Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Isreal Oo Mihindisaysa Iney Lagdin La Hesho Mr Rajab Erdogan

Wednesday - June 9, 2010

Maareeyaha Guud ee Ururka Cilmi Baarista Istratajiyada ee Dalka Turkiga Mr.Sedat Laciner ayaa sheegay in Isreal ay Mucaaradka Turkiga ee PKK tabobar ku siisay Waqooyiga Dalka Ciraaq gudihiisa, waxaa kalo warku tilmaamaya in axsaabta mucaaradka turkiga laftigooda iyo sir-doonka israail ay sun wada qoshayaan si ay qiiq cusub ugu huriyaan Raiisal Wasaaraha Turkiga Mr. Rajab Erdogan oo waayahaan dambe Cagta cagta u saaray Aabiga dawlada Israaiil. 

Mr Sedat Laciner wuxuu sheegay in Sirdoonka Isreal ee Mossad ay si gaar ah u hawl galiso Saraakiishii Military-ga Isreal ee hawlgabka noqday si ay tabobabar ugu fidiyaan Mucaaradka hubeysan dalka Turkiga ee PKK iyagoo ku sugan deegaanka Kurdistan ee Waqooyga dlaka Ciraaq sida ay soo tabiyey Wargeyska Today's Zaman oo kasoo baxa Turkiga.

" Argagaxisadan (PKK) waxa tababar siiya Saraakiisha Sirdoonka Isreal iyagoo ka caawiya sida ugu wanaagsan ee ay u dhex gali karaan Magaalooyinka waaweyn ee cariga turkiga".

Laciner wuxu sheegay in Xukuumada Tel Aviv aanay la dhacsanayn markeedii horeba Xukunka Xisbiga Talada haya ee uu hogaaminayo Raysal Wasaare Recep Tayyib Erdogan sidaa darteed waxay isku dayayeen inay caawiyaan Argagaxisada " PKK waa uun Mashruuc qaate u adeegaya Danaha Isreal" ayuu ku sharaxay

Shakiga Turkigu ka qabo PKK iyo xiriirka Isreal ayaa bilawday kadib markii PKK ay qawracday todobo askari oo Turkish ah oo ku sugnaa Xeebta gobolka Koonfurta ee Hatay,taaso keentay in madaxweynaha Ciraaq jalaal Dalabaani oo uu dhashay Kurdiga uu ka raali galiyey dawlada turkiga dhacdadaas foosha xun.

Sirdoonka Turkiga ayaa markaa wixii ka dambeyey eegayey xiriirka ay yeelan karaan Military-ga Isreal iyo PKK