Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ahlu-Suna Oo Faganeysa Indha Shareerka Hawen Iyo Shabaab Oo Ku Sheegay Baadilnimo Shareecdu Shuuftay

Tuesday - May 4, 2010

Ciidamada Ahlu Sunah ee ku sugan magalaada Muqdisho ayaa bilaabay maanta waji cusub oo baritaan ah kaasoo la xiriira inay haweenka u diidaan inay xirtaan indho shareerka iyagoo xoog kaga fiiqa indha shareer haweenka ay ku arkaan.

Waxaa maanta lagu arkayay goobaha ay ka taliyaan ciidamada Ahlu Sunnah inay kala soo dageyeen gawaarida dadweynaha haweenka xiran indha shareerka islamarkaan ay ku amrayeen inay indho shareerka iska dejiyaan oo wajigooda la arko.

Tani ayaa waxa ay dhib weyn ku keentay haweenka xiran indho shareerka oo u arka in xurnimo aan loo siinin iyo madax banaani inay xirtaan indho shareerka oo noqday haatan mid mamnuucidiisu ay ka socoto qeybo ka mid ah dunida siiba dalalka reer galbeedka.

Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa ku andacoonaya inay sababtu ah arimo la xiira amaanka islamarkaana ay doonayaan inay kala ogaadaan qofka indho shareerka xiran inuu dumar yahay ama rag yahay tasoo mararka qaar ay dhacdo in xirtaan raga doonaya inay fuliyaan qaraxa lala eegto dowlada KMG iyo asxaabteeda.

Saameynta ay Ahlu SUnnah ku yeeleneyso magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhihi karaa inay tahay mid sii balaaraneysa waxaana haatan ciriiri xoog leh uu soo food saaray haweenka oo hadii ay maraan aagaga ciidamada Ahlu sunnah laga fiiqayo indho shareerkoodii, hadii ay tagaan aagaga Al shabaab laga doonayo inay xirtaan indho shareerka.