Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Afar Caruura Iyo Hooyadood Oo Odaygii Reerka Dilay Meydkiisina Gubay

Tuesday - March 23, 2010

Masar: Dalka masar afar wiil iyo hooyadood ayaa ku tashtay inay Aabahood khaarajiyaan isagoo Abaha la dilay caruurtaa iyo hooyadood kula dhaqmi jiray dacbeecad xun iyo Bakhayl-nimo sida boolisku sheegay. iyagoo waliba meydkiisiina gubay,
 
Aabahan caruurtiisa iyo xaaskiisu dileen oo 49 jir ahaa ayaa la odhan jiray Maxruus Xasan oo ka shaqeyn jirey Rinjiyeynta baabuurta ... Caruurtaa iyo hooyadood ayaa sugay inta uu Aabahood ka seexanayo iyagoo diyaar u ah. Wiilka caruurtaa ugu weyn Maxamed oo 19 jir ah ayaa hooyadii ka dalbaday inay u soo diyaariso Bir weyn si uu Aabihii madaxa ugala dhaco inta uu hurdo,
 
 Caruurtaa iyo hooyadood ayaa Aabahood mar qura ku boobay biro iyo faashash isagoo hurda halkaana ku dilay iyadoo wiilkii ugu yaraa caruurtaa oo 7 jir ahaa oo magaciisa la yidhaahdo Foosi uu qorshahaa Aabihii lagu dilayo u qaabilsanaa inuu soo iibiyo Batroolkii Aabihii lagu gubi lahaa marka ay dilaan halka ay dilkiisa ka qeyb qaaten wiilashiisa kale ee Mustafa oo 17 jir ah iyo Axmed oo 14 jira iyo hooyadood oo 39 jir ah,
 
Caruurtan iyo hooyadood ayaa meydka Aabahood ku qariyey meel guriga aan sidaa uga fogeyn iyadoo wiilkiisa ugu weyn ee Maxamed uu Mobilekii Aabihii ku iibsaday 50 Gini lacagta dalka masar, Booliska magaalada Iskandariya ayaa soo helay meydka ninkaa kadib markii lagu soo war galiyey inuu halkaa meyd yaalo,
 
Caruurtan iyo Hooyadood ayaa markii la weydiiyey sababta ay u sheegi waayeen in Aabahood maqan yahay oo la waayey u sheegay Booliska inuu Aabahood u safray magaalo kale isla markaana an la waayin. Iyadoo iminka Afartaa caruura iyo hooyadood lagu xiray saldhiga booliska ee magaalada Iskandariya iyadoo baaritaan lagu wado kadib markii meydka ninkaa lagu arkay midiyo badan oo jirkiisa ku yaala iyagoo Caruurtaasi Aabahood ku dilay inuu Ku qeyliyey isla markaana uu u diiday lacag ,