Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xaa-Shaa Lilaahi Keynaan Waa Geesi Dhiidhiyey Dhiigeena Kiciyey..Dusha Ku Qaaday Calanki Qaloocsamay

Friday - June 11, 2010

Xaa-Shaa Lilaahi Geesiga dhiidhiyey .. Dhiigeena Kiciyey .. Kacdoon hilaaciyey  ..   Aarki miciyaha listay .. Keynaan Warsame Wax Dhan Buu Dagaalamay si xaaladu isu Badasho .. Markii Calankeeni Xaasad Kala Jiitay Rageedina Gabay ee Kaalin Gali Waayeen .. Dusha Waxuu Ku Qaaday Calankii Tolkiisa Somaali .. Cirkii Ayaa Calankeeni Ku Harqaday .. Waa Guul U Umadiisa Uu Soo Hoyiyey . ilaah Baan U Baryeynaa Inusan Darxumo Tusin.

Waxaa nasiib daro noqotay warbaahinta caalamka iyo dhamaan qaybaha bulshada kala duwan caalanka in soomaalida ku noqotay Tuke cad oo wax xun maahe aan wax wanaagsan laga sheegin marka laga hadlaayo .. dadka shisheeyaha ee dhageysta xaalkayaga iyo kuwa fiirsada telefishanada naloo ka hadlo qaab daradeena iyo anshax-daradeena ayey saluugaan kana yaxyaxaan .

Waxaana Markhaati ka nahay in dadka dhibaatada iyo shidada ku haya soomaaliya ay yihiin wax aan ka badneyn boqolkiiba shan 5% halka ay ka bad qabaan boqlkiiba 95% taageerida iyo la safashada dadka waxa xun sameynaya, waxaana la yaaba tiradaas fara ku tiriska ah ee quuqle iyo qaaqle u badan ayaa qaranimadi Soomaali miineysay oo weli u afduubantahay, oo dartood sal lala dhigi la'yahay.

Xalay ayaa warbaahinta iyo telefishinada caalanka lagu soo bandhigay bandhig faneed ay ka soo qayb galeen shucuubta ka qayb galeysa koobka aduunka, halkaasoo qolo kasta ay fankoodaas ku soo bandhigeen masrax buux la ciiraya furitaankii ciyaaraha iyagoo qola waliba soo bandhigeysey fanaanintooda iyo muuqaalka jiritaanka dalkooda hooyo.

Hadaba halyey Keynaan Warsame oo ka mid ahaa fanaaniinta meeshaas ka soo qayb gashay ayaa ahayd ficilkiisa arin looga daydo oo lagu baraarugo , waxuu gacantiisa kor ugu haatiyey calankii umada soomaaliyeed ee muddo dheer qaloocsanaa, xita durbaanadiisi ayuu ku shaqlay calankii soomaalida .. Halyey Keynaan Warsame inaan naanta garab ku siino, maslaxda, nabada iyo wadaniyada uu la yimi waa nala gudboontahya

Runti Anagu Maanta waxaan dhamaanteen u sidnaa Calanka qabiilka iyo jufada, raaska , bahda iyo wax la mida, waxaana wada nahay jago-doon .. macaash-doon .. xoolo-doon .. madax-doon ..aar-doon .. godob-doon .. magac -doon, intaasba waa mabda' aan shaqeyneyn oo mirirey weeye.

Ma jiro maanta ruux lagu tilmaamikaro Qaran-doon .. Wadan-doon .. Calan-doon ..Cisi -dooni iyo wax la mida

Waxaan umada soomaaliyeed ku boorineynaa iney ubadkooda ku barbaariyaan Diinta islaamka iyo Wadaniyada dalkooda, halka ay kaga bilaabayaan ubadkooda "yaa tahay- qolomaa tahay " iney ugu badalaan inu yahay Soomaali, qofka Soomaaliyeedna yahay walaalkiis si loo helo berito kumanaan leh qadiyada Mudane Keynaan Warsame oo kale.