Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - March 25, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Fasax Gaaban Galay Awgeed waxaa maanta Casharka halkiisi ka soo gudbindoona bahda Web-kaan oo idin soo aruurisay.

Ujeeddo Casharka Maanta: Su'aal Iyo Jawaab Diini Ah  

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii ugu horeeyay oo yiraahda aniga ma’aqaano sida ay dhaxal u qaadaneyso Ayeeyo?
1-Jawab: Waa Abuu bakar Rc.
2-Su’aal Sheeg Nebi (NNKH) iyo Abuu Bakar ninkii cayrsaday magaciisa markii ay hijroonaayeen?
2-Jawaab: Waa Suraaqa Bin Maalik.
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii bilaabay labada ragacadood ee qofka la-dilaayo Tukado?
3-Jawab: Waa Qubeyd Bin Cadi Rc.
4-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa xididka wadnaha dhiigga ku soo celsha?
4-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Veins.

5-Su’aal Sheeg Asxaabigii soo Islaamiyay Tolkiisa oo idil?
5-Jawab: Waa Abuu Dar Al Qifaari Rc.

6-Su’aal Sheeg Yaa ugu soo hor Islaamay reer Madiina?
6-Jawab: Waxa ugu soo hor Islaamay Sacad Bin Suraara Rc.

7-Su’aal Sheeg mid kamid ah xaasaskii Nebiga (NNKH) oo Hooyadeed geeriyootay iyadoo aanan Islaamin?
7-Jawab: Waa Zeynab Bintu Jaxsha Hooyadeed.

8-Su’aal Sheeg mid kamid ah Eedooyinka Nebiga (NNKH) oo geeriyooday iyadoo aanan Islaamin?
8-Jawab: Waa Maymun Bintu Cabdil Mudalib.

9-Su’aal Sheeg Wiilk Abii Lahab ee Islaamay marka laga reebo Cudba?
9-Jawab: Waa Muctab Ibnu Lahab.

10-Su’aal Sheeg magaca loo-yaqaano naag (Dhidiga) Libaaxa?
10-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Gool.