Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Waa casharki Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al- Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - June 10, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

                                ------------------------------------------------------------------------------

Digtoor Shiikh Shuceyb Oo Diinta Iyo Axwaasha Caafmaadka ku Ciroobay ayaa Maanta Idin Soo Bandhigaya Casharadiisi Hanuuninta Mid ka mida .. Ku Soo Dhawaada Iyo Ujeeddo Casharka Maanta: Biisha Barakeysan Ee Ramadaan Oo Na Soo Haysa Iyo Waxa Noo Eg Inaan Dib U Eegno Waqtiyadi Naga Tagay

 Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga nebi Maxamed NNK ha ahaato, qofkii Allah hanuunsho ma baadiyoobo, midkii ka leexda dariiqa toosan oo Allah baadiyeeyo cid hanuunisa ma yeesho, Waxa gebogebo ah bishii Lixaad ee sanadka Islaamka 1431 Hijra, bishan oo kalabarta sanadka, waxa ka dhiman bishii barakeysneyd ee Ramadan wax ka yar 12 usbuuc, qofka muslimka ah ee caqliga Allah u yeelay waxa waajib ku ah inuu dib u eego wakhtiga sanadka ka tegay, waa inuu xisaabtamo, maxaa iska bedelay noloshiisa, maxaa u suurtoobay oo uu qabsaday, si uu u gaaro guusha ma'guurtada ah iyo Liibaanta aakhiro, ma siduu ku sugnaa sanadka bilowgiisa buu yahay mise Allah buu u dhawaaday si ka wanaagsan siduu ahaa, ma ku hamiyaa inuu gaarsiiyo reerkiisa, eheladii iyo bulshada uu ka dhashay wixii aqoon iyo dhaqaale ah ee Allah baray ama siiyay, siduu uga badbaadsho Jahli iyo saboolnimo ama Naarta Jahannamo.  
Maalin walba oo ka mid ah ayaamaha sanadka ee na dhaafta waxey ka' go'antahay Cimrigeena, dadka intooda badan waxey ku farxaan maalmaha dhaafa hadaad u fiirsato, hase yeeshee waxey moogyihiin iney u dhaweyneyso ajashooda iyo hoygooda joogtada ah, laba midkood bay ahaan farxad iyo barwaaqo aan dhamaad laheyn ama qoomamo, caro iyo ciqaabta Allah.
Qofka muslimka ah waa inuu u dhexeeyo cabsi uu ka baqayo Allah ciqaabtiisa iyo rajo uu Allah ka rajeynayo inuu ka cafiyo wixii gef ah uu galo iyo dembiyada faraha badan ee maalin walba la sameeyo, ma jiro adoon Allah oo dembi iyo gef ka fog, hase yeeshee sidii Suubanaha noo sheegay NNK ha ahaato "Adoomada Allah oo dhan way gefaan, waxaase ugu khayr badan kuwa Allah u laabta oo dembi dhaaf la yimaada", Malaa'igta mooyee qof aan gefin ma jiro, wanaagu wuxuu ku jiraa in markii la simbiriirixdo isla markaa Allah loo laabto oo cafis la weydiisto.
Ilaaha weyn ee xaqa lagu caabudo, adoomadiisa wuu u kordhiyaa nimcadiisa kuwa aad ugu mahadiya oo khayrka uu siiyo wax ka gaarsiiya reerkooda, eheladood, qaraabadood iyo inta ka liidata ee u baahan in la gacan qabto ama wax la taro, siduu ku balan qaaday kitaabka kariimka ah, dadkuna waxey u qeybsamaan sadex qeyb, in yar oo had iyo goor Allah u mahad celiya oo xusuusan nimcada uu ku maneystay, waxa kaloo jira qeyb labaad oo mar dhif ah xusuusta kadibna u mahad cesha Allah sida marka la ibtileeyo, kadibna garta nimcada Allah siiyay markaa u mahad cesha, iyo kuwo warmoog ah oo qaflo ku jira marna aan Allah xusuusan una mahad celin, Allah waxaan ka baryayaa inuu naga dhigo kuwa marwalba xusuusan nimcada uu ku maneystay, lama koobi karo fadliga Allah u galay adoomadiisa.
Kitaabka quraanka ah Allah wuxuu ku tilmaamay inuu waxkasta ee nool ka abuuray biyo,
Biyaha waxa weeye nimco weyn oo aan la koobi karin waxtarka ay u leedahay nolosha bani'aadanka, waa nimco balaaran oo mudan in Allah loogu mahad cesho, waxa loo isticmaalaa in la cabo oo haraadka la isaga bi'iyo, waxa kaloo loo isticmaalaa Cibaadada Allah sida salaada, marka lagu weyseysto, waxa la isaga meyraa nijaasada jirka iyo dharka soo gaarta, beeraha baa lagu waraabshaa marka la abuuro, sida dadka intooda badan la socdaan waxa biyuhu u qeybsamaan Biyo Macaan, sida xareeda oo kale ah kuna wanaagsan in la cabo, iyo biyo dhanaan sida kuwa badaha oo aan ku wanaagsaneyn cadida hase yeeshee anfac kale oo badan leh, waxa ku nool kaluunka oo wax tar weyn u leh dadka.

Waxa markaa xusid mudan in biyaha oo leh anfacaa faraha badan isla markaa marar badan dhib iyo cuduro badan laga qaado ama ay ka dhashaan waxyeelo, cuduradaa oo dhib weyn iyo dhimasho u geysan kara adoomada Allah, Cudurada ka iman kara hadaan wax iska xusuusino waxa ka mid ah cudurka Kaadi Dhiiga loo yaqaan ama (Bilharzia), cudurkan oo ku badan qaarada Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya waxyeeladiisa laga arko sida badan agagaarka webiyada iyo meelaha biyuhu fariistaan, tan iyo hada dhor nooc oo kala duwan baa laga ogaaday sida midka u badan Soomaaliya, bukaanka kaadidooda soo raacdo dhiig. Dalalka horay u maray waxey ka gaareen guul weyn iney ku baraarujiyaan dadkooda waxyeelada ka dhalan kara iyo dhib la xiiriira marka qofku qaado cudurka Kaadi dhiiga ama nooca kale ee saxaro Dhiiga keena, waxey ku baxsheen wakhti badan iyo dhaqaale fara badan si loo cirib tiro ama aad loo yareeyo cuduradan ka dhasha biyaha. Hadii Nafta iyo wakhtiga nagu simaan Allah idankii Jimcaha dambe baan kusoo qaadan doonaa cudurka kaadi dhiiga waxa keena, sida looga hortago iyo sida loo daweeyo.

Hadaan asiibay waa Allah fadligii oo qura, hadaan gefay waa sheydaanka iyo nafteyda.

Waa Dr. Shuceyb Yuusuf Oo idiin kaga tegay amaana Allah