Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Komishinka Doorashada Somaliland Oo Codsaday Wax Ka Badal Xeerka Doorashada Iyadoo Waqtigi Ka ...

Monday - May 10, 2010

Hargeysa :From Waaheen Source - Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in wax laga bedelo qodobo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada iyadoo wax yar uuni ka hadhsan tahay wakhtigii ay ugu talagaleen inay Doorashada ku qabtaan

Qoddobada ugu waaweyn ee ay soo dalbadeen in waxka-bedel lagu sameeyana waxa ka mida wakhtiga Ololaha Xisbiyada oo ahaa 45 cisho ayay soo codsadeen in 22 cisho lagu soo koobi maadaama aanay iswaafaqayn wakhtiga kutalagalkooda ee bisha June iyo wakhtiga hadhay oo aad u kala badan

Sidoo kale waxyaabaha wax-ka-bedelka u baahan ee ay soo dalbadeen waxa ka mid ah lacagta Carbuunta ah ee laga qaado musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxtinimada oo dhamayd Hal Milyan, way soo kordhiyeen oo waxay ka dhigeen lacag dhan Xisbigiiba Musharixiintooda Shan Milyan

Wax-ka-bedelkan waxa ay u soo gudbiyeen Xukuumadda, isla maantana waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland u soo gudbiyay Golaha Wakiiladda si loo Ansixiyo si Doorashada loogu galo

Ilaa hada ma cada wax-ka-bedelka Xeerkan oo Labada Gole Baarlamaan marayaa inta uu qaadan doono maadaama Mudanayaasha labada Gole dood ka yeelan doonaan sidii la isku waafajin lahaa qodobada la bedelayo.

Tusaale ahaana waxa uu Xeerkani saamaynayaa Xeerka Diiwaangalinta oo loo baahan yahay isna in la waafajiyo maadaama hore wax ka bedel xeerkan Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer No: 20 loogu sameeyay oo Lifaaq qaar ka mida qodobada wax laga bedelay la raaciyay