Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Waa Casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - May 6, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Mid Ka Mida ee caafimaadka .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta:  Waa Dhameystir Maqaalkii Jimcihi Hore... Cudurada Ku Dhaca Haweenka Oo Qaarkood La Wadaagaan Raga.

Waxaan ku Bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Caafimaad waa naxariis weyn oo Allah ugu deeqay adoomadiisa, waxa waajib ku ah in wax badan loogu mahadsho

Burada ku beeranta Naaska dumarka, waa kansarka ugu badan ee ku dhaca dumarka, sida ay sheegeen tirakoobyada, sideedii dumar ah mid ka mid ah inta ay nooshahay Allah wuxuu ku imtixaani Kansarka ku dhaca naaska, dalka Mareykanka oo qura sanad walba tiro gaareysa 15 million oo haween ah baa arin ku saabsan burada naaska ula xiriira takhaatiirta, tiro gaareysa 190 kun oo haween ah sanad walba waxa laga helaa burada naaska markii ugu horeysay, hadii laga qaado baaritaanka loo yaqaan Biopsy, 5 ilaa 10 haween inta u dhexeysa mid ka mid ah waxa laga helaa kansarka naaska. Sheegashada ugu badan ee dumarka ula xiriiraan takhaatiirta waxa weeye xanuun ay ka dareemaan naaska ama dhacaan aan caadi aheyn oo ka yimi Ibta naaska.

Guud ahaan burada ku beeranta naaska dumarka waxa loo qeybshaa kuwo aan halis aheyn oo dhib badan ka iman, inta badan ku kooban meesha ay kaga beeranto naaska, waxa loo yaqaan (Benign), iyo nooc kale oo halis ah dhib badan ama ugu dambeynta dhimasho keena, noocan dambe waxey weerar ku qaadaan marka hore naaska inta burada ku hareersan, kadib waxey u gudubtaa qanjirada loo yaqaan (Lymph Nodes).

Kuwa hore ee aan halista aheyn waxa ka mid ah FIBROCYSTIC BREAST CANCER, Calaamadaha ugu badan ee lagu arko bukaanka waxa ka mid ah xanuun naaska laga dareemo usbuuc ka hor inta aan caadada iman ilaa caadadu ka dhamaato, xanuunka waxa inta badan laga dareemaa labada naas, waxa kaloo lagu arkaa barar iyo dhacaan cagaar xigeen ah oo ka yimaada ibta naaska, waxa ugu badan oo sababa, waa dhacaanada loo yaqaan Hormones oo is bedel ku yimaado, waxa lagu arkaa bukaanka naaska oo buux ay ka dareemaan, iyo Xanuun marka caadada usoo dhowdahay, waxa dhici karta in naaska Ibtiisa dhacaan ka yimaado dumar qaarkood, waxa lagu lagu hubiyaa in waxa haya bukaanka uu yahay cudurka noocan ah, marka Cirbad lagu mudo burada oo laga soo dhuuqo dhacaan iyada oo la kaashanayo (Ultrasound) iyo (Mammography). Waxa lagu daweeyaa buradan, iskujir labo dawo oo kala ah (Estrogen) tayo yar, iyo (Progesteroon) Tayo badan sida (Medroxyprogesterone Acetate) 5 ilaa 10 mg maalintii laga bilaabo maalinta 15naad ilaa maalinta 25naad ee bisha, waxa kaloo marar qaarkood la isticmaalaa marka xanuunka naaska aad u daran yahay, dawo loo yaqaan (Danazol) 100 ilaa 400 mg maalintii 3dex ilaa 6 bilood, waa dawo waxyeelo dadban (Side Effect) leh isla markaana qaali ah, waxa kaloo la isticmaalaa dawada loo yaqaan (Tamoxifen) 10 mg laba goor maalintii 3dex ilaa 6 bilood.

Nooc kale waa FIBROADENOMA, waa kuwa ugu badan ee loo yaqaan (Solid Benign Breast Tumors), wuxuu inta badan ku dhacaa haweenka da'doodu ka yartahay 25 sano, waa nooca ugu badan ee ku dhaca naaska dumarka kuwa aan halista aheyn, waa buro aan laheyn xanuun, aad u kooban, si fudud dhaqdhaqaaq u sameysa, waxa lagu daweeyaa (Biopsy).
 
Noocyada halista ah waxa ugu badan ee laga helo naaska dumarkaa waa midka lagu magcaabo (Infiltrating Ductal Carcinoma) oo la mid ah 70 ilaa 80 boqolkiiba, dhamaan kansarka ku dhaca naaska, arimaha sahla ama u gogol xaara waxa ka mid ah:
1)- Dumarka ka tirsan qowmiyadaha midabkoodu cadaanka yahay (White Race).
2)- Dumarka da'doodu ka sareyso 50 sano.
3)- Hadii cudurku horay ugu dhacay qof ka mid ah reerkeeda (Hooyo ama gabar Walaal la ah), weliba hadii kansarka naaska uu saameeyay labada Naas ama ku dhacay haweeneyda ay qaraabada la tahay iyada oo da'deedu aysan gaarin 45 sano.
4)- Hadii horay taaarikh cudur uu u jiray sida (Kansar ku dhacay ilmo galeenka, ama kansaro nooc kale ah oo naaska ku dhacay, iyo hadii horay naaska kale kansar kaga dhacay).
5)- Hadii caadadu ku dhacday 12 sano inteysan gaarin (Early Menarche).
6)- Hadii uurkii ugu horeeyay ay ku qaaday 35 sano ama ka badan.

Kansarada noocan ah waxa lagu daweeyaa Qaliin la raacsho Radiation ama Chemotherapy oo ah in la siiyo bukaanka dawada unugyada kansarka lagu dilo, midaa oo si gaar ah loogu daweeyo haweenka laga helo qanjiro uu saameeyay kansarka, buraduna ka yartahay 4 cm balaca.

Waxa kaloo jira kansaro kale oo ay ka mid yihiin: Introductal Papilloma, waa buro xajmi yar oo jilicsan inta badan ka beeranta hoosta ibta, sida badana dhacaan dhiig ah kasoo dareero ibta naaska, waxa lagu daweeyaa qaliin iyada oo la adeegsado Mammogram ama Ductogram baritaanada loo yaqaan.

Guud ahaan waxaan ugu baaqayaa oo ku dhiiri gelinayaa haweenka soomaalida iney bartaan oo sameeyaan baaritaanka Naaska loo yaqaan (BREAST SELF EXAMINATION) oo ah iney baarto naaskeeda, marka ay ku aragto wax isbedel ah ama wax u eg buro si deg deg ah ula xiriirto takhtarkeeda.

Sidoo kale dhamaan dumarka da'doodu ka sareyso 40 sano, sanadkii mar waxa waajib ku ah iney la xiriirto takhtarkeeda si uu u baaro in wax isbedel ah naaska kaga yimi, haweenka da'doodu ka sareyso 50 sano waa in sanadkii ama 2dii sano ay sameyaan baaritaanka Mammography, si hadii buro naaska ku beeranto intey cusub tahay oo aysan u gubdin jirka intiisa kale wax looga qabto, si looga badbaado waxyeelo daran ama dhimasho soo degdegta, tii Allah waa meesheed.

Sida la dareemayo way fara badan yihiin burada haleesha naaska dumarka, hase yeeshee waxaan ka tilmaamay oo ku ekeyay kuwa ugu badan, qofkii doona inuu wax gaar ah ka ogaado wuxuu ka heli karaa kutubada caafimaadka. Qofkii su'aal gaar ah qaba oo ku saabsan maqaalkan, wuxuu iigu soo hagaajin karaa e-mailka ii gaarka ah [email protected], Allaha xaqa lagu caabudo waxaan ka baryayaa inuu naga badbaadsho wixii dhib u keeni kara jirkeena ama maxkaxdeena.

Hadii aan la helay waa Allah mahadii oo qura, hadii aan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda.

Abu Yusuf