xilkooda weynayaan, waxaa jira xubno kale oo iyana saameyneyso heshiiska awood qeybsiga, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa ku dhegan xubno uu u arko in ay laf dhabar u yihiin Dowladda KMG, sida Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Jaamac Jengeli iyo ninka kale ee Madaxweynaha dhinaca difaaca ugu dhaarto Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Jaalle Indha Cadde, kuwaasoo ay noqon doonaan lama taabtaan.

Madaxweyne Shariif ayaa weynaya garabyo muhiim u ah oo ay saaxib dhow yihiin, gaar ahaan Xubnihii ay Maxkamadaha Islaamka ka tirsanaayeen, waana caqabad Madaxweynaha soo food saareyso, iyadoo marka loo eego qorshahan ay meesha ka saari doonto xulufeysiga Madaxweyne Shariif iyo kooxdiisa Aala Sheekh, kuwaasoo noqday awooda kaliya ee haatan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku xoogan.

Ahlu Sunah ayaa dooneysa in ay soo xulato ragg rug cadaa ah oo qaarkood dibada ka imaanaya si ay ugu matalaan Dowladda wada barxan ee haatan saddex garab ka koobnaan doonta, waxaana ay il gaar ah ku hayaan qorshe hoosaayo Madaxtooyada ka socda, kaasoo ah shax siyaasadeed ay wadaan garbaha Madaxweyne Shariif.

Dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa oo la filayo in muddo bil gudahood ku dhacdo ayaa la ogeyn sida labada dhinac oo kala shaki uu ku dhex jiro uga dhabeyn karaan balan-qaadkooda, ha yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa farqaha u gelisay Ahlu Sunah lacag dhan 10-milyan oo Doolar oo lagu meel marinayo heshiiskaas.

Hadii Ahlu Sunah ku soo biirto Dowladda Soomaaliya, waxay noqoneysaa garabkii 3aad ee Dowladda ka tirsan, kadib markii sanadkii la soo dhaafay shirweynihii Jabuuti la isku mideeyay TFG-dii lagu soo dhisay Kenya iyo Isbaheysigii Dib u Xoreynta ee Casmara.