Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Jabhada ONLF - Garabka Rescue Wing Oo Heshiis La Galeysa Itoobiya

Monday - June 14, 2010

Ka Timid: Gudoomiyaha Jabhada ONLF- Garabka Badbaadinta Jabhada - Mudane Cabdi-wali Xuseen Gaas 

Ku Socota: Dhamaan Shacabka Soomaali Gudo Iyo Dibadba

Ujeedo : Warbixin - La Socodsiin

                                             ---------------------------------------------------------------     

Kadib markii uu baaq xoog badan, oo  isdabajoog ah nooga imanayey sadexdii bilood ee la soodhaafay Ugaasyada, Suldaamada, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool dal iyo dibadba,Kuwaa soo naga codsanayey inaanu wadahadal layeelano dowlada Itoobiya. 

Kadib markii aanu ogaanaanay inuu wadahadal kula jiro dowlada Itoobiya iyo Golaha Sare ee ONLF oo uu Garabka Badbaada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya  (ONLF-Rescue Wing)  la midoobay 22 /11/2008. Balse nasiibdaro khilaaf dhacay awgeed aan midnimadaas ku kala noqonay 10/09/2009. Ayna qaarkamida masuuliyiinta Golaha Sare  maalmahan naga codsadeen inaanu wadahadalo Anaguna la furo Itoobiya.

Kadib markii ay masuuliyiinta Garabka Badbaadinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaden (ONLF-Rescue Wing) ay siweyn udarseen baahida shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu uqabo xiligan in qadiyadooda wadahadal lagu  xaliyo intii Qori lagu xalinlahaa hadii laga helo dhanka Itoobiya. Taa soo ay ka muuqata niyada fiican ee ay shacabku ku soodhaweeyeen dal iyo dibadba wadahadalada u socda Dowlada Itoobiya iyo Midowga Jabhadaha Xoraynta Soomaali Galbeed.

Kadib markii aan dhagaysanay warkii uu warbaahinta caalamka siiyey Raiisulwasaaraha Dowlada Itoobiya Meles Zenaawi oo muujiyey hogaamiyenimo iyo rabitaan wadahadal iyo xalka qadiyada Soomaalida Ogaadeenya.

Kadib markii ay xidhiidh nala soosameeyeen qaar kamida aqoonyahanada dibada ku nool ee Soomaalida Ogaadeenya.  kuwaasoo naga codsaday inaan wadahadal kula yeelano dowlada Itoobiya mid kamida wadamada Yurub.

Hadaba dal iyo dibadba Wadatashi dheer oo ay masuuliyiinta, xubnaha iyo taageerayaasha    Garabka Badbaadinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF-Rescue Wing)  ka yeesheen arimaha korkuxusan waxaan goaansanay inaanu wadahadal lagalo dowlada Itoobiya. Waxaanan siweyn u soodhaweynaynaa rabitaanka  wadahadalada iyo xalka qadiyadanada Soomaalida Ogaadeenya ee uu muujiyey raysulwasaaraha Itoobiya Meles Zenaawi.

Oogu dambayntii waxaan  oogu bishaaraynayaa Ugaasyada, Suldaamada, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka iyo dhamaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya dal iyo dibadba inaan aqbalay baaqiinii, oo aanu wadahadal labilaabidoono dowlada Itoobiya,  dhinacanagana ayna ka soconwaayidoonin hadii laga helo dhankooda