Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ahlu Suna Oo Dardaaran Digtoon Iyo Digniin Culus Siisay Axmed Cabdi Salaam Intuusan La Tagin Dooxu

Friday - May 7, 2010

Ninka la yiri Siyaasadu fadhibaradka Ku yahay ee Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan Oo ka mida budhigayaasha Fikirka iyo dhismaha Uururka ahlu Suna oo lagu tilmaamo inu yahay nin damac iyo darajo sare doon ku loobiya ayaa la sheegay inu noqday shaqsiga caqabadda ku noqday Heshiiska Addis Ababa ay ku soo kala saxiixdeen Ahlu sunna iyo Dowladda federaalka.

Dhawaan ayaa xubno ka tirsan Ahlu sunna ee Gobolada dhexe waxa ay shaaca ka qaadeen in Heshiiskii Ahlu sunna iyo dowladda uu markasta ku bur buro kadib markii ay soo dhex galeen gacmo siriq qoolaya iyagoo xukuumadda shariifna ay tashiga la wadaagaan oo dano ay leeyihiin awgeed ku taageera .. anagana nagu wada qawda maqashi waxna haw qaban , madax muuqda iyo majo qarsoon .. khamaarka uu ciyaarayo ina Cbdisalaam looma fadhiyo iney tahay mid faaiido leh ayey ku eedeyeen siyaasigaas.

Shuushuu ayaa markii hore arintaan waxaa lagu eedeynayay dhowr qof oo indhacadde laga carabaabay, waxaase maanta la soo shaaciyay in ninka labaad ee jigraarka iyo caqabadda ku ah arrintani uu yahay Soomaali - Canadiyaan lagu magacaabo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo naanaadiisa ay markasta balaayo horseeda ayey yiraahdeen.

Axmed C/salaan habaaska uu kicinaayo iyo dilaalka uu cunay awgeed ayaa doonaya in Magaca Ahlu sunna isaga oo adeegsanayo in xil weyn uu ka qabto dowladda shiikh Shariif, isla markaasina magacaasi uu si dadbadan ugu qaraabto taasi oo si weyn ay uga horyimaadeen Ururka Ahlu sunna kana soo horjeestay, ayey warkooda ku dareen.

Waxay kalo xubnahaas ahlu suna ka digeen in Qurba joogtada ay tahay iney hagardaamo iyo xulefeysiga hoose ee duminta ay ku shaqeeyaan laga wanaagsan-yahay, waa lagama-maarmaan in ruux kasta oo ku taagan tubta qaldan, aragtidiisuna siineyso in uu isagu keligi sax yahay, lagu baraarujiyo lana dareensiiyo in aqoon iyo ogaalba jiro .. sidaas awgeed ayey yiraahdeen ma jirto wax laysu qarinaayo ee xaalku waa aloow ray iyo aloow roonaa, waxaana markasta ingu waajib ah sidi wada jir wax loogu qaban lahaa, oo qaladaadkii shalay wax laga barto ayey hadalkoodi ku soo gabagabeeyeen.