Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maxaad Ka Taqaan Shariif Sakiin ? Waa Warbixin Aan Ka Soo Xiganay Dr. Cabdi-Salaan Maxamed

Tuesday - June 8, 2010

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ay dhowaan Baarlamaanka Dowladda Federaaliga KMG ahi u doorteen Goddoomiye, horena u ahaa Wasiirka Maaliyadda, ahaana Raysulwasaare kuxigeen Xukuumadda CCC Sharmaarke, ayaa waxaa inta badan doorashadiisii aad uga biyadiidey in badan oo kamid ah Mushtamaca Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo iyadu ah tan kaliya ee aqoonsiga iyo taageerada lagarab taagan Dowladda uu Hoggaanka kayahay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hadaba waxa aynu halkaan kusoo qaadaneeynaa waxyaabaha lagu eedeeynayo Guddoomiye Shariif Xassan gudaha iyo dibedaba:

Waxaa Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanku dhowaan Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Maxkamadda Sare u gudbiyeen Dacwad laxiriirta inuu Shariif Xassan lunsaday ama uu si sharciga iyo maamul wanaaga kabaxsan ugu takri falay malaayiin doolar oo soo gashay Dowladda mudadii 16ka bilood aheeyd ee uu Wasiirka Maaliyadda ka ahaa Xukuumadda hadda jirta. Waxa ay xildhibaanna badani warbaahinta caalamka usheegeen ineey kutebeyaan xatooyo xoolo dadweeyne iyo musuqmaasuq aad u ballaaran. Waxaa Baarlamaanka hortiisa yiiley Mooshin ay xildhibaano badani ku dalbanayaan in lala xisaabtamo Xukuumadda oo uu ugu horeeyso Wasiirka Maaliyaddu.

Isagoo kahortegaya mooshinkan, ayuu Shariif Xassan isaguna dhankiisa soo abaabuley Xukuumadda iyo Xulufada uu Baarlamaanka kudhexleeyahay, waxaana Aadan Madoobe iyo Guddoonka Baarlamaanka lagu eedeeyey inuu waqtigii kadhammaaday, taasoo layaab kunoqotay Beesha caalamka, Maxkamadda sare, Xeer ilaalinta qaranka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo inbadan oo arinkan u arkayey Inqilaab Siyaasadeed oo aan geedna loogusoo gabban. Waxaa sidoo kale gardaradan xilkiisi kuwaayey Guddoomiyaha kuxigeenka Koowaad ee Barlamaanka, Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo weli isagu dacwadiisa wata. 

Shariif Xassan waxa uu kasoo bixi waayey xilkiisii Wasiirnimo, isagoo aan wax far ah u dhaqaajin wax kaqabashada howlaha Wasaaradiisa iyo hey’adaha laxiriira, iyadoo ay ujeedadu aheeyd inaan lahelin hey’ado Dowli ah iyo kaadiriin hufan oo laxisaabtami kara ama kahor imaan kala ujeedooyinkiisa guracan ee kukooban gurashada miraha ummadda kadhexeeya.

Waxaa uu ahaa, welina yahay Sheekhul-kulli isagu si aan habbooneeyn (moonobolitaa) gacanta ugula jira howlaha masuuliyiinta kale ee Qaranku u hayaan umadda. Taasoo saameeyn weeyn kuyeelatay sumcadda madaxda Qaranka, isla markaana sababtay inaaneey Dowladdu wax tallaaba horumar ah qaadin mudadii ay jirtey, illeeyn dherigii fara badshaahi wuu fuud xaraareeyaahe.

Waxaa umadaha siyaasadda Soomaaliya isha kuhayaahi wada ogsoon tahay inuu yahay shaqsi siyaasadiisu ku dhisan tahay xulufeeysi qaldan iyo qaybi oo xukun, isla markaana had iyo goor jecel inuu Baarlamaanka iyo Dowladda u kala qeybiyo Dibi cadde iyo Dibi madoobe si uu dantiisa ugu fushado. Sidoo kale Shariif Xassan kama xishoodo hurinta colaadda iyo kala qeeybsanaanta mujtamaca uu hoggaanka uyahay; waxaana taas marqaati ka ah raadraaca taariikhdiisa siyaasadeed oo muujineeysa inuu yahay shakhsi hadba koox meel ula go’a.

Si ay Shariif Xassan ugu suurtoowdo dhagarta aan kor kusoo xusnay, waxa uu had iyo goor ku qaraabtaa, isla markaana xulufeeysi iyo xiriir siyaasadeed laleeyahay ashqaas dhagarqabeyaal ah, umaduna aaney sumcad ahaan jecleeyn, ahna kuwo aad ugu xeeldheer MUSUQMAASUQA iyo wax isdaba marsiiska, Shaqsiyaadkaas waxaan kaxusi karnaa Jurille. Ibbi, Fowziyo, Wasiirka Koowaad Mudane CCC Sharmaarke, oo dhammaantood aan siyaasad ahaan meelkale culeeys kulaheeyn (Political Minority). Waxaa mudan inaanu isha kuheeyno bal shaqsiga uu Shariif Xassan geeysto Wasiirka Maaliyadda.

Shariif Xassan Waxa uu hadda dib u aruurinayaa Ururkii ladagaalanka argagaxisada, oo uu kadhexeeyey abaal hore, isagoo uga go’leh inuu kula dagaalamo siyaasiyiin farabadan iyo Wadaadadii ay ururka ARS kuwada jireen, oo  waayahanba aad uga biyo diidanaa sida uu ugu tumanayo halgankii ay dhiiga usoo daadiyeen ee ay kudoonayeen Dowlad Soomaaliyeed oo sharaf leh Shareecadana huwan. Talaabadani waxa ay muujineeysa sida qaldan ee uu Shariif Xassan u isticmaalayo Khibradiisa siyaasadeed ee daneeysiga iyo kala qeeybinta kudhisan.

Waxaa uu sidoo kale gacanta kuhayaa qidad uu ku isticmaalayo dhaq-dhaqaaqa cusub ee dariiqada Suufiyada, isagoo heshiis macmal ah kula soo galay dalka Itoobiya. Ujeedaduna tahay in lasii huriyo colaadaha diinta kudhisan ee ay Culumada Soomaaliyeed waayahan garwadeenka kayihiin. Waxaa xusid mudan in fekradan uu danwadaag kula yahay gacmo shisheeye oo ay Talyaaniga iyo Itoobiya ugu horeeyaan. Ururka AWJ waxa ay caalamka usheegeen inaaney metelin dadka uu Shariif Xassan jeebka kalasoo baxay ee ay Axmed C/salaam iyo Dhuxuloow uhoreeyaan. Hoggaamiyahooda guud waxa uu cod dheer kusheegay in waxa meesha kasocdaahi ay yihiin jaanduug iyo maqaarsaar aan iyaka u cuntamin.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba aaminsan yihiin in Shariif Xassan aanu ka tanaasuleeynin ujeedadiisa ah inuu kuraasta Dowladda ugu sareeysa had iyo goor ku fariisiyo kuna cel-celiyo shaqsiyaadka ay xulufada yihiin ee iyaku dantiisa kashaqeeya uuna ugu horreeyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Xukuumadiisa fadhiidka noqotay. Taasoo meesha kasaareeysa adeeggii loo hayey Ummadda Soomaaliyeed iyo soonooleeyntii Qaranimadii iyo Sharaftii Dowladnimo ee loo halgemayey; Beesha caalamkuna ay kubeeshay maalka, dadaalka iyo waqtiga faraha badan.

Dagaalkii siyaasadeed ee uu Shariif Xassan lagalay Aadan Madoobe waxa uu soo if bixiyey weji ah inaanu Shariif Xassan aheeyn Shaqsi xishooda, aadna umayal adag, wax xushmad ahna aan uheeyn Madaxweynaha iyo Sumcadda Madaxtooyada Qaranka oo uu dhexdeeda laaluush aan qarsi laheeyn kubixinayey; isagoo sidoo kale meel kadhac kusameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kadib markii uu Shariif Xassan si aan qarsoodi laheeyn uu xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ugu faanay in haddii uu Madaxweynuhu ka horyimaado qorshaha lagu bixinayo Aadan Madoobe uu isagu gelayo booskiisa, lana bara-bixindoono qushiisa. Iyadoo in badani layaabtay halka uu Shariif Xassan dagaalkiisu gaarsiisan yahay iyo sida uu Madaxweynaha iyo sharcigaba u liidayo, ujeedada ficilkanise waxa ay aheyd inuu cidkasta umuujiyo in isagu yahay libaaxa Afrikada Bari ka taliya, waxa uu rabana cid kahor imaan kartaahi aaney jirin.

Shariif Xassan Waxaa lagu eedeeyaa inuu kadambeeyey Heshiisyo fara badab oo Dalkeena, Dadkeena iyo Dowladnimadeena wax udhimaya, ujeedooyinkooduna aheeyd mid ku dhisan daneeysi iyo Musuqmaasuq. Heshiisyadaas waxaa kamida:

Heshiiskii Badda ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanku diideen.

Heshiis kusaabsanaa in badeecadaha soo aadaya Soomaaliya Canshuurta looga qaado Airaboorada iyo Xudduudaha Dalka Kenya. Labadan Heshiis waxaa lala galay Wadanka Kenya, Hasa yeeshee dib ayeey ka xumaadeen, kadib markii qaylodhaan badani katimid shacabka Soomaaliyeed; waxaana ay tani sababtay in ay isku dhacaan Shariif Xassan iyo Masuuliyiin sare oo Kenyatti ah, taas oo dhalisay in Shariif Xassan laga ceshado Baasaboorkii iyo dhalashadii Kenyatiga ahaa.

Mashaariicda kale waxaa kamid ahaa kii Maxjarka xoolaha ee lala kala galay labada ganacsato ee Sacuudiga ah iyakoo aan is ogeeyn, iyadoo aysoo if baxday in labada shirkadoodba laga qaatay lacago farabadan oo laaluush ah, si ay Koofurta Soomaaliya uga dhoofiyaan xoolo raqiis ah, canshuurtooduna yar tahay, muddo 10 sano ahna aan cidi kula tartamidoonin (Monopoly). Waxaase fadeexadani soo ifbaxday markii heshiiskii lala galay shirkada Aljaabiri oo qura si musuq ah loo horgeeyey Golaha Wasiirada, shirkaddii kale ee Abu Yaser laga gembistey, deedna ay sirtii laaluushka kashiftay, iyadoo soo bandhigtay waxyaabo caddeeyn ah.

Shirkadaha Soomaalida ah ee badeecada keenaya dekedda Muqdishu waxaa inta badan lacagaha canshuurta ah Shariif Xassan uga reebtaa dalka Imaaraadka inta ay joogaan, inyar oo badeecada kamida ayaa canshuurta Xamar looga baxshaa.

Waxaa jira heshiis Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Horumarinta Afrika wada saxiixdeen, lacag 2 Milyan oo doolar ahna Shariif Xassan saxiixay siloogu hor mariyo Hey’adaha Maaliyadda ee Soomaaliyeed; Lama oga halka ay Lacagtaasi kabaxday, wax howl ahna laguma qaban.

Waxaa sidoo kale jirey Hesiis uu dalka Kenya kula saxiixday shirkad xisaabaadka qaabilsan oo layiraa Pricewater House Cooper oo aan ilaa hadda howsheedu kala caddeeyn, balse ay jirto inuu maamulka shirkadaas kahowlgeliyey rag ay isku xulufo yihiin.

Shariif Xassan waxa uu dalka Suudaan kusoo daabacday Shillin Soomaali cusub oo uu isagu kusaxiixan yahay, kana kooban Sh.so1000, 2000, 5000,10,000, 20,000 iyo 50,000 laguna qiimeeyey laba boqol oo Milyan oo Doollar, iyadoo aan lasoo marsiin nidaamkii dowladnimo ee sharciga ahaa, isla markaana ay faraha kalaabteen hey’adihii iyo masuuliyiintii kushaqada lahaa ee Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Lacagta. Iyadoo aan laga ansixin Baarlamaanka, waloow uu damacsan yahay inuu hadda marsiisto. Lacagtaas oo dhaawac weeyn Dowladda iyo Umadda reer Muqdisho ukeeneysa xag Dhaqaale iyo Siyaasadba. Waxaa iyana Jirta Shillin Soomaali Malyuumaad Doolar gaaraya oo dhowaan si sharcidarro ah loo keenay Xamar, welina waxaa socda howsha lagusoo daabulayo lacagahaas umadda lagu dhacayo. Lacagtani waxa ay aheeyd haraadi kaharay laba alifleeydii C/laahi Yuusuf, maalmo kadib ayeeyna suuqyada TFG soogelidoontaa.

Shariif Xassan waxa uu hormuud kayahay qorshaha wadamada deriska Soomaaliya la ihi ay ciidamada ugu tababarayaan ee la xiriira sameeynta Maamul goboleedyo lagu kala googooynayo Soomaaliya; dhidibadana loogu aasaasayo Maamulada kala ah Juboland iyo Southwestern Somalia.

Shariif Xassan weligii waxaan diyaarad ingeeyr ah aheeyn maraacin mudadii uu Wasiirka ahaa, waxaan 5 ama 7 star hotel aheeyna maseexan isaga iyo asxaabtiisu muddo 16 bilood ah oo uu inta badan dalka kamaqnaa. Waxaa lasheeg-sheegaa hanti iyo lacago badab oo uu maalgashi ku sameeystay, guryo uu meela badan ka gatay, iyo inkaloo badan oo aynaan halkaan kucaddeeyn Karin, waxaase hubaal ah inaan hal maalinba allaha kadhigee Xariif Xassan meelcidlo ah aanu marag la’aan ufadhinin. Rabbibaanse wax kaqarsooneeyn.

Waa waajib doowli ah in dabagal lagu sameeyo dhammaan eedeeymahaan iyo qaar kaloo soo ifbixidoona dhowaan. Beesha Caalamka, kuwa Gobolka, Hey’adaha Soomaaliya Isha kuhayaahi iyo Umadda Soomaaliyeed ee dalkooda jeceli waa in ay Shariif Xassan wax ka qabtaan inta ay goori-goor tahay.

Dr. C/Salaan Mohamed  [email protected]