Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Gabayga Lagu Amanaayo Fanaanka Soomaaliyeed Ee K'naan

Sunday - June 13, 2010

Kolkay badaha u baqooshay

Kolay kala baaday badiba

Kolkay kurbadiyo xanuunka

Kadeedka badeen dadkeedu

Kacdoonkiyo dhiiladiisa

Kolkay saxariir ka qaaday

Kolkay kallahaada badisay

Kolkay kooraha dul saartay

Ee ay keenaysay awrka

Kolkay kala guurtay badiba

Kolkay geediga bilowday

Kolkay kanadiyo maraykan

Kolkay yurub kooxi gaadhay

Kunbaa dhaqankooda diiday

Kunbaa diintii kahdoodoo

Kunbaa kasi waayay talada

Kooxiba meelbay u baydhay

Kartida waa loo dhashaa

Kaskana waynahaa baxsha

Kalsoonidu waa hogaan

Kaynaanbaa calankii sida

Keligiis buu taagan yahay

Kulan ay kuman malyuun

Ku loolamayaan dadoow

Waxuu kor u qaadayaa

Kor dahab calankii ahaa

Kuwii garabkiisa iyo

Kaltanka la wadaagi laa

Iyagaa iss kadeedadayooo

Kurkay iska gooynayaan

Kaaray isku weeraaraan

Koox koox bay kala noqdeen

Kursi bay wada doonayaan

Kaskeedana ruux lehiba

Kuligood kuma wada jiroo

Kuus lacagay wada rabaan

Allow kaynaano badan

Kun wiilo magaca sida

Kitaabada kuwa qoriyo

Kubada kuwa dheela iyo

Kuwo orodyahanahiyo

Kuwa hindisiinahoo

Aduunka kusoo kordhiya

Waxay keeneen iyagu

Kor yeelana magaca iyo

Kaalinteenii dadnimo

Kuwaan laga maarmi karin

Kartiyo diin iyo aqoon

Wadani kaafiya dadkaan

Kariimoow adigu keen.

Waa Qalinkii iyo Hal-abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]