Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

General Maxamed Cali Samantar Oo U Muuqda Mid Ka Bad Baadi-Doona Dambiyada Lagu Soo Rogay By ...

Friday - June 4, 2010

Genaral Maxamed Cali Samatar ayaa wuxuu dhashay sanadkii 1931-kii, isagoo dalka Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, kadib markii uu dalka Soomaaliya uu ahaa mid kamid ah wadamadii caalamka ugu amniga sareeyay.

Xilligii burburka dalka Soomaaliya kadib ayuu mangalyo siyaasadeed uu ka helay dalka Maraykanka, isagoo wixii xilligaasi ka dambeeyay ku noolaa wadanka Maraykanka.

Hadaba in dhawaanba waxaa dacwad la-daba taagnaa dad-yahow kasoo jeeda waqooyiga dalka Soomaaliya, iyagoo isku magacaabay dowladda ka dhan ah dalka Soomaaliya, taa oo loogu magac daray Somaliland.

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa maalin kahor ogolaatay in Janaraalka lagu soo oogi karo maxkamad, iyadoo ay taasi ka careysiisay malaayiin Soomaali ah oo ku kala nool daafaha caalamka, gaar ahaan kuwa Maraykanka, iyagoo ka careysan maxay tahay ujeedada kaliya ee loo-ugaarsanaayo Mudane Samatar, xilli ay nool yihiin qaar ka tirsan madaxdii dalka Soomaaliya, kuwaa oo iyana loo-heysan wax dambi ah.

Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa wareysi dheer siiyay Telifishinka caalamiga ah ee CNN-ka, wuxuuna sheegay si walba oo maxkamad loo-saaro Janaral Maxamed Cali Samatar, aysan kusoo bixi doonin wax marqaati ah, isagoo sheegay inaysan jirin shaqsiyaad cadeyn kara in Mr Samatar uu jirdil u geystay dadkii iyaga soo dacweeyay, ama aysan jirin shaqsiyaad kale oo cadeyn kara xilliyadii dadkaasi la-jirdilaayay inuu Maxamed Cali Samatar uu ku sugnaa goobtaasi.

Wuxuu kaloo uu intaasi ku daray dowladda Maraykanka inay si’aad ah ula socotay dhaq dhaqaaqii ka socday dalka Soomaaliya, isagoo mar kale ku celiyay inaanan Samatar lagu heli doonin wax marqaati ah, taa oo sababi doonto buu yiri inuu mar kale dalka Maraykanka ugu noolaado si xurnimo leh, haddii ay soo baxaan buu yiri dad iyago rabshado la-daba taagan Maxamed Cali Samatar, waxaa balan ah buu yirin in ciidmadda ammaanka ee gobolka Virgina ay talaabo ka qaadi doonaan.

Dhanka kale waxaa jira kumaakun oo Soomaali ah oo ku dhaqan guud ahaan dalka Maraykanka, iyagoo iskugu imaanaaya gobolka Virgina, sidii ay u difaaci lahaayeen Janaral Maxamed Cali Samatar, xilli ay ka daba timid da’.

Isku-soo wada-duuboo Hadalka kasoo yeeray sarkaalkaan sare uu u dhashay dalka Maraykanka ayaa wuxuu farxad gelinayaa malaayiin Soomaali ah oo si’aad ah uga xun maxkamadda lasoo taagi doono Janaraalka ----- Wariye Xanaan Ciise ...Toronto, Canada