Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

A.Madoobe Oo la Tiic-Tiicay Sidi Murugo Haweyn Marku Bog Iyo Baabaco Ku Loodin Waayey Shariif Sakiin

Wednesday - May 5, 2010

Mogadisho: Warar xog ogaal ah oo aan ka soo xiganay shakhsiyaad iyagu xiriir toosa la leh qasriga madaxtooyada ayaa wax yar noga iftiinshay galgalashada iyo xagxagshada siyaasadeed ee golaha baarlamaanka ka socota, waxayna carabka nogu dhufteen in ugu dambeys uu madaxweyne shiikh Shariif iyo wasiirka maaliyada Shariif Sakiin ay isla meel dhigeen in xilka gudoomiyaha baarlamaanka loogu faataxeeyo Shariif Sakiin oo ujeedada ka dambeysa ay tahay inu isbaaro uu dhigo xildhibaan kasta oo mustaqbalka doonaaya inu keeno mooshin looga faramaroojiyo madaxtinimada Madaxweyne Shiikh Shariif.

Wararka ayaa intaa sii raaciyey in xildhibaano ku cad cadaa casilaada madaxweynaha qudhiisa lagu qanciyey sooryo aysan ka didin, oo ay halkaas ku dabreen doodi lala damacsanaa madaxweynaha waliba ay ku taageeraan Shariif Xasanka loo yaqaano Shariif Sakiin hindisaha sharaxaadiisa gudoomiyaha baarlamaanka. 
Waxaa kalo warku tilmaamaya in Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Sheekh Aadan Madoobe uu boorsooyinkiisii xir xiranaaya kadib markii uu cadaadis xoogan kala kulmay mudanayaasha barlamaanka Somaliya.

Aadan Madoobe oo la sheegay inay talo oo dhan ku xumaatay ayaa waxay wararku ku soo waramayaan inuu noqday nin niyad jabsan bacdamaa uu garab ka waayay xildhibaanada Digil iyo Mirif, oo ay sheegeen in jagadaasi Uu ku fir fircoon yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kalsoonidii ugu danbeysay ka heysta dhanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed, iyadoo shaqsiga kaliya ee sida shabeelka isha dabaya uu ahaa Maxamed Qanyare Afrax, isna waxaa la sheegay in afka loo-buuxiyay, taasoo ka danbetsay inuu ka daba qaato Sheekh Adan Madoobe.

Si kastaba ha’ahaatee madaxdii wax u qaban laheyd shacabka masaakiinta ah ee ku baaba’eysa gaar ahaan magaaladda Muqdisho, ayaa waxay ku mashquulsan yihiin jago, iyagoo wacad ku maray inay wax u qaban doonaan dadkaasi dhiban, xilli aysan muuqan wax-qabashadii ay balan qaadeyn.