Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shariif Sakiin Oo Duu-duub Ku Liqay Dhaqaalihi Lagu Soo Saari Lahaa Baasaboorada Iyo Dadkii Oo ...

Sunday - May 9, 2010

Baasaboorka Dowladda KMG ee E-Passaport ayaa muddo ku dhow saddex bilood laga la'yahay Magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii horay u goostay ay ka rajo dhigeen in Baasaboor ay heleen, kadib markii dhaqaalihii lagu soo saari lahaa Baasaboorka ay guratay Wasaarada Maaliyada.

Sida caadada ah dadka qaata Baasaboorka ayaa lacagaha waxay dhigaan Xawaalada Dahabshiil, halkaasoo waraaq cadeyn ah ay ka soo qaateen, waxayna dabadeed 5-doolar ku dhiibaan Migreeshinka.

Boqolaal ruux ayaa ilaa iyo hada ka maqan Baasaboorka ay doonayeen in ay goostaan, waxaana dadkaas wal walka weyn ee haya uu yahay, iyagoo aanay faro ku heyn Baasaboorka, iyo lacagtii qidmada aheyd oo laga hormarsaday.

Wasaarada Maaliyada ayaa si toos ugu dhacdaa gebi ahaan lacagaha Baasaboorka ee la geeyo Dahabshiil, iyadoo caqabadaha hada jira uusan ka marneyn Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dad badan hada la yaaban yihiin hab dhaqankiisa.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow ayaa qaati ka taagan Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan oo leexsaday awoodii maamulka Magreeshinka, waxaana ka sokow lacagaha Wasaaradiisa ay dal dalatay hadana aysan jirin ilaa iyo hada Baasaboor la soo daabacay.

Laakiin arrinta kale ee is weydiin mudan ayaa ah in Shariif Xasan uu xataa uu agaasime uga dhigay wiilkiisa lacagaha laga soo xareeyo Baasaboorka, gaar ahaan Safaarada Dubai ay ku leedahay Dowladda Soomaaliya oo hada ah meesha 3aad ee lagu bixiyo Baasaboorka.

Magaalada Nairobi oo iyana laga bixiyo Baasaboorka ayaa qarka u saaran in ay xiranto, kadib markii iyana laga waayay wax baasaboor ah, tiiyo ay jirto in boqolaal ruux ay wali ka maqan yihiin Baasaboorka.

Arrimahan Sumcad xumida ah oo uu soo jiiday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dad badani rumeysan yahay inuu yahay maskaxda maamusha Xafiiska Madaxweynaha oo sidu doono maamulka ugu tagrifalo.