Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Seef La Bood Soomaali Oo U Xayd-xeydaneysa Iney Qunbulado Qarxyo Ka Fuliso Meelo Ka Mida Israaiil

Sunday - May 2, 2010

Sida ay carbaabeen saxaafadda ka soo baxda dalka yuhuudda ayaa daabacday in dad u dhashay Somaliya ay Al-qaacida tababar gaara ku siinayso waddanka Yeman, oo ay ku carbiyaan goobo qarsoon 

Waxayna wargeysyadu ay sheegeen in argagixisadaas tababaran la doonayo in loo soo gudbiyo gudaha waddanka Israa’iil si ay uga fuliyaan qunbulado qaraxyo ismidaamin ah 

Waxaa kale oo warbaahinta Israa’iil intaa ku dartay in dadkan Somalida ah ee Al-qaacida ku tababarayso Yeman la soo marin doono waddanka Itoobiya ama ay ka soo gudbidoonaan saxraha uu dhaxeya Masar iyo Israaiil iyagoo laga dhigayo falaashadii Itoobiya ama daah looga dhigayo magac tahriibayaal jiidkaas soo maray kadibna la doonayo inay sidaas ku soo galaan gudaha waddanka Israa’iil.

Tallaabadaan iyo warbixinadaan ay qoreen jaraaidka israaiil ayaa cabsi badan iyo jiif qaban-waa ku abuurtay shacabka waddanka Israa’iil, isla markaana madaxda Israa’iil ay sheegeen inay si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda waddanka Yeman.

Haseyeeshee Bulshada Somalida ah ee ku dhaqan Yeman ayaa hadalkan ku tilmaamay been abuur aanay waxba ka jirin oo lagu doonaayo in lagu takooro shacabka qaxootiyeed ee soomaalida ee carigaas Yamen ku silicsan