Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Shiikha Azharka-ka Cusub Ee Masar Oo Loogu Baaqay Inu Iska Casilo Jagada Loo Magacaabay

Wednesday - March 24, 2010

Gudoomiyihii hore ee Golaha Fatwada Jaamacada Al-Azhar ayaa ka dalbaday Sheekha Cusub ee Jaamacada Dr. Axmad al-Tayib inuu iska casilo Xisbiga talada haya ee dalka Masar isagoo sheegay inay talaabadaasi keenayso in Al Azhar lagu kalsoonaado.

Azharka ayaa ah Jaamacada ugu weyn ee soo saarta Mashaa'ikhda ugu weyn caalamka Islaamka iyadoo sidaasoo kale ay soo saarto in ka badan 5,000 oo fatwo Isbuuc walba. Sheekh Axmad al-Tayib oo ah nin aad ugu dhow madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubarak gaar ahaan wiilkiisa jamaal ayaa isagu ka tirsan Golaha Fulinta Siyaasada ee Xisbiga talada haya ee Masar. Golahaasi ayaa ka kooban 10 ruux oo kaliye oo uu Mubarak gudoomiye u yahay.

Al-Tayib ayaa mar dhow loo magacaabay Sheekh-nimada Al-Azhar kadib markii uu geeriyooday Sheekii hore ee Al Azhar Muxamad Sayyid Tantawi isagoo ku sugan magaalada Riyadh ee cariga Sucuudiga, kaasoo lagu duugay Qabuuraha Baqiic ee Madina al-Munawwarah oo in badan oo Saxaabadii Nabiga (nnkh) ay ku duugantahay.

Dad badan ayaa sugayey in Sheekha Cusub ee Al Azhar uu noqdo Muftiga Masar Dr Muhamaxd Gomaa (Jumca) balse Madaxweynaha ayaa door biday al-Tayib oo isago aad ugu dhow.

Tani ayaa dad badan ku dhalisay inay ku doodaan in Muslimiinta caalamka kalsoonida kala laaban doonaan Al Azhar hadii loo arko in Sheekha cusub ku helay jagadaasi la ogaado inuu xisbiga talada hayo ka tirsanyahay oo kaliye.

Shiikh Al-Tayib ayaa isagu diiday inuu iska casilo xisbiga, isagoo sheegay inaysan waajibaadka helida Sheekh-nimada Al Azhar aysan ka mid ahayn inuu ruux mucaarad ku noqdo kuwa talada dalka haya.

Dawladi Turkiga Ee Cusmaaniyiintii ka talin jiray Masar ayaa iyagu jagada Sheekh-nimada Al Azhar abuuray. Jagadaasi oo markii hore ahaan jirtay mid xoriyad wadata ayaa haatan noqotay mid lagu helo u dhawaanshaha taliska Masar.

Sheekha weyn ee Dr Yusuf al-Qardaawi ayaa isagu ku dooday in la soo celiyo doorashada Sheekha sidii caadada ahayd oo meesha laga saaro soo magacaabida madaxweynaha sida hadaba dhacday.