Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Socdaalka Ay Clinton Ku Soo Mareyso Latin America Ayaa Dad Badani Sugayaan In Ay La Kulanto ...

Tuesday - June 8, 2010

Peru, Lima: Xoghayaha Arrimaha Dibbada ee dalka Mareykanka Hillary Rodham Clinton ayaa socdaal ku kala bixineysa dalalka laysku yidhaahdo Latin America iyo kuwa Caribbean-ka halkaas oo ay ku sugayaan dad badan oo kulamo dhexmari doonaan, si loo soo gabagabeeyo dhibaatooyinkii kacdoonkii sanadkii hore ka dhacay af-genbigii dalka Honduras, dawladda Mareykanka arimaheeda la xidhiidha siyaasadda laanta socdaalka, arrimaha nabadgeliyadda guud ahaan iyo kuwa khuseeya Bariga dhexe iyo dalka Iran.

Clinton waxay axadii soo gaadhay Lima caasimada dalka Peru waana markii toddobaad ee ay socdaal gobolka ku tagaan dublamaasiyiin sarsae oo dawladda mareykanka ka socda. Waxaa ka mida arimaha jadwalka ugu jira shir ay la yeelan doonto dhammaan Hayadaha ka socda gobolada Mareykanka oo la yidhaa magacooda marka la soo gaabiyo OAS, iyadoo sida la filaayo marka dambe ku hakan doonta dalalka Ecuador, Colombia iyo Barbados. Ahmiyadda laga leeyahay waxay tahay, saraakiil ayaa sheegay, inuu welwel iyo walaac badani ka hayo maamulka Obama ballanqaayadii uu u fidiyey nus-dhulka dhinaca galbeedka(western hemisphere) iyo caawinta dumuqraadiyadda.

Mawduuca ugu dood badan ee soo wajahi karaa waa ka hayadaha gobolada mareykanka {OAS}, waa in isku mid loo arkaa dawladaha ay isku qaabka yihiin Honduras iyo in kale. Arrintani kuma jirto kulanka maalinta Isniinta ee sanadlaha hayadaha gobolada mareykanka (OAS) kulankood guud ee lagu qabanaayo Lima. Hayeeshee waxay noqoneysaa welwel ballaadhan oo go’aanka saameyn doona, dhinaca mareykanka caqabado tiro badan ayaa kaga imaan kara xubnaha wadanada kale ee ay khuseyso.

Dawladda Mareykanku waxay dooneysaa inay dawlada Honduas ogolaato taageerto hayada doorashada wakhtiga doorashooyinka soo socda, waa hayadii keentay madaxweynaha Mr. Porfirio Lobo, awooda dalkana la wareegay kadib inqilaabkii June 2009 ee dibada ka dhigay madaxweynihii ka horeeyey isagoo wadanka ka maqan Mr. Manual Zelaya. Dawladaha kale inta muhimka ah Brazil, Venezuela iyo Nicaragua ayaa khilaafsan kuna adkeystay Zelaya in loo ogolaado wadankiisa inuu ku soo noqdo marka hore.

“Madaxweyne Lobo wuu fuliyey arin kasta oo uu yidhi waan sameynayaa”. Clinton aya u sheegtay weriyayaasha axaddii. ” wuxuu aad daacad uga yahay sii wadidda siyaasadda lagu midoobaayo”.
Artura Valenzuela, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada u qaabilsan arrimaha dhul-nus dhinaca galbeed ayaa caddeysay maalintii Jimcihii ” waxaa weli socda waxyaalo khuseeya ku xad gudubka xuquuqda aadamiga oo ka dhacaaya wadanka Honduras, waxaana habboon in arimahaa tallaabooyin laga qaado si ay u suurta-gasho in la helo nidaamkii xukuumadda lagu aqoonsan lahaa.”

Waxaa kale oo si weyn u khuseeya reer Latin America sharciga cusub ee laanta socdaalka Arizona, taas oo dadka badh rumeysan yihiin inay dabada ku heyso midab kala sooc. Tan lafteeda may ku jirin kutalagalkii hore ee kulanada Clinton, haddana waxay ku qasban tahay inay ka dhegeysato dadka shirka kala soo qeybgelaaya, inkasta oo Madaxweyne Barak Obama sharcigaas mar uu ka hadlay ku tilmaamay ” waa qiyaas raqiis ah” weliba uu raaciyey ” maaha jidkii toosnaa ee loo mari lahaa”.

Hayadaha OAS xoghayaha guud Mr. Jose Miguel Insulza wuxuu ku sheegay sharcigaas ” waa arrin khuseysa dhamaan wadaniyiinta mareykan ( koonfur iyo waqooyiga qaarada mareykanka), oo laga bilaabay wadaniyiinta dalka mareykanka”. Dhamaan dawladaha kale wey ka cowdeen aadna wey uga qeyliyeen arintaas.

Waxay si gaara u garab wadi doontaa kulankeeda Clinton iyadoo rajo ka qabta inay ku caddaadiso taageero ay inay ku siiyaan ganaaxyo cusub oo Iraan lid ku ah arimaha la xidhiidha barmaamujkeeda nuyuukularka. Brazil oo hore ugala shaqeysay Turkey-ga nidaamkii ay ku burinayeen heesh ganaax lagu saaro Iraan kana hor-istaaga ganaaxyo hor leh.
Brazil, oo iyadu diidan ganaaxyada qaramada midoobay ee Iraan ku lidka ah, ayaa ah xubin loo soo doortay golaha nabadgelyada qaramada midoobay, halkaydawladda mareykanku ka rajeyneyso in la sameeyo markii afraad go’aano lagu cuna-qabateynaayo Iraan oo loo codeyn doono maalmaha soo socda.
Peru, waxay uga ambabixi doontaa Clinton socdaalkeeda dalka Ecuador oo wada hadal ay la yeelan doonto Madaxweynaha dalkaas Mr. Rafael Correa una gudbin doonto khudbad sharxaysa wuxuu siyaasadda ballaadhan maamulkooda kaga aadan gobolka, taas oo u baahan in aad xooga loo saaro sidii loola dagaalami lahaa ganacsiga maan-dooriyayaasha.

Axaddii, Miss, Clinton waxay carabka ku dhufatey xaalada dalka Jamaica, halkaas oo bishii hore jidadka dagaalo ka qarxeen lagu dhintay markay dawladu ay baadigoobka ugu jirtay kuwa la rumeysan yahay inay ku awoodeysteen ganacsiga maandooriyayaasha. ” xataa dawladihii nidaamada siyaasadeed ee caadiga ah lahaa , booliskooduna xirfadaha iyo tababarada qabay, ciidamada qalabka sidaana ay si fiican u hubeysnaayeen ayaa la kulmaaya xujooyin cajiib ah oo kaga imanaaya kooxo habeysan oo ka ganacsada suuqa-madow ee maandooriyayaasha.” Clinton ayaa tidhi.
Dalka Colombia waa xulafo muhiin ah oo dawladda mareykanka hesha caawimo aad u ballaadhan si ay ula dagaalamaan kuwa ka ganacsada suuqa-madow ee maamdooriyayaasha. Waxay arki doontaa madaxweynaha xilka weli haya Mr. Alvaro Uribe. Waxaa kale oo ay ku talajirtaa inay la kulanto labada musharax ee u tartamaya jagada Uribe waa madaxweynaha dalka Colombia, kuwaas oo kala ah wasiirkii difaaca ee hore Mr. Juan Manuel Santos, oo caawimo ka helay madaxweyne Uribe iyo sumacadiisa siyaasadda nabadgeliyada la xidhiidha, iyo tartame Antanas Mockus oo laba jeer oo hore noqday Duqa Bogota, caasimada Colombia, kuna ballan qaaday dawlad nadiifa  oo tayo leh iyo cashuurta oo uu kor u qaadi doono. Musharixiinta ayaa doorashadoodu dhaceysaa June 20, taas oo ah tartankii ku celiska ahaa.
Miss, Clinton waxay ku soo gabagabeyn doontaa socdaalkeeda Bridgetown, Barbados halkaas oo ay kula kulmi doonto wasiirada arrimaha dibada dawlada laysku yidhaahdo Caribbean Islands oo ay ka wada faalloon doonaay cudurada, dembiyada, rabshadaha iyo ganacsiga suuqa madow ee maan-dooriyayaalka.
Waa warbixin ka soo baxday xafiiska Arrimaha Dibada ee Dalka Mareykanka.
By : Abdihukun Ali Handulle.