Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shacabkii Sacuudiga Oo Ku Abuurantay Caro Meela Ay Ka Baxdo La' Kadib Markii Boqor Cabdalla Uu...

Monday - May 3, 2010

Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa maalmo dhaweyd bogooda hore ku daabacay sawir, kaas oo ay ka dhex-muuqdaan Boqor Abdullah bin Adbulaziz iyo ninka iska leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Sultan bin Abdul-aziz oo la sawiran haween aad u badan kuwaas oo badankood wejigu u furan yahay isla markaana dhoola caddeynaya.

Munaasabada sawirka ayaa ahayd Siminaar ku saabsanaa caafimaadka iyo arimaha bulshada kaas oo ka dhacay magaalada Najraan, sawirka ayaa la qaadey 8 – 10 bishii April lamana garanaayo sababta maalmo dambe loo daabacay maadaama uu ahaa todobaadyo ka hor.

Sawirka ayaa durba dhaliyey dood isugu jirta dhaliil iyo rajo, dalka Sucuudiga waxaa ka xaaramsyan in raga iyo dumarku is dhexgalaan, sidoo kale culimada waaweyn ee sucuudigu waxa ay qabaan in haweenka wejigoodu yahay cawro oo ay tahay in ay qariyaan, sawirku waxa uu muujinayaa labada nin ee ugu awooda badan dalka Sucuudiga oo ka talaabsadey sharcigaas, waxayna uu muuqata in ay soo wadaan isbadal-doon lagu doonayo in xakameynta dumarka la dabciyo waayo Niqaabka illa iyo hadda culimada iskuma wada raacsana oo in badan ayaa aaminsan in niqaabka uusan ku cadeyn Quraanka, waxaana fikirkaas si aada uu hor booda culimada Azharka.

Dhanka kale wadamada reer Galbeedka iyo ururada u dooda xuquuqda haweenka ayaa aaminsan in tani tahay rajo wanaagsan, taas oo muujineysa sida dawladda Sucuudigu isu soo badalayso isla markaana ay calaamad u tahay in doorka haweenku soo baxaayo.

Sanadkii la soo dhaafey ayaa Boqor Cabdallah waxa uu furey jaamacad aad u weyn oo lagu barto cilmiga sayniska, jaamacadaas ayaa waxbadan ka badalan kuwa kale waxaana sahlan is dhexgalka