Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Sh.Shariif Iyo Qashaabiirtisi, Dhawaan La Arki-doono Iyagoo Kab Lu-laaya Midna Laa-laadinaya Oo...

Friday - July 16, 2010

Shacabka Soomaali oo gudo iyo dacalo caalamka ku nool ayaa leylka qaarkiis si gaara waayahaan madax daalis uu faaqida xaalada xiligaan ee awooda al-shabaab iyo waliba dawlada ku meel gaarka ee madaxa ka yahay Shiikh Shariif, waxayna ku andacood carabka uu badinayaan in dawlada TFG ee Shiikh Shariif aanay u qalmin taageera sii socota oo ay ka helaan beesha caalamka, balse xaqiiqada wanaagsan ay tahay in faraha laga qaado oo aan waxba laga sheegin maa daama aysan xal lahayn oo ayba u afduubantahay nin xuni iyo akhas-sunaas " nasty people" 

Waxay yiraahdeen, Caawinta iyo daba-nashleynta reer galbeedka dawlada Shiikh Shariif wax badan ka qabanmeyso sidi meesha looga saari lahaa khatarta al-shabaab ka iimaaneysa, mana aha dawlad istaagi karto meel aysan joogin ciidama ajnabi ah oo aanay taagereyn Mareykanka ... Dwaladu iminka ma maamusho caasimadeeda, oo inta badan administration-ka iyo xiriirkeedaba, waxay ku sameysaa hotel ku yaal Nairobi dhawr sanadoodba.

Waxay faaqidaada shacabku intaa sii raaciyeen; madaxweyne Obaama waxuu u muuqdaa nin weli jaahil ka sii ah, oo aan fahmikarin xaaladaha bulsho, siyaasadeed ee carigaas yaala ,waxuuna ku si taaganyahay qorshihii akhasta ahaa ee ay soo maleegeen qawleysatadi lobbyist-yaasha dhuuni-raaca ee ku indho adkaa manfacadi deeqaha Somaaliya, iyo kuwa qashaabiir somaaliyeed tororogta badan, oo qabyaalad heensaday oo sidey sandareer iyo macmacaan u cunayeen calooshu faaxday

Maamulka Madaxweyne Obaama haddey ku fakerayaan Afagaanistaan iney tahay meel tusaale ah, weli waxba arki-mayaan oo indho la'aan ayey hayjad cidla ah jafayaan ... Somaaliya waxay u noqon-doonta Afgaanistaan sida iyadoo beer qurux badan maalin ciida la dhex lugeeynaayo.

Khatarta Al-shabaab waa mid run ah, waana mid aad iyo aad khatar u ah .. qaraxyadi argagaxa lahaa ee ka dhacay Kambala waxay ahayd arin waqti soo jiitameysey, oo waxay soo gurguurtaanba kolba dhinac soo dhigtaan soo xamaartaan, waxay madfac baaruudiis rasaas duufaano ku haftaanba, waxay ugu dambeyn fuud cabsiiyeen in ka badan 70 oo naftoodi waayey Axadi la soo dhaafay, waxayna u muuqata haddi aysan reer galbeedka iyo Mr. Obama ka fiirsan dawlada kaftanka afka u taagan kol-koolintooda iyo daba orodka guufkaas maran Shiikh Shariif ee beri ay kula kufeen xil aanu qaadi-karin awoodna uu lahayn una qalmin, waxaad arki-doontaan reer galbeedow intaa in ka badani ay ku naf-waayi-doonaan dalalka Kenya, Ugaandha, Itobiya , Buruundi iyo meelo kalaba, waxaase idin ka cajabin-doona oo aad arki-doontaan Shariifka aad kol-koolineysaan iyo kooxdiisa shacabka soomaali ku imtixaaman oo kabha-lulaaya,midna laa-laadin-aaya, oo meeli waliba lafahooda bush-kax tahay, xadka kenya ku habaartamaya iyo idinko candhuufta dib u liqaaya oo leh sorry waxuu ma caynkaanu ahaa

Ugu dambeyn waxaa la yiri wixii baxaya indhahaa casaada, sida muuqata shiikh shariif iyo kooxdiisa danaha kala gaarka leh iyo damacooda kala duwan,danti ay galbeedku ka lahaa xita wey gudan-waayeen oo ma muuqato somaali iskaba daaye rajo iyagu uga soo socota ... sidaa awgeed Mr. Obamow shacabka soomaali waxay kaa codsanayaan inaad ku laba kacleyso farsamadi awalba caga-jiidka ahayd oo aad taayarada ka badasho baaburka uu darawlka ka yahay Shiikh Shariif oo dhan u socon-waayey, batarigiina ay ka dhamaadeen biyihii.

Waxay intaa raaciyeen iyagoo dardaarmaya;  Fadlan madaxweyne Obamow ma daama uu xidiga naga qaloocanyahay oo sheekadayadu tahay nin buka boqol u talisay, tijaabi oo ku eeg dadkaan mid cusub, adigo nagala xishooda kuwa rifrifan oo kabahoodu ciribta ka dhamaatay, candho-dawlan aan hor iyo daba toona lahayn .. nagala xishood qawda maqashi waxna ha u qaban .. waxba kama qabno iney ku yihiin Nacam-yaal "yes man"  kaliya hanagu calemo saarin qashaabiir isbiirsatay, oo ha nagu soo bixin sheydaan Qaawane iyo dhaa-dhaan sababihi uu ku bixi-lahaa iyo wadkii dili-lahaa gacmaha ku sita ... Obamow haddi Taas laydin ka waayana hadde sheekadu waxay u dhicidoontaa sidaan horay u xusnay ee kabtay ma aragtay iyo xuurto aan loo baahneyn.